MARXUUM XAAJI CALI BOOTAAN CABDI

 

 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga, Eng. Maxamed Cali Muse, ka walaashay Amina Cabdi Cism an (Cisman Garaw), Hooyaday Cadar Adan Diiriye,Aabahay Cali Muse Cilmi iyo dhammaan walaaladay iyo caruurtooda, waxaanu dhammaantayo tacsi tiiraanyo leh u diraynaa  qoy skii,caruurtii, ehelkii,qaraabadii,xigaalkii,gacalkii, asxaabtii iyo guud ahaan  shacabka Som alilandba,geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen,marxuum Xaaji Cali Bootaan, oo Har geysa ku geeriyooday.

 

Waxaan Allaha weyn uga baryeynaa inuu marxuumka ,Xaaji Cali Bootaan ,naxariistii Jann o Fardawsa ka waraabiyo, danbi dhaafna u fidiyo, iilka u nuuro una waasiciyo , neecaw ud gooniyo ku siiyo naruuro, Aamiin Aamiin Aamiin.

 

 



Eng: Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Civil Engineer
Senior Computer Network Specialist
Editor in Chief & Webmaster
Timacade News Network TNN
www.TimacadeNews.com

 

 

 


 

Tacsi Marxuum Xaaji Cali Bootaan Cabdi

 

 


 

Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte w axaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan Gobalka Marodijeex ee Xaaji Cali  Boot aan Cabdi ka soo jeeday.

Alleh Ha u naxariistee marxuumku waxuu ka mid ahaa Odayaasha Waaweyn ee Reer  So maliland isla markaana ka mid aha Ganacsatada ugu waaweyn Dhulka Soomalida ahaana Oday qaradin iyo xishmad shacabka dhexdiisa ku lahaa. Waxaa lagu xusuustaa doorka we yn ee uu ka qaatay nabadgelyada ay ku faanto Maanta Somaliland iyo Dhidib u taagidda Somaliland. Sidoo kale ayuu ahaa nin door weyn ku lahaa xoreentii dalka ee lixdankii iyo nabadeynta beelaha Soomaliland tan iyo yaraantiisii.

Marxuum Xaaji Cali Bootaan Cabdi oon saaxiibtinimada aabahay aan ku xusuusto, waxa n oo dheer xididnimo iyo abtinimo. Marxuum Xaaji Cali waxa maanta oo sabti ah  02/10/20 10 lagu aasay xabaalaha Magalaha ee Hargeysa.

Marxuum Xaaji Cali Bootaan Cabdi, cimrigiisu waxuu la dheeraday diin jaceyl iyo cibaado badan. Waxuu ahaa oday nabad doon ah, af-gaaban oon tasbiixda ka daalin iyo nin  gan acsigu ka mashquulin camiraadda masaajidda. Waxaana laga dareemay sida maanta  loo ga soo qayb galay aaskiisa, oo masjidka weyn ee Al-Huda inta la buuxiyey waliba  debed da lagu tugaday, iyo khalqiga iskaga yimid daafaha magaalada oo min Madaxweyne ilaa dhalinyaro loo galbiyey ilaa iyo halka qabrigiisu ahaa oo ah MASALAHA, kuufurta  Garoon ka Dayuuradaha ee Hargeysa.

Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.
 

 


Ahmed Arwo

Cardiff UK
samotalis@gmail.com