Haweenka Magaalada Washington oo Amina-Weris u sameeyay soo dhawayn gaar ah


 

Washington DC (Timacade News)-Waxaa habeenkii jimcaha ka dhacday magaalada  Wa shington ee caasimada dalka Maraykanka xaflad aad u balaadhan oo loo sameeyay  ma rwada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, marwo Amina waris. Xafaladan oo ay soo  qaba bqaabiyeen haweenka deggan magaalada Washington waxay mid si heer sare ah loo soo abaabulay.

Waxaa munaasabada xaflad hadal ka soo jeedisay Amina-Waris oo ka hadashay  xaala daha maanta Somaliland ka taagan iyo baahida dhinacyada badan ee ka jirta  Somalilan d.Waxay Amina waris ka hadashay oo kale qaybo ka mid ah qorshaha xisbiga KULMIYE ee ku wajahan wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka ka taagan ee leh dhinacayada waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo doorka dumarka iyo dhallinyaradu ka qaataan horumarinta dalka iyo ka qaydgalka siyaasadda.

Qaar ka mid ah dumarkii ka soo qaybgalaya xafaladda soo dhawynta ayaa iyaguna  hal kaasi hadallo qiimo leh oo isugu jira baraarujin iyo taageero ka soo jeediyay, waxayna xafaladaasu ku soo dhammatay si ay farxadi ka muuqato.


Source:Somaliland.org