Arabsiyo:Booyadaha Dhaanka Biyaha oo Culays Ba,an Ku Haya iyo Ceelkii Jeel-baxa Geela Xadhaadh oo Magaaladu Ka Cabto Xiliga Adag

 

 


Arbasiyo(TNN)-Booyadaha Aroorka biyo Dhaamiska xiligan, adag ee jiilaalka ayaa, saamayn culus ku yeeshay Degmada Arabsiyo oo katirsan dhul beereedka bustaanada ee ugu ceelalka badan Gobolka Gabiley.

Maalintii in ka badan boqol booyadood ayaa, ka dhaamiya Gudaha Magaalada Arabsiyo biyaha dhaanka ee booyduhu u qaadaan deegaanada Howdka iyo kililka shanaad ee Koonfurta Hargeysa, ku waas oo ka dhaamiya Biyaha Ceelasha ku yaala bustaanada dhexdooda, ee lagu waraabiyo Beeraha Khudaarta Arabsiyo.

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Arabsiyo, C/laahi Cabdi Faarax ayaa, Warbaahinta u sheegay in Magaalada Arabsiyo culays, kala kulantey booyadaha dhaanka ee Biyaha ka qaada Ceelasha Arabsiyo ee Bustaanada khudaarta, islamarkaana ay maalmihii u danbeeyay si weyn looga dareemay Arabsiyo biyo yaraan badan,oo dhaanku kalifey.

“Waxaanu si aad u culus u dareemaynaa wakhtigan adag ee lagu guda jiro, dabyaaqada jiilaalka iyo abaaraha ka dhacey dalka intiisa badan, culeys badan oo maalmihii u danbeeyay, nagag yimid boqolaalka boooyadood, ee maalin iyo habeen ka dhaaminaya gudaha Magaalada Arabsiyo gaar ahaan Ceelasha beeraha khudaarta taas, oo sababtey in ay labadii maalmood ee u danbeeyay Magaalada Arabsiyo laf ahaanteeda ay biyuhu ku yaraadeen kadib markii ay Booyadaha dhaanka ahi Ceelashii, ka bixi waayeen habeen iyo maalin, waxana Magaaladu ka cabeysaa xiligan ceelkii Geelu ku jeel baxayay ee biyaha Dhanaanaa Ceel-Xadhaadh”Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax.

Waxaanu sheegay in ay, ku amreen beeraleyda beeraha bustaanada Arabsiyo, in ay si hagar la,aan ah ugu dhaamiyaan booyadaha si ay biyaha u gaadhsiiyaan, dadweynaha oonka jiilaalku saamaynta adag ku yeeshay xiligan, waxaanu xusay in beeralyda Arabsiyo intooda badani ay ahmiyada siiyeen, dhinaca dhaamiska booyadaha iyagoo ka tix galiyay beeristii khudaarta haseyeeshee, ay hada arintii ka culays badatey sidii ay ka filayeen kadib markii ay Arabsiyo laf ahaanteeda soo food saartey biyo la,aan culusi.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax, waxa uu ka waramay xaalada kale ee Deegaanka Arabsiyo, isagoo carabka ku dhuftey in Arabsiyo kamid tahey Degmooyinkii ay magacowdey Xukuumadii hore aakhirkeedii Islamarkaan ay iyagu Degmo ahaan xiligan muujiyeen, dadaal badan oo ay ku doonayaan in ay ku miijuyaan in ay noqon karaan Degmo is bixisa, oo awood u leh in ay abuurtaan dhaqaale iyo dhaqdhaqaaq dhinacyada Hurumarinta Arimaha Bulshada ah.

Sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo mahad naq balaadhan u jeediyay, urur haween ah oo kamid ah qurbajooga Arabsiyo ee degan cariga Ingiriisaka, kuwaas oo dhawaan afar fasal oo Dugsiga dhexe ee Arabsiyo, ah ka dhisaya Dugsiga cidhifka Galbeed, islamarkaana hore uga soo dhisey sadex fasal oo hore, kuwaas oo uu ku tilmaamay haween dhiiran oo kaalin mug leh ka qaadanaya Dhismaha Degmada Arabsiyo, isagoo ugu baaqey qurba joogta kale ee kasoo jeeda Arabsiyo ee rag iyo Dumarba lihi in ay iyaguna muujiyaan doorkooda, oo ay ku deydaan haweenkaas kooban.

Ugu danbeyntiina Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo, C/laahi Cabdi Faarax waxa uu sheegay, in uu ku cusub yahey xilka Maamulka Degmada, oo uu hada wakhti kooban joogay kadib markii uu kala wareegay Gudoomiyihii Magaalada Arabsiyo Sitiin oo kow iyo labaatan sano xilka hayay, waxaanu xusey in ay jiraan baahiyo badan oo ku xidhiidhsan dhinacyda adaeega bulshada sida Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarshada, iyo dedaalo ay wax kaga qabteen oo dhinaca nadaafada Guud la xidhiidha.

Source:Waaheen