xuska maalinta qaran ee 18ka may aay maanta si wayn looga xusay deeganka burco iyo degmooyinka hoostaga
 


 

Burco (TNN)-Kumanaan iy kumanan kamid bushada ku dhaqan magaalada burco ee xarunta Gobo lka Tog-dheer ayaa saaka waabarigii buux dhaafiyay laamiyada waa wayn ee magaalada Burco iyagoo sitay dhar uu ku suntan yahay calanka jamhuuriyadani somaliland kuwo kale ayaa sitay dhar gebi ah aanba kasamaysan calanka kuwo kale oo kamida dadkaasi ayaa waxay siteen garam aan ay ku xar dhanyihiin madaxwaynayaashii afarta ahaa ee u kala danbeyay xukunka dalkani so qabtay mudadii labaatanka sano ahayd ee ay jamhuuriyadani jirtay

xafladani maanta ayaa waxaa kasoo qayn galay madaxda gobolka wasiirka wasaarada xananada xolaha Dr cabdi aw daahir wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta xuseen cali ducaale  cidama da qalabka sida bilayska iyo kooxda baanboyda. ardayda dugsiyada jaaliyada jareerwayn ee ku dhaqan Gobolkan Tog-dheer macaliim masaari ah oo wax kadhigta dugsiyada gobolka kooxda Haafa yooko madax iyo marti sharaf aad u tiro badan

banaan baxan maanta oo socod u badnaa ayaa ciidamada qalabka sida iyo kooxda banboyda oo h orkacaayay bulshawaynta ee burco ay socod kumareen intabadan ee magaalda Burco. dhamaan d ad waynihii iyo ciidamadii qaranka ayaa waxay ku soo biyo shubteen fagaaha khayriyada magaala dani Burco gobtaasi oo ahay goobtii loo qoondeeyay in ay madaxdu kula hadasho dadwaynaha

ugu horayn waxa madashaashi kahadlay duqa magaalada burco maxamed axmed xasan {dhagala ab} i isagoo aad ugu hambalyeeyay bushadii maanta kasoo qayb gashay banan baxani dhanka ka le iyana waxaa madashasi kahadlay badhasaabka gobolka togdheer yasin maxamuud cabdi wasiir ka xanaanada xoolaha salaadiin mujaahid maxamed kaahin iyo xubno kamida nxisbiyada qaranka

ugu danbayntii banaanbaxaasi waxaa soo gunaanaday wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Eng xuseen cali ducaale oo ugu baaqay bulshad gobolka waxwada qabsi waxaan wasiirku sheegay in ay wasaaradisu samaynayso biyo xidhyo loogu talo galay qabashada biyahan yaacaya waxaanu duco iyo hambalyo u diray dhamaan madxwaynayaashii dalkan xukunkiisa sooqabtay ducadaas iyop hambalyadaasi oo uu kala sinaa masuuliyiinti goobtaasi kahadashay


waxaa iayana goobtaasi bandhigyo aad u heersareeya ku soo bandhigay kooxda haafayooko xaf ladani maanta xuska 20 sanad guuradi kasoo wareegtay maalintii jamhuuriydani calankeeda laga taagay magaalda burco ee xarunta gobolka togdheer ayy waxaa ducooyin iyo hanbalyooyin aad utiro badan loo dirayay mujaahidiinti naftooda u soo huray

dhmaan magaaldani burco iyo degmooyinka hoostaga ayaa uu banaan baxani si nabadgelyo ah ug a qabsoomay

xuskan maanta ayaa waxa uu ahaa xuskii ugu waynaa ee jamhuuriydani somaliland u qabato maali ntan Qaran ee 18ka may
 



Axmed-hanad Guray Baqaye
hanad_baqaye@hotmail.com
Timacade News Desk
Burco ,Tog-Dheer