Marxum Cigal Waxa u ahaa Nin haldoor ah


 


Dhamaan waxaan salaamaya shacbi waynaha somaliland meel kasta oo ay joogan, waxaan kal oo salaamaya Bahwaynta Timacade News  iyo dhaman saxaafada kale , gudo iyo dibadba.

Hadii aan maqaalkayga u soo noqdo , waxaan jeclaaday in aan aragtidda uu Marxuun Cigaal sh eegay 13 sano ka hor, ay tahay mid uu marxuun Cigaal dadka u sheegayay in ay dantooda gar taan, cidna ay u danayn , sida kuwa naftooda u daneeya , ee dha dhansi iyo reer hebelaysi wa da.Ssida aad ka dheehan kartaan khudbada marxuum Cigaal waxy ka turjubaysaa in umadu isku duubni iyo isku aragti ay wax kastaba ku qabsan karaan, tusaale ahaan,maalmahan waad arkay seen mudaharaadadii is daba jooga ee Masar ka dhacayay ee shacabkoodu ku diidanaayeen kali talisnimo,runtii shacabku waa rukunka koowad ee dal , waana kuwa cid kastaba la xisaabtan ka ra.


Hadaba qudbadii madaxwaynihii hore Cigaal , waxa ka mid ahaa jib baan ku tagnay Xamar,  berri way dhic kartaa, taasi waxa tusaale cad u ah,  in ay masiirka umad meel dhigatay ay iyadu bad ali karto, aanu badali karin qof shakhsi ah ama kooxo ama reero , ee ay umada ka go'antay.

Waxaana tusaale u ah , dhawaan shirki ka dhacay London , waxay Somaliland ku ahayd dhabar jabin iyo xaalufin Qaranimadeeni aan intaa u soo dhabar adaygaynay in ay maalin uun meel mar to.Waxa si jibaysan ina horbooday Wasiirka Khaarajiga , oo mar horena isku dayay in uu wax ka sheego ragii Rukuna u soo taagay Qaranimadan aan ku faano.

Wasiirka Khaarajiga , waxan odhan lahaa maah maahda Somaaliyeed ee tidhaahda,  Dacawadii tallaabada Nebiga ku dayatay, teediina ka tagtay , tu kalena gaari weydey.Wasiirka waxana u sii raacin lahaa su,aal isaga waydiinayo, Marxuum Cigaal , waxa uu aha madaxweyne yimi dal bur bursan , waxaanu ku guulaystay hirgalin dawladeed oo uu kartidiisa iyo dulqaadnimadiida ku wa day.Waxaan odhan kara intay Somaliland ku taagan tahay isagaa gacmihiisa iyo kartidiisa ku sa meeyay haday been iga tahay shacabkaa inoo markhaatiya.


Wax yaalaha uu suurto galiyay wax ka midaa:

1.Isku habaynta iyo hub ka dhigista beelaha Somalilane ee walaalaha:

Dalku waxa uu ahaa mid burbursan , qabiil kastaaba hubkii uu ka helay dawladi dhacday hayst ay, reer kastaana ahaayeen kuwo meesha ama magaalada ay daganaayeen u taliya, sida iminka waxa socda Xamar oo kale, Cigaal , waxa uu ahaa ninka dadaal wayn ku bixiyay in uu qabaailka hubka ka dhigis ku sameeyo, samaystaana dawlada loo dhan yahay isagoo karti iyo muruqba ku bixiay marxuunku.

2.Hirgalinta Hayadaha Dawlada:

Cigaal , wuxuu isku dayay samaynta Baarlamaan loo dhan yahay,  oo ay ka dhex muuqdaan od ayaasha iyo wax qaradka umadan Somaliland, samaynta Ciidan Qaran oo hirgaliya sugida amaa nka umada iyo dalka, taas oo ahayn wax yar yaraysi ahayn,samaynta Wasarado oo ka qayb qa ata dhisida Dawlada yab yabka ah ee uu doonayo marxuunku in ay noqoto mid uu kartidisa iyo aqoontiida adeegsado , isagoo qabana hami Dawlad magac ku leh bulshada oo beri noqota Jam uuriyada Somaliland.

3.Samaynta Astaanta Qaranka sida Calanka, Lacagta iyo Astaanta Ciidamaha iyo kuwo kale:

Marxuun Cigaal , waxa uu isku dayay ilaahayna ku guuleeyay samaynta Calanka Jamuuriyada S omaliland ee tawxiidku ku xardhan yahay,samaynta lacagta dalka oo ah mid laga maar maan ah, si aaan ugu dubnaano Somaliya.


4.Isku duba ridka iyo samayn miisaaniyadeed oo umadan yeelato:

Marxuun Cigaal , isagoo adeegsanaaya Wasiirkisa Maaliyada,  oo iminka madaxwaynaha Jamuu riyada Somaliland, Ahmed Siilanyo,waxa uu hirgaliyay Wasaarad Maaliyadeed oo samaysa misaa niyadeeda iyo hirgalinta dhaqaalaha umadan,waxa ka mida sixir goynta dollarka, samaynta ilo dhaqaale sida dekeda iyo airporka iyo kastamada.

5.cadaynta mowqifka umadan:

Cigaal , waxa uu hirgaliyay Dastuur umadan leedahay , oo boqolkiiba 97 u codeeyeen in ay sama ystaan Jamuuriyada la dhaho Somaliland kana go'aan waxa laysku odhan jiray
Somali weyn.

6.Isku duba ridida Dumuqraadiyada iyo hirgalinteeda:

Marxuun Cigaal,  markii danbe waxa uu u dhaqaaqay hirgalinta Asxaaba dalka isagoo sameeyay xisbiga UDUB,  markii danbena xisbiga UCID uu sameyay Enginer Faysal Cali Waraabe,laba xisbi w axay ahaayen kuwa ugu horeyey ee is magacaaba, Cigaal isago dalkan ku soo bixiyay juhdi bad an iyo karti badan ayuu hadana isku dayi jiray in uu dalka u helo Aqoonsi caalami ah.


Waxaana tusaale taas inogu ah , dhowr jeer oo uu u baxay safaro dibaadeed uu umada u sheeg ay in ay caalamku dhabarka u soo jeediyeen.Cigaal , waxa uu aha nin mar kasta oo uu baxaaya jecel in uu helo safaro martiqaad ah, marnaba iskamuu bixi jirin isagoo marti qaad helo mooye.
Marxuun Cigaal,  isagoo dadaal igu jiray hirgalinta Aqoonsi Caalami ah ,ayuu xaqu u yimi.

Markaa , waxan waydiin laha Wasiirka Arimaha Dibadamiyuu gayaa Cigaal in aad maanta ku tid haahdo , waxba kamuu qaban xaga xidhidhka caalamiga ah iyo Aqoonsiba ?


Anigu waxaan jawaab ka odhan lahaa , madaxweyne Rayaale , marku madaxwayne noqday wu xu yidhi."Anigu waxaan hirgaliyay Dumiqraadiyadii uu Cigaal hirgalinteeda ka dhintay," waxaanu taas ku kasbaday sharaf iyo cisi.


Waxan Wasiirka odhan laha, adigu waxaad meesha timi iyadoo dhulka la sii xaadhay ee hadalada aad saxaaafada umadda u marinayso , waa in aad hubsataa ,Somalida waxay tidhaahdaa hubs iimo hal baa la siistaa.

 

 

 

 

Enignrer sidiq xuseen
California USA