Alle Ha U Naxariistee Mujaahid Haybe Laambad Oo Maanta Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Hargeysa
 

Hargeisa (TNN)- Alle Ha u naxariistee waxa maanta si heer qaran ah loogu aasay  Xabaala ha Xeedho ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, Marxuum Mujaahid Haybe Axmed Guure (Haybe Laambad), oo maanta ku geeridooyada Hargeysa.

Marxuum Mujaahid Haybe Axmed Guure (Haybe Laambad), Oo maanta ku geeriyooday  Har geysa oo ka mid ahaa mujaahidiintii halganka dheer u soo maray dalka wakhtiyadii Xornimo doonka iyo halgankii dib u xoraynta dalka ee lagu dagaalamayey dawladii Taliskii Maxamed Siyaad Barre ayaa waxa maanta si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Xeedho ee  Maga alada Hargeisa, waxaana ka soo Qayb galay aaska Alle ha u naxariistee Marxuum Haybe Laambad Masuuliyiin kala socotay Xukuumadda Somaliland, Saddexda Xisbi Qaran, Aqoony ahanada, Culimo awdiin, Abwaano iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland.

Masuuliyiintii ka soo qayb galay Aaska Alle Ha u Naxariistee Mujaahid Haybe Axmed Guure (Haybe Laambad), ayaa waxa ay Qoyskii, Eheladii iyo guud ahaan ummada Somaliland ee uu ka baxay uga tacsiyadeeyeen geerida naxdinta leh ee ku timid Haybe Axmed Guure (Haybe Laambad), waxaanay ku tilmaameen Marxuunka inuu ahaa Halyey qayb libaax leh ka soo qaabay dagaalo badan oo ka dhashay adduunka, iyagoo si gaar ah u xusay inuu  Marxuum ku ahaa Saraakiishii ka socotay Somaliland ee ka dhinaca dagaalamay Dagaalkii labaad ee Adduunka Ciidamadii Boqortooyada Ingiriiska, iyo weliba halganadii kala duwanaa ee  Soma liland ay u soo martay xorimadeeda.

Sidoo kale odayaal iyo dadkale oo ay Marxuum Haybe Axmed Guure (Haybe Laambad), ay aqoon isku lahaayeen oo warbaahinta kula hadlayey xabaashad Marxuumka dusheedda markii Ciida lagu rogay, ayaa waxa ay ku sifeeyeen Marxuumku inuu ahaa nin dadka jecel oo markasta ka shaqeeya isu soo dhaweynta shacabka iyo sidii ummada Somaliland ay ugu wada noolaan lahayd nabad iyo horumar.

Source:Ramaas