Waxay Somaliland u tahay  magac iyo maamuus in Madaxweyne Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo) , ka mid noqdo Madaxda Caalamka ee  lagu casuumay wanqalka Dalka Cusub ee ka dhalanaya  Koonfurta Sudan

 

 

Ottawa,Canada,July 8,2011 (TNN)-Waxay farxad , magac, maamuus iyo sharafba  u tahay , dhamm aan shacabka xariirta ah ee Somaliland ,in maanta Mujaahidkii Dalkan u soo halgamay , Madaxwey ne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ,lagu marti qaaday , kana qayb galo,  wanqalka Dalka Cu sub  ee Bishan July 9,2011, ka dhalan doona Koonfurta Sudan , kana  soo qaby gali doonaan  Mada x sare oo dunida  miisaan culus ku leh.

Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilanyo) iyo weftiga uu hoggaaminayaba,waxay  u tahay  fursad  q aaliya,oo ay kula kulmaan  Madax badan  oo muhiim ah, qadiyadeenana wax badan ka tari kara, ku na gudbin karaan  Xaqa ay Somaliland  u leedahay inay ka mid noqoto Bulshada Caalamka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waa Siyaasi ruug cadaaya, hadal yaqaan ah, aqoon yahan ah, kuna takhasusay Cilmiga dhaqaalaha,aadna looga qadariyo,looga yaqaanno, maga c iyo maamuusnna ku leh,dhamaan wadamada Afrika iyo Caalamkaba.

Madaxweynaha waxaan  u rajaynaynaa, inuu  guul  weyn ka soo hooyo safarkaa uu Dalkiisa uga m aqan yahay,waxaanan  Allaha awoodda leh  weydiisanaynaa, inuu  ku garab galo,la qabto,u fudude eyo , Halganka dheer  ee uu  ugu jiro in Gayigeenna la aqoonsado, Calankeenuna noqdo kii loo aayo ,een weligii dhulka inooga dhicin.

Waxaan idinku dhaafaynaa dhammaantayo, Hees  qiime weyn ugu fadhida  inta jecel Qaranimada iy o Jiritaanka Somaliland, oo uu qaado fanaankeenna codka macaan,  ee  Fuaad Cumar,dhageysi habb oon ...

 

 

 

Dhulka Somaliland,naftii hure dhiiranaa,ma dhuumade soo halgmay,intuu dhamacda uga shiday

***

Wuxuu ugu soo dhintee,dhiigiyo xinjirta ugu qubay,inay dhismahooda Qaran

***

Calanka ay ugu dhidbaan,adduunka
uu dhaxal galoo
, ahaado mid aan ka dhicin

***

 

 

 

 

 

 

 

 

 

    

GANTAALKA   TNN