Marwo
Faadumo Siciid Ibrahim , oo
mahadnaq balaadhan u soo
dirtay Maamulka iyo dhammaan hawl wadeenada Shabakadda
Caalamiga ah ee
Timacade News Nwtwork
(TNN)
Hargeysa, February 11,2011
(TNN)-Qoraalkaasi
oo ay soo gaadhsiisay Xafiiska Shabakadda ee magaal ada
Hargeysa , wuxuu u dhignaa sidatan:
"Anigoo ku hadlaya
magacayga,Faadumo Siciid Ibrahim,waxaan
mahadnaq ballaadhan u dirayaa Maam ulka iyo dhammaan hawl
wadeenada Shabakadda Caalamiga ah, ee
Timacade News Network
(TNN)
, oo ku wajahan
kaalinta laxaadka leh ee ay kaga jiraan
horumarka dhinaca warbaahinta iyo Dalkaba.
Waxaan idiinku
hambalyeynayaa sidii sharafta badneyd ee aad u soo
abaabusheen
madashii
shahaa do sharafyada aad ku
bixinayseen, waxaanan
idiinka mahad celinayaa
Shahaado Sharaftii
Shaqsiga
S annadka 2010
, ee aad
igu sharafteen ."
Faadumo Siciid Ibrahim
Guddoomiyaha Ururka ODHA
|