Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo Ka Qayb Galay Aas ka Marxuum Fagadhe oo Si Heer Qaran Ah Loogu A

 

Hargeysa (Timacade News)- Wakiilkii Somaliland dalka Faransiiska u fadhiyey marxuum  Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo maanta maydkiisa la keenay magaalada Hargeysa, ayaa aas heer Qaran ah loogu sameeyey qabuuraha boqol jire.

Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo maydkiisa maanta ay keentay diyaarad khaas ahi magaalada Hargeysa, Waxa halkaa ku soo dhaweeyey guddidii ka koobnayd goloha Wasiiradda ee madaxweynaha JSL Mudane DaahirRayaale Kaahin uu u saaray  q aban-qaabada aaska marxuumka, waxa kale oo iyana halkaas kaga hortegay madax uu ka mid yahay Gudoomiyaha iyo G/Xigeenka Golaha Wakiiladda, Madaxda Asxaabta  Qara nka, Saraakiil ka socota hay’adaha dawladda iyo dadweyne aad u badan.


Ka dibna waxa maydka marxuunka la geeyey qabuuraha boqol jire halkaas oo uu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay aaskaasi Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, M/weyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiyeyaasha golaha  xild hibaanada, Madaxda Asxaabta Qaranka, Wasiiro iyo dadweyne aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin qaraabaddii, eheladdii marxuumka iyo saaxiibo badan oo uu ku lahaa dalka.



Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), waxa uu kaalin wax ku ool ah ka soo  qaat ay Qarnimaddii iyo gooni isutaagii Jamhuuriyada Somaliland, isagaoo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka tan iyo intii Somaliland ay qaranimaddeeda la soo noqotay. Waxana uu madaxweynaha Somaliland marxuumka u rajeeyey in Illaahay naxariistii janno ka  waraa biyo eheladdii, qaraabadii iyo shacbiga somalilandba samir iyo iimaan ka siiyo”.

Source:sn