Gabaygan waxaa tiriyey Axmed Naasir Xirsi Taar. 15 Feb. 2011. Magaca Gabaygu waa: Shirqoolka Somaliland.

 


 


Wuxuu ka dhashay fadeexaddii iyo sharaf dhacii uga soo hoyday ka qayb galkii Somaliland shirkii arrima ha Somaliya ku saabsanaa ee lagu qabtay 7 - 9 Feb 2011. Wilton Park, Wiston House, Steyning, West Sussex. England. BN44 3DZ.


Gabay: Shirqoolka Somaliland

 



1.Sha’da Gabayga waayadan ma tirin oo shib baan idhi.

2.Shafka waxaan la soo kacay markay inna shirqooleen.

3.Shilka dhacay tix gabayoo ah baan shiinka ka higaadshay.

4.Shan karoon amaan baan u qiray shicibka guudnimo.

5.Shujaaciintaa dal jira weeye iyo shaaqi nabadeede.

6.Gees shufa ilayskaa ka shidan ee dunidu wada sheegtay.

7.Shigshinkii horseedka u ahaa weeye ee shiday iftiinkaase.

8.Shinni baa la moodaa mabda’ah oo waa sharci yaqaane.

9.Shirweynihii go'aan qaran shacbigu Burco ka soo sheegay.


10.Shahaadada calanka tawxiidlee hawada isku shareeraaya

*******

11.Sharaftaa Islaamkee dul sudhan shirarka guudkooda.

12.Shanlihiyo buluuglii la nacay shicibka Marimaayo.

13.Shookaanta madaxdii loo igmaday ee darawaliin sheegtay.

14.Shidhka ay galeen dayax gacmeed shalayto duulaayey.

15.Shalwiyaa la yidhi oo cirbixiyeenadow kor u shubaaleeya.

16.Sharcigina Ilaashoo ku dhaqa Dastuurku siduu sheegay.

17.Shaqadodu qayloy ahayd oo dawlad show mabay qabane.

18.Shafkay ugu dhufteen buuro iyo dhagax shacaabiya e.

19.Shaashkiyo garoomii xilkiyo hugii sharafta loo saaray.

20.Sharaxaad xafiis dawladnimo iyo calankii oo shayn ah.

*******

21.Shacnigiyo wanaagaa hilmaan sheekhi hanan laaye.

22.Shakhsiyaad abaal daran horeba buugta lagu sheegye.

23.Shoodhaha Bugland iyo Galmudug ina shuraakeeyey.

24.Shoog baa ku dhacay Somaliland shaacinta warkaase.

25.Shaki ma leh ayaantaa inuu shiiqay uu agoomoobay.

26.Shariifyada in lala soo shiraa waa shay khiyaamo ahe.

27.Sheeko kaleba daayoo midhkani waa shar gooniya e.

28.Sharaftiyo magacii Somaliland bay sheewal mariyeen.

29.Shakhsiyaad xilkoodii gabaa sharaf dhac soo hooyey.

30.Shilalkay is gaysaa laxdana lagu shidhaystaaye.

*******

31.Shirka habar dugaag ruuxa tagay lagu shirbee kaase.

32.Shalow bay ka tuureen kayd wixii shicibku haysteene.

33.Shanta ugu sareeyee dalkaa shaymkan ka masuul ah.

34.Shaqo xumada ay muujiyeen shaahid loo noqoye.

35.Shaxda iyo qorshihii guusha Idil shay kamay fuline.

36.Shilkihii cidluu kaga qarxay oo yoolkii may shiishin.

37.Shanshaday ka jabiyeen dalkii sharafta weynaaye.

38.Sharcigiyo iyo dustuurkii dhignaa kuma shaqeeyaane.

39.Shaqaalihi iyo Masaakiintibaa shaaracyada tubane.

40.Shookigaa la dhigay Suxufiyiin sheegay wararkaase.

*******

41.Shirkadii Xuquuqaha budhbaa loogu xoog sheegtay.

42.Sheekhii aan dawladu jeclayn Shabagle loo doonye

43.Shookiga iyo Maxkamada ugu daran oo shuf weeyaan.

44.Shamis iyo ilays weeye dawladnimo shicibku leeyahaye.

45.Shamac dad gaarihi markuu doono shidanaayo ama

46.Shaab u furan koox shirkada tani ku shaabahaye.

47.Shuush baa daf soo yidhi dadkii shalay midaysnaaye.

48.Sheedahaa la tuur tuurayaa waa sheeko qaran dumis.

49.Shaqaaqooyin nabad diida baa koox shirabayaane.

50.Sharaftii dalkeenaba qofkii shillin ka soo doortay.

*******

51.Sharcigoo la keenaa haboon oo shicibku saaraane.

52.Shicibkow dareen yeelo oo sheega danihiina.

53.Shaqo Maafiyaa muuqatiyo Madax Shisheeye ahe.

54.Shiraac bay is leeyiin ku dada shaaca waaberiye.

55.Shakhsi walaalkii duudsiyey dibuu uga shaleeyaaye.

56.Shirqool iyo maxaa dabin qarsoon shicibka loo qoolay.


57.Shaakirow Adaa kaafiyee Shar dhamaantii naga qabo.


 

Axmed Naasir Xirsi
Gudoomiyaha UDUB UK
Ahmedlibaah@hotmail.com