Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa Qormadii: 2-aad Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale
 


Tilifoonkii dacal aniga ayaa haysta, dacalka kalena Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xirsi.......


Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku durayo inta danta guud wiiqaysa ee madaxda Q aranka wararka khaldan ku marin-habaabinaysa si ay muraadkooda u helaan. Waa Qormooyin ko oban oo taxane ah oo aan ugu hiilinayo shaqaalaha daacadda ah ee hawshooda u darban ee aan dusduska iyo war-sheekada xarumaha Qaranka la meeraysan, wanjalka iyo wadeecadana aan ca adaysan oo aan weliba lagu majeeran. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku daafaca yo Idaacadda cusub ee aynu ku hadaaqaynay oo maanta hirgashay bal se la ina leeyahay waa meel baas oo aan lagu nagaanayn.

Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku muunaynayo halgankii sharafta lahaa ee hubeys naa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd ee dalkan iyo dadkanba lagu xoreeyay. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan milgo iyo maamuusba uga dhigayo geeddiyaashii la mahadiyay: dibuheshiisiintii, nabadayntii, hubdhigistii iyo geeddi-socodkii dimuqraadiyadeed. Wa a Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku caddaynayo in aan wax walba halgan lagu sheegin, bal se dhacdo walba ereygeeda loo adeegsado, halgankana halgan loo barto. Waa Qormooyin ko oban oo taxane ah oo aan ku muujinayo in aanu hooyo-caygu halgan ahayn ee uu halgaad yahay.

Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku muujinayo in midabka cadi caddaan yahay, mado wguna madow yahay oo aanay wax la isku badhxi karo ama la isku khaldi karaba ahayn.

Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo aan ku qeexayo in qaddarku ka Eebbe yahay, yahay, b ulshaduna tix-raaca, talada iyo guddoonkaba leedahay oo aanay qof iyo kooxi muquunin karin. Waa Qormooyin kooban oo taxane ah oo markhaati cad u ah in aanu Dhagax-tuurkii been ahayn, shalay aanay dheereyn, waxa dhacayna fududayn. Waa hal-muceedyadii Hadraawi. Waa Qormo oyin kooban oo taxane ah oo aan uga gol leeyahay in aynu garanno waxa inaga khladan iyo sidii aynu maaro ama xal waara ugu heli lahayn.

Waxaan jeclahay in aan halkan ku guud-maro: Sidii la igu magacaabay, xil-gudashadaydii, xil-ka-qaadistaydii iyo “Dharaarihii i soo maray”: 19/3/12ka ilaa 4/9/12ka. Waa garnaqsi.

Aniga oo sarriiganaya, aniga oo sanqadh-tiranaya, aniga oo aan sidaan wax u ogahay hadalka u saafayn, aniga oo aan laamaha saydhayn, aniga oo subeeciyad iyo sitaacba hadalka huwinaya, a niga oo aan cidna sadhaynayn, aniga oo aan qof sudhnayn ama saarnayn, aniga oo aan qof sida n ama aan u sad-burinayn, bal aan sadarradaa mariyo.
Waa digniin….Waa caroog…..Waa danab…..Waa garri…..Waa bigil…..Waa durbaan dareen sida oo digniin u ah inta dibindaabyada u darban ee Qarankan dalawga ka tuuraysa.

Magacaabistaydii:

Guurti waayeel iyo gamboolay haween midnaba ma aan diran. Gurbood carruur ahi uma gurguu ran. Af-miishaar iyo intii uunku habaaray kama arrimin. Kooxo ku gooddiyay iyo danaystayaal ka adeegay ma jirin. Gini iyo guunyo lagaceed midnaba lagama bixin. Ma gurguuran, ma gaatamin m ana aan goobyaalin. Lama gujin……lama guhaadin lamana gawdhin madaxda Qaranka. Ma dalb an, ma doonan kumana doodin.

Waa maalin Sabti ahayd. Waa bishii Maarj 10dii, 12ka. Barqadii ayaan ka baxay Xafiiskaygii. Wax aan sii qaatay CV-gii Cali Aw Aadan Meecaad oo Gebilay Guddoomiye Gobol ka ahaan jiray oo xilki i laga qaaday. Madaxtooyada ii gee ayuu igula dardaarmay. Xirsi oo ah Wasiirka Madaxtooyada ayaan u geeyay.

13/3/12ka:

Waa maalin Salaasa ah. Salaaddii casar ka dib ayaan hurdo ka soo toosay oo aan u holladay in aan cabbaar soo lugeeyo. Tilifoonkii gacanta ayaa dhacay. Saa waa ninkii Xirsi ee aan CV-gii Cali Aw Aadan Meecaad u dhiibay. Wuxu ii sheegay ama igu yidhiba, caawa ayaan odeygii arjiga liqs iinayaaye, si uun ula soo xidhiidh oo u sheeg in aad adigu soo-jeedinta leedahay ee aanay aniga iga iman. Wuxu adeegsaday ereygaa ah ‘liqsiinayaa’. Hawraarsan ayaan ku idhi, bal se cidna la ma aan xidhiidhin, waayo marka uu isagii sidaa igu leeyahay cidda aan la xidhiidhayo ayaan gara n waayay.

Sidii dhaqanka ii ahayd waqti hore ayaan iska seexday habeenkaas oo ay saacaddu ku beegnayd qiyaastii ilaa sagaalkii iyo badhkii habeennimo. Sida xusuus-qorkayga ku xardhan xilli ku beegnaa 11.00 saacadood ee habeennimo ayuu tilifoonkii gacantu dhacay aniga oo hurda. Waan qabtay. Saa waa saaxiibkay Xirsi. Wuxu ii sheegay in uu CV-gii Cali Aw Aadan Meecaad Odeyga u gudbiy ay, ka dibna Odeygu yidhi Boobe laftiisu mee. Hadda waa sida uu igu yidhi. Xirsi waxaan u sheeg ay in aan Odeyga u iman doono ilaa berri, bal se wuxu igu soo celiyay: “Hoo oo tilifoonka kula had al.”

Tilifoonkii dacal aniga ayaa haysta, dacalka kalena Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xirsi weheliyo. Waa inta aan ka war-qabay. Odeygu wuxu iga codsaday in aan ka oggolaado in aan qabto xil Wasiirnimo. Aniguna si tix-gelin iyo qaddarinba leh ayaan ugu jawaabay in aanan u diyaar ahayn, oo carruurtaydii Qaaxo ku habsaantay aan carruuraha gaadhsiinayo. Wuu iga gar owsaday, waxaanu igu yidhi bal cid kale igula tali. Waxaan ugu jawaabay ilaa berrito ayaan kuu iman doonaa, wuxuu se igu soo celiyay berri ma sugi karayo e’ caawa cid ii sheeg.

Mar kale ayuu Madaxweynuhu igu yidhi, iga guddoon xilkaa aan doonayo in aan kuu magacaabo. Aniga oo qaddarin iyo tix-gelinba codsigaa Madaxweynaha siinaya ayaan ugu jawaabay: “Aan ka soo tashado.” Wuxu igu yidhi: “Yaad kala tashanaysaa.” Aniguna waxaan ugu jawaabay: “Xaask ayga.”


(La soco …………………………………….)