War-saxaafadeed

 

 

Date: 02/07/2011

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

Madaxweynuhu waxa uu Digteeadaa Magacaabista ah ku yidhi sidan:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in badhasaab loo magacaabo Gobolka

Awdal,

Markuu Aqoonsaday: Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Xasan Daahir Xaddi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL