“Madaxweynuhu Maanta waa Murrashax Xisbi, Awoodihii Da w laddana Halkaasaa Lagaga Imanayaa Marka Arrimahan oo Kale Go’aan Laga Gaadhayo” 

Saleebaan-gaal oo sheegay in Rayaale Xallinta Murannada Siyaasadeed Kala Mid yahay Murrashaxiinta xisbiyada qaranka


Golaha Guurtida oo ansixiyey go’aamo ku saabsan xal-u-helidda khilaafaadka dalka ka aloosan

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Sa leebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in aannu Madaxweyne Rayaale  ah ayn madaxweyne, marka laga hadlayo xallinta murannada siyaasadeed ee  da lka ka oogan, yahayna murrashax xisbi aan wax kale dheerayn  murrash axiinta dhiggiisa ah ee xisbiyada qaranka.

Md. Saleebaan oo shalay u warramayey laanta afka Soomaaliga ee  idaacad da BBC-da, waxa uu sheegay in marka la eegayo xal-u-helidda muranka la xidhiidha doorashada ee waqtigan taagan uu Madaxweyne Rayaale yahay murrashax xisbi, isla markaana aan loo tixgelinayn awood madaxweynenimo, taasoo uu ku baraarujiyey inay ogaadaan Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo ka jawaabayey su’aal la  wa ydiiyey oo ahayd, khilaafkan taagan dadkii welwel badan ayey ka qabaan, markaa maadaama oo aad adigu halkii ugu sarreysay fadhido golaha rajo  int ee le’eg ayaad ka qabtaan in khilaafku damo, waxa uu yidhi; “Dadaal ayeynu la wada imanaynaa maaha Guurtida oo qudha, awoodda dastuuriga ah ee ugu weynina waa xukuumadda, xukuumaddu waa inay u aragtaa danta  qar anka oo danteeda halkaa iska dhigtaa, kuraasta waana la helaa waana la waayaa, waxa jirayaa waa danta qaranka. Xukuumaddu waa inay u aragtaa danta qaranka inay meesha u fadhido, taa inay inagu hoggaamiso weeye oo annaguna wax kula qabano haddii aannu nahay Guurtida iyo golahan kale ee Wakiilladaba, waa in aynu dantii qaranka u adeegnaa oo kursi baa hebel doonayaa amma xisbi hebel doonayaa ama madaxweyne doonayaa maaha, Madaxweynuhuna maanta waa murrashax murrashax xisbi, awoodihii  dawla dda halkaasaa lagaga imanayaa marka arrimahan oo kale go’aan laga gaadhayo, waana in sidaa Madaxweynaha iyo xukuumaddiisuna u arkaan.”

Mar la su’aalay in midnimada golihiisu muujiyey ee kaga heshiiyey khilaafkii dhexdooda ay taasi keeni karto in laga maarmo dhexdhexaadinta muranka Somaliland ee shisheeyaha sida Itoobiya, waxa uu yidhi; “Dee kolley  shishe eye yimi gacmo iyo lugaba lala soo gal, waxaanu jecelnahay in ay  dhexdhe xaadna ka noqdaan hawsha oo ay caddaalad ku shaqeeyaan. Shisheeye inoo goyn maayo ha noqoto dawladda Itoobiya ama adduun wayn kalee inoo goyn maayaan oo wax innagu khasbi maayaan ee taladooda haddii aynu qaadan karno waynu qaadanaynaa, laakiin marka runi run gaadho ragba waa ku raqdeed.”

Md. Saleebaan oo la weydiiyey maadaama distoorku siinayo inay  khilaafaa dka dalka iyagu ka hawlgalaan inay dhexdhexaadiyaan Golaha Wakiillada, waxa uu ku jawaabay, “Waxaan isleeyahay hawsha way ku filan yihiin, khilaafaadkooduna ma badna, haddana muddo dheer may qaadan, haddii aannu u aragno in naloo baahdo waanu geli doonaa, waxaanse leeyahay way isku filan yihiine gacmaha dibadeed ha laga daayo.”

Geesta kale, fadhigii shalay ee Guurtida, ayaa mudaneyaashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen qodobo soo-jeedin ah oo ay golaha soo hordhigeen guddi ka kooban 22 xildhibaan oo loo saaray xal-u-helidda khilaafka siyaasiga ah ee dalka ka taagan.

Fadhigaas oo ay ka qaybgaleen 58 xildhibaan, waxa oggolaaday 55 mudane, laba way ka aamuseen, guddoomiyuhuna ma codayn.

Nuxurka qodobadda heshiiska Golaha Guurtidu ku soo afjaray khilaafkii sida weyn u kala qaybiyey ee muddada dheer dhex miranayey waxa ay kala yihiin:

“Gudi ahaan markii aannu derisnay dood iyo falanqayn badana ka yeelanay habkii iyo qaabkii loo wajihi lahaa muranka jira, dalkana looga samato bixin lahaa khal-khalka jira iyadoo muhiimaddu tahay in goluhu dhexdhexaad  noq do, waxaanu soo jeedinaynaa gudi ahaan qodabadan:-

1. Waxaannu mar labaad ayidaynaa go’aankii golahu ansixiyey, dhexdhexaad na noqono sida ku cad go’aanka lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aan-04/08/2008 kuna tariikhaysan 18/08/2009 ee ka koobnaa 7 qodob.

2. Si dhexdhexaadnimada Golaha Guurtidu u xaqiijisanto waa in aan xubnaha goluhu ka mid noqon xisbiyada siyaasiga ee qaranka.

3. In Goluhu isagoo dhinaca maslaxadda guud ka eegaya wuxu ansixinayaa wixii xal ah ee ay kusoo heshiiyaan saddexda xisbi qaran ee lagu soo afjar ayo muranka siyaasiga ee dalka ka taagan. Haddii ay ku heshiin waayaan Goluhu wuxuu ku hawlgelayaa wajibaadkiisa dastuuriga ah.

Sidaa darteed, marka qodobadda kor ku xusan la helo ayaa goluhu u gudbi karaa wajihi karaana wixii khilaafaad ah ee jira, doorkiisana ka qaadan karaa.”

Magacyada xubnaha guddiga soo diyaarisay heshiiska:

1. Mudane Axmed Dirir Cali

2. Cabdirxamaan Axmed Aaraye

3. Cabdillaahi Ibraahin Xirsi

4. X. Xabdirkariim Xuseen Yuusuf

5. Maxamed Jamac Abokor

6. Muxumed Aw. Axmed X. Aaden

7. Cabdisalaan Maxamed Siciid

8. Aadan Shire Faarax

9. Cabdiqaadir Aw Xuseen Mire

10. Axmed Muuse Obsiiye

11. Sahal Iidle Dirir

12. Cabdiqaadir Maxamed Xasan

13. Jaamac Faarax Axmed

14. Nuur Riyaale Kheyre

15. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax

16. Xirsi Ciise Jaamac

17. Yusuf Cabdillaahi Cawaale

18. Cabdiraxmaan Sh. Yusuf Sh. Madar

19. Cabdirashiid Sh. Cabdillaahi Aaden

20. Maxamed Maxamuud Yaasin

21. Saleebaan Garas Seed

22. Axmed Daahir Jirde.




Source: Jamhuuriya Online