|
“Shirka Ingiriiska
marti-qaadkiisii wuu na soo gaadhay, waxase aan ku jirnaa wada
tashiyo”

“Dagaalka Buuhoodle waanu ka xunahay, waxay ciidamaddu talaabo ka
qaadeen ciidamo dadka dhibaateynayay”
Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
ayaa ka hadlay markii u horaysay shirka dawlada Britain ku qabanayso
badhtamaha bisha Febarwari ee fooda inagu soo haysa Magaalada
London, waxaanu sheegay inay ku gudo-jiraan wada tashiyo ay kaga
arrinsanayaan mowqifkii ay iska taagi lahaayeen shirkaasi.
“Shirkan Ingiriisku ugu yeedhay inay Somaliland ka soo qeyb gasho
marti-qaadkiisii masuuliyiinta Ingiriisku way na soo gaadh siiyeen
shirkaa arrintiisa. Somaliland waa dal madax banaan inkasta oo aanu
ictiraaf haysan, haddana waa dal madax-banaanidiisa haysta oo sababo
taariikheed oo dheer ay keentay madax-banaanidiisa oo dadkuna ay ku
tashadeen. Inkasta oo aanay ictiraaf haysan Somaliland haddana
dunidu way la shaqeysaa iyana way la macaamishaa dunidda,”ayuu yidhi
Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay inaanay xukuumad ahaan ay
ka fogaanayso wixii wax u dhimaya madax banaanida Somaliland, isagoo
arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Ana gu wixii aanu u aragno
inay waxyeelayaan madax-banaanida Somaliland dacan kuma jirno.
Shirka n talladiisii iyo arrimihiisii ayaanu ku jirnaa oo waxaanu ka
tashanaynaa wixii laga yeeli lahaa. Waxaanu la tashanaynaa qeybo
badan oo bulshada ka tirsan oo ay axsaabta siyaasaddu ka mid tahay.”
“Dagaalka ka dhacay Buuhoodle waa ayaan darro oo aad iyo aad ayaanu
uga xun nahay dagaal aanu shacbi ku qaadnay ma aha, waxa jiray
dagaal ciidamo hubaysan oo dadka khalkhal gelinay ay ay ciidamaddu
tallaabo ka qaadeen. Waanu ka xunahay haddii dad shacab ah dhibaato
soo ga adhay ma rabno kumana tallo jirno inaanu dad shicib ah
waxyeelo,”ayuu yidhi Madaxweynaha So maliland Md. Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa u waramayay BBC-da.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay sida uu u arko natiijadii
shirkii Taleex lagu soo ga bo-gabeeyay dhawaan waxaanu yidhi
“Arrimaha ka soo baxay shirkaasi ee dhibaatooyinka kicin aya,marka
hore beeluhu way shiri jireen oo deegaanada dalka waynu ka war-qabnaayoo
beelo badan ayaa shirayay laakiin waxay u shirayeen danahooda iyo
deegaanadooda in wixii horumar ah ee dhinacyada Tacliinta,biyaha iyo
caafimaadka. Shirkaasi markiisii hore manaan diidin waayo lanoogama
dhigin shir goosi la imanaya, waanuse ka dignay oo waxaanu nidhi
inta shirkaasi yahay mid dadku aayihiisa kaga tashanayo waxba kama
qabno madax banaanida Somaliland-na way wada saxeexeen beelaha
Somaliland shirkii Burco ee 1991-kii.
Dhinaca kale, waraysi kale oo uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed
Maxamed Maxamuud (Sii laanyo) siiyay BBC World Service, ayuu si
qoto-dheer ugaga waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland
soo martay ee dhinacyadii dib u heshiisiintii beelaha, dhismihii
Ha’yadaha dawli ga ah, hirgelinta dimuqraadiyada iyo tartanka
axsaabta badan iyo qodobo kale.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay
xukuumadiisu dedaal ugu jirto sidii ay shaqooyin ugu abuu ri lahayd
Muwaadiniinta iyo dhalinyarada dalka, waxaanu tafaasiil ka bixiyay
go’aankii uu sanadkii hore mushaharkii ugu kordhiyay 100%
ciidammadda iyo shaqaalaha dawladda.
source:so
|