Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa. Qormadii 9-aad Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale


 



Qormadii: 9aad


Badanaa sabab la’aan uguma tegi jirin Madaxweynaha, marka aan muraad u yeeshana had dii ay cidi noo faq-deyn weydo, waxaan dhaqan u lahaa in aan codsado oo cidda la joogat ku idhaahdo: “Hawl ayaan u socday e’, Odeyga noo yar kala baxa.” Waxaan u malaynayaa in habeenkaasi ahaa kii saddexaad ee aan sidaa codsado. Inta badan Xildhibaanno ayaan ka dhammaan jirin. Madaxweynaha, dan gaar ahaaneed, shaxaad iyo waxyaabo la mid ah weligay ugu ma tegin, Dan guud waxaan ahayn ulama tegin, inta la igu ixtiraami jirayna inta as ayay ahayd, sida aan is-leeyahay. Saacadda ma eegi jirin, laakin inta badan ilaa 20 daqii qadood kama badsan jirin oo in aan daaliyo ama aan waqti ka qaado ma aan jeclayn.

 Cagtaydu kuma ay badnayn, kamana maqnaan jirin si aan la isugu kaayo dhufan. Qof aan I daa odhan weligay anigu xidhiidhka kama goosan, waaba se Madaxweyne. Habeen habeen ayaan ugu tegi jiray maaweelin iyo xusuus. Aad ayuu u qosli jiray oo mararka qaarkood aan ka baqan jiray in uu qosolka dheer ee aan kala go’a lahayn ku saxdo oo wax ku noqdo. Wuxu ugu fiican yahay mararka uu kelida yahay.


Madaxaweynaha anigu dhawaan ma aan baran. Waxaan aqaannay tan iyo waqti ku sinnaa 1976kii. Gurigii ummadda ee u ahaa Xarunta Xisbigii Hantiwadaagga ee Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) ayaanu ka wada hawl-geli jirnay. Fadhiyo iyo kulammo kaleba waanu isugu iman jirnay, gaar ahaan xilliyadii la aloosayay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Guri iyo xafiisba waanu ku kulmi jirnay. Tan iyo 1984kiina SNM ayaanu ku wada jirnay oo weliba kaalin-hoggaamineed kaga wada jirnay. Tan iyo 1991kii markii dalka la xoreeyayna ma aanu kala maqnayn ee si’ aad u dhow ayaanu u wada xidhiidhi jirnay ama iskaga war haynayba. Aqoontaas dheer ayaanu isu leenahay oo aan ku garanayo shakhsiyaddiisa dhabta ah is-na ku garanayaa qofka aan ahay.


Shaqaalaha wasaaradda cidi kama war hayn, anigana wax la igama weydiin jirin. Cid kale ayaa hawshaa u qaybsanayd. Shaqaalaha Wasaaraddu wuxu gaadhaa ilaa 375 qof, haddana waxa Madaxtooyada barriinsaday ee laga war-qaataa waa ilaa lix qof oo aan hawlahoodaba ka adkayn oo miciin biday in ay wasaaradda xeyndaabkeeda ka baxaan. Cidi wax ma weydiiso boqollaalka kale ee daacadda ah ee hawlahooda ku foogan. Mararka qaarkood ayaanu Madaxtooyada dalab u soo samayn jirnay, markaasaa naloogu jawaabi jiray uma baahnidin. Marka aanu sababta weydiinno si badheedh ah ayaa naloogu odhan jiray hebel baa noo yimid oo noo sheegay ama injineerkii ayaa sidaa yidhi. Waa dhaqammadii inta xero-weydaarka noqotay.


Kooxdaa Madaxtooyada ku xidhnayd sas iyo sakati ayay ku beereen wasaaradda iyo dadka ka hawl-galaba. Dadkeenna waad iska taqaannaan oo marka la yidhaahdo kooxdaasi Madaxtooyada ayay ku xidhan tahay cabsi ayaa meesha timaadda. Kooxdan xero-weydaarka ah ayaa mararka qaarkood laga yaabaa in ay shaqaalaha qaarkoodba ugu hanjabaan in ay eryi doonaan, sida ay ahayd xanta wasaaradda lala meeraysanayay.
Xaalado caynkaas ah oo aan loo dul qaadan karin ayaa iska abuurmay oo weliba dhiirri-gelin helay. Wasaaraddu hanti aan qof ahaan anigu lahaa ma ay ahayn. Hanti Qaran iyo hanti ummadeed ayay ahayd, haddana dhaqanku wuxuu ahaa sidii wax ay reer Aw Yuusuf Ducaale leeyihiin oo aniga la igu xumaynayo Marar badan ayaan is-weydiiyay sababihii la ii magacaabay kolka horeba..

Diidmooyinka iyo hor-joogsiyada aan maamulka kala kulmayay waxaan u arkayay in la doon ayo in aan anigu fashilmo, balse waxaanay kuwaasi ogeyn oo aanay dareensanayn in hay’a d Qaran oo ummadeed fashilmayso. Beryihii danbe waxaan xaqiiqsaday in ay sii joogistaydu hagardaamo ku noqonayso sii socodka hawlaha, maa daama taakuleyntii ay wasaaraddu u baahnayd ay qof ahaantayda ku waayayso.


4/8/2012ka: Waa Sabti oo waa tii aanu xalay Odeyga la joognay. Subaxnimadii hore waxa igu soo kallahay nin la yidhaahdo Cabdilcasiis Aadan Habbane oo loo yaqaanno ‘Siisto’. Wuxu ii sheegay in uu ergo yahay oo uu ka socdo Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi. Wuxu ii sheegay Cabdilcasiis in uu Mudane Xirsi iga duubay hadallo aan tilifoonkayga kaga hadlayay oo isaga liddi ku ah. Sidaa darteed wuxu iga codsaday Cabdilcasiis in aan oggola ado in aan daw-bixiyo Mudane Xirsi oo haya faro ama ’iksibidh’ (exhibit) aanan dafiri karin. Wuxu intaa iigu daray in uu maanta Mudane Xirsi kula ballamay xafiiskiisa Madaxtooyada si uu cajaladdaa uu iga duubay u maqashiiyo.


Intiiba waan ka oggolaaday, waxaanu ii raaciyay marka uu Madaxtooyada ka soo noqdo ee uu cajaladdaa soo dhegaysto in uu I soo mari doono. Wuxu igu soo noqday ilaa kow iyo tobannadii, waxaanu ii sheegay in uu cajaladdii wax ka soo maqlay oo aanay firaaqo badan Xafiiskii Xirsi ku helin. Aniguna waxaan ku idhi marka aad ballanta soo xidhaan daw-bixiye ayaan ahay. Aniga hadalka la iga duubay haddii uu jiray iyo haddii aanu jirinba, dhibaato iguma hayn. Bal se waxa aan aad u dhibsaday tilifoon aan ku hadlayay cidda xalaalaysatay in ay duubato, oo weliba markan ah cid Madaxtooyada Somaliland mas’uul ka ah. Xuquuq dastuuriya oo aan muwaaddin ahaan u lahaa ayaan xaqiiqsaday in lagu gabbood-falay oo weliba ciddii ilaalin lahayd aanay dhowrin.

Waxaan xaqiiqsaday jabkii iyo burburkii halgankii ka dhacay in aan waxbaba lagu qaadan oo dhaqannadii nidaamkii Siyaad Barre weli taagan yihiin. Waa markii iigu horreysay ee aan ma qlo nin Wasiir ah oo ku dacwoonaya waxaan wasiir kale ka duubay ayaan soo bandhigayaa, ee ha laga gar-naqo. Saaxiibkay Xirsi gogoshaas iyo ballantaas midna ma dhigan. Ilaa maan ta waa ay taagan tahay. Aniguna waxaan aamminsanahay kol haddii uu wasiirku yidhi was iir kale ayaan wax ka duubay in aanay duubistaasi keligay igu koobnayn, bal se ay faro bad an tahay meelo badan oo kalena gelayso.


Waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 10.00kii saacadood ee barqannimo ayaan tagnay Xaf iiska Wasiirka Madaxtooyada, halkaas oo aanu kaga wada-hadallay sidii loo maareyn lahaa arrimihii taagnaa oo ay ka midka ahayd sidii Xasan Maxamuud dammiin loogu soo deyn laha a. Annaga oo sidaa Mudane Xirsi maalintaa mowduucaa uga wada-hadlayna, ayay Agaasim ayaashii u soo warrami jiray qaarkoodna la ii sheegay in ay joogeen xafiiska Xisaabiyaha G uud oo ay ka raadinayeen waraaqo ay Xasan Maxamuud ku soo eedeeyaan. “kala haab”, ma maqli jirteen!



(La soco……………………………..)