Madaxweynaha oo Dhambaal Tacsi ah u diraya Qoyskii Marxuum Xasan Looshade

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii , Guddida Komishanka Doorashooyinka iyo shacbiga reer Somaliland, isaga oo uga tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid alle ha u Naxariistee Xasan Maxamed Looshade oo maanta ku geeriyooday Hargeysa.


Xasan Maxamed Looshade waxa uu ahaa xubin ka tirsan Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka , waxana hawl iyo shaqo hufan oo fir fircoon uu ka soo qaatay Hawshii diiwaan gelinta, isla markaana gacanta ku hayay xilka Gudoomiyenimada Diiwaan gelinta oo dhawaan loo magacaabay.


Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga baryay inuu Marxuumka janadii Fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii , Qaraabadii iyo dhamaan shacbiga Somaliland oo dhan uu samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo.

 

 


Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada