mahadnaq

 

 

 

Waxaan Shabakadda wararka ee  LONGLIVESOMALILAND uga mahad celi nayaa shahaado sharafta ay i guddoon siiyeen iyagoo qiimaynaya hawl gallaydayada ku jahaysan dhinaca kobcinta qaddiyada Somaliland iyo horumarkeeda.

Waxaan anigoo ku faraxsan, leeyahay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin waanan idinka guddoomay shahaadadii aad i siiseen.

Run ahantii shabakada wararka ee  LONGLIVESOMALILAND, waxay ka mid tahay warsidayaasha Somaliland ee wararkooda iyo faalooyinkooduba ay yihiin kuwa ka turjumaya qawaaniinta iyo anshaxa wanaagsan ee saxaafadda xorta ah.

Wararka shabakadani waxay ku salaysan yihiin xaqiiq, madax banaani, danta guud ee ummada iyo dhex dhexaadnimo, waana calaamadaha lagu yaqaano saxaafadda wanaagsan ee waxtarka u leh bulshada. 

Waxaan ugu hambalyaynayaa LONGLIVESOMALILAND horumarka ay ka gaadhay tabinta warar iyo faalooyin tayo leh, waxaanan u rajaynayaa inay sii wado shaqada wanaagsan ee ay Shabakadani u qabato akhristayaasheeda.

 

  

Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar