“Wakhtigii Madaxweyne Cigaal Kursigu Qiimo Ayuu Lahaa Iminka na,……….Madaxweyne Siilaanyo Waxaan U Soo Jeedinayaa……”Faysal Cali Waraabe Waraysi Gaar Ah.


 


Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dhamaanb a shucuubta islaamka, gaar ahaan kuwa reer Somaliland hambalyo ku aadan curashada sanadka cusub ee Islaamka gaadhsiiyay, waxaanu ilaahay uga baryay in sanadkan ka xiga uu ku gaadhsiiyo caafimaad qab iyo cimri dherer.

Guddoomiyaha oo Khadka Telefoonka ugu waramayay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, ay aa sheegay in Maamul Goboleedka Puntland ay ku soo durkayaan xuduudaha Somaliland, isla markaana ay doonayaan in ay goostaan dhul ay Somaliland leedahay.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu ka hadlay socdaalka Madaxweyne Siilaanyo uu ku joogo dalka Ingiriiska isaga oo tilmaamay in ay ahayd in socdaalada caynkaas ah u diro wasiiradiisa.


Ugu horeyna isaga oo hambalyo u diraya shacabka waxa uu yidhi “Waxa aan hambalyaynayaa dhamaanba shucuubta islaamka meel kasta oo joogaan, waxaanan si gaar ah u hambalyaynayaa shacabka reer  Soma liland, waxaanan ilaahay ka baryayaa in uu sanadkan soo socda uu inooga dhigo mid khayr leh, ictiraafna uu dalkeenu helo, dadka oo dhamina ay isku jeclaadaan, ilaahay belo oo dhan ha inaga duwo  khayrkeeda na ha ina siiyo, inta xanuunasanaysa caafimaada sareecan ah ha siiyo”


Mar uu ka hadlayay socdaalka madaxweyne Siilaanyo waxa uu guddoomiyaha xisbiga UCID uu yidhi ‘Marka hore in meel walba la maraa way fiican tahay, laakiin waxa ka horeysa in qorshe ku salaysan sidii dalkan Ictiraaf loogu heli lahaa waa in la sameeyaa.

Ta labaad waxa weeyaan wixii uu wasiir qaban karayay ee dibada ah maaha in uu Madaxweynuhu u baxo, waayo waxa weeyaan in loo dhaqmo sidii madaxweynihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.


Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu qiimayn jiray xafiiska madaxweynimada, me el aanu marti qaad ka helin, oo aan la kaaramaynayn, oo magaca uu sito aan la gaadhsiinayn, muu tagi jiri n, Madaxweyne Rayaale waxa aanu ku eedayn jirnay in aanu hoos u dhigin Magaca Madaxweyneha  Somalila nd oo safarada uu Wasiirku qaban karayo in aanu tegin oo aanu garab ordin, markaa waxa aan leeyahay Siilaanyo inaga oo guddoomiyeyaal ah ayaynu wasiirada la kulmi jirnaye, waxa ka fiican in aad gudaha  ad kaysatid, oo lacagteena oo la fidiyo, nabadgalyada oo la adkeeyo iyo maamulkeena oo la fidiyo, idaacade ena oo dalka oo dhan wada gaadha, marka aad intaas samaysato wasiiradu iyaga oo socda ayay kuu  im an doonaan, Wasiirka arrimaha dibada ha loo daayo shaqadiisa, kursiguna sharaf buu leeyahaye ha la sharfo oo ha la ilaaliyo” ayuu yidhi.


Mar uu ka jawaabayay marti qaadka uu dawlada Ingiriiska madaxweynuhu ka helay sida uu arko iyo soo dhaweyntii uu kala kulmayba waxa uu yidhi waxa uu yidhi “Madaxweynuhu marti qaadka waxa uu ka halay qof ganacsade ah oo samaynayay Chamber of Commerce, waxaana la yidhi kaalay ka soo qayb gal, laakiin madaxweyne marka uu dal tagayo waa in uu marti qaad ka helaa, soo dhaweynta wuu helayaa  madaxwe ynuhu oo waxa soo dhawaynaya shacabka waanu la kulmayaa Wasiirada ee laakiin dawladeenu way  cusu btahay, maamulkeenuna waxa uu taagan yahay halkii uu madaxweynihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal kaga tagay, waad ogtihiin maanta laba gobol oo waaweyn ayaa la inaga sheeganayaa, waxa aad ka war haysaan in iminka uu maamulka Majeerteeniya (Puntland) ay bilaabeen inuu qaado khariirad inagu soo reebaysa Togdheer, Gobolka Waqooyi Galbeed iyo Awdal, laba gobol oo uu inaga reebay ayuu Kuwiat la marayaa, Kenya la mayaaa oo uu Ethiopia la marayaa, waxa aad ogtihiin in wasiiradii reer somaliland, wakiilada ay ka maageen, halka ay kuwii ka soo jeeday Garoowena yimaadeen, markii ay labada maamul xilka la kala wareegayeen nabadgalyadii way debecday, waxaana laga faa’iidaystay isbedelkii markaa  wa xa wanaagsan in gudaha la dhiso, maaha in safar lagu degdego, laakiin haddii meel lagu degdegayo  arrite enu Afrika ayay taalaaye waa in aynu afrika u safarnaa maaha in aynu yurub tango” ayuu yidhi.


Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay in ujeedadii loo sameeyay maamul Goboleedka Puntland ay ahayd sidii loogu baabiin lahaa Somaliland, waxaanu u soo jeediyay waxgaradka beelaha bariga in ay ka hadlaan arrimahan ugu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday deegaanadaasi waxaanu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan shacabka u sheego in maamulka Majeerteeniya aan loo samayn in uu noqdo maamul jira ee waxa loo sameeyay waxa ay ahayd in lagu burburiyo Somaliland, Waxa ay yidhaahdeen sidee ayaynu Somaliland ku burburin karnaa waxaanay isla garteen in ay samaystaan maamul goboleed la yidhaahdo Puntlland, markaa waxa weeyaan in ay hadlaan salaadiinta ka soo jeeda, labadaas gobol waa in ay  sheeg aan in labadaas gobol aanay deganayn qabiil keli ahi ee la wada degan yahay, waa in ay hadlaan maalin kasta Salaadiin ayaa sheeganaysa labadii gobol oo leh Sool iyo Sanaag baanu leenahay, kuwii deganaana ma hadlayaan, markaa waxa weeyaan in la gaadho beentan fakatay ee aduunku leeyahay Sool iyo  san aag maxaad ka yeelaysaan sidii lanagu haysto waa in ay dadkii ku noqdaan oo ay qabiilooyinku hadlaan, dawladuna waa in ay Buuhoodle tagto, wax inaga horjoogana ma jiraan” ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay.




Xigasho: Hadhwanaagnews