Tog-Wajaale oo Siweyn looga Xusay Maalinta Kowda Diisambar ee Ladagaalanka Cudurka Halista ah ee Hiv/Aids oo Dunida Laga Xuso + Sawiro


 

Dr. Maxamed Yuusuf


Tog-Wajaale (TNN)-Munaasaibad si gaar ah loo soo Agaasimay islamarkaana, lagu xusayay Maalinta kahortaga Cudurka Halista ah ee Hiv/Aids ayaa shaley laga xusay Magaalada

Tog-Wajaale(HWN)-Munaasaibad si gaar ah loo soo Agaasimay islamarkaana, lagu xusayay Maalinta kahortaga Cudurka Halista ah ee Hiv/Aids ayaa shaley laga xusay Magaalada Tog-Wajaale maadaa ma ay Tog-Wajaale kamid tahay Xuduudaha la isaga gudbo iyadoo dalka aynu jaarka nahay ee Itoo biya uu kamid yahay dalalka Afrika ee Cudurkaasi faraha baas ku hayo waxa kasoo qeyb galay dad weyne aad u tira badan, oo ka kala yimid labada daamood ee Tog-Wajaale Itoobiya iyo Somaliland.



Munbaasibadan waxa hadalo dardaaran ah ka jeediyay oo lagaga wacyigalinayo khataraha Ku foo gan Cudurka Hiv/Aids iyo Siyaabaha la iskaga ilaalin karo Dr Maxamed Yuusuf ,oo kamid ah dhakh aatiirta Somaliland ee ka howl gala ladagaalanka Hiv/Aids kana socday Hay,ada la dagaalanka Cudu rka Hiv/Aids ee heer Qaran Solnac iyo Irub oo ah Ururka Igad ee ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika ee ladagaalanka Cudurkaasi, waxaanu Dr. Maxamed Yuusuf ku dheeraaday in ay laga digtoon aado Xanuunka islamarkaana dadweynuhu qaataan fariinta ah in Hiv/Aidsku uu markii hore Dunida ka dilay Sadex boqol oo Milyan oo qof balse mudooyinkan danbe loo helay daawo hadii si joogto ah loo qaato daawadiisa uu qofku la noolaanayo Xanuunka.

Waxaanu Dr. Maxamed Yuusuf si gaar ah uga digay dadweynaha Reer Tog-Wajaale in ay ka digtoon aadaan haweenka jidhkooda Ganacsada ee Dhinaca daanta Itoobiya oo ay fasax ka tahay amuurta asi.



Waxa kale oo isaguna halkaa faafaahin dheeraad ah ka bixiyay Dr. Axmed Cusmaan Cali oo ka mid ah Saraakiisha Hay,ada Wadaniga ah ee Anppican oo isaguna si qoto dheer uga waramay siyaabaha uu cudurkani kaga soo gudbi karo dal ilaa dal iyo habka loo baahan yahay in ay bulshadu dhexdooda isk aga Wacyi galiyaan cudurka Hiv/Aids isagoo sigaar ahna tilmaan uga bixiyay in ujeedada ay u alifee n ama u sameeyeen Gudiyada ay dhawaan ka sameeyeen Gudaha Magaalada Tog-Wajaale ee ka koo ban qeybaha Bulshada waxaanu si qoto dheer ugu waaniyay in ay ka xog helaan una sheegaan dad ka Xanuunkaasi hayo in aanay is qarinin balse, ay soo wargaliyaan dhakhaatiirta si ay u qaataan da awada waxaanu dadweynaha ka waaniyay in aan la takoorin dadka qaba Xanuunkaasi.


Waxa kale oo isaguna halkaa fariinta qaadashada daawada cudurka Hiv/Aids ka gudbiyay Ismaaciil Yare oo katirsan Solnac waxa kale oo iyaguna ka hadalay dadweyne badan iyo xubno ka socday Cul umaa,udiinka Tog-Wajaale.


Munaasibada shaley lagaga Xusay Magaalada Tog-Wajaale xuska kowda Diisambar ee maalinta la da gaalanka Hiv/Aids Aduunku u aqoonsadey waxa soo qaban qaabiyay islamarkaana, iska kaashaday Hay,ada ladagaalanka cudurka Hiv/Aids ee heer qaran SOLNAC iyo Irop oo ah ururka ay ku midoobe en dhakhaatiirta wadanada IGAD ee Geeska Afrikada Bari iyo NGoga Anppican oo dhamaantood si miisaan leh shaley dadweynaha reer Tog-Wajaale u gaadhsiiyay fariinta Hiv/Aids .

Tog-Wajaale waxay Xuskan la wadaageysay Magaala madaxyada Somaliland ee Shan Gobol iyadoo iyada si gaar ah uu ugu xulay Agaasimaha Komishanka Ladagaalanka Hiv/Aids ee heer Qaran Dr. Ma xamed Daahir Kheyre in ay tahay bartilmaameed istiraatijiyad u ah Wacyigalinta Hiv/Aids .

 



Wariye C/raxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
Timacade News , Gabiley Office
Email:hiiraan2007@gmail.com