Marxuum Xasan Xaaji Mahamed looshade
 

 

Anigoo ku hadlaaya magaca Ururka Soomaliland Transparency ee U.K, waxaan tacsi u dirayaa, xaaska, walaalada, ehelka, qaraabada, xigaalka, asxaabta, iyo dhammaan dadweynaha Soomaliland gaar ahaan degaanka Sanaag ee uu Marxuum Xasan Xaaji Mahamed Looshade ka soo jeeday. Marxuumku waxuu ku geeriyooday shallayto 13/03/2009 si kedis ah magaalada Hargeysa.

Xasan Alle ha u naxariistee waxuu ahaa nin dhalinyar xil weyna qaranka u hayey oo ka tirsanaa Guddiga Doorashooyinka, horeyna bulshada Somaliland caan ku ahaa, isagoo ka tirsanaa ciyaartoygii Gobalka Togdheer ee kubadda cagta sanadihii sideedanaadkii. Waxa uu dhowr cisho ka hor loo doortay xilka weyn ee Guddoomiyaha Diiwaangelinta oo lagu bedelay Guddoomiyhii hore ee lagu eedeeyey mas'uuliyad darro iyo xilkas la'aan. Mansabka loo doortay ayaa qanciyey dhammaan cidda ay khusaysay arrintu, ooy u arkeen ninka ug habboon xiligan.

Waxa hubaal ah in qaranka Soomaliland lumiyey halyeel xiligan loo baahnaa, marxuumka se waa u sharaf inuu xijaabto mar qaranka oo dhammi u qiraayo daacadnimo iyo xilkasnimo heer sare ah. Naxdinta iyo sharafta wada socota ee bulshada ku habsatay isla mar, waxay noqon doontaa mid ILLAAHAY ugu naxariisto Marxuum Xasan.


Alle ha u naxariistee
Xasan waxuu ahaa nin xaqsoor leh, deeqsi naftiisa u hura danta guud, daacad ah oon eex marna u badheedhin, runta ka gabban, agtiisana musuq iyo maasuq laguma tilmaamin.


Waxaan Illaahay uga baryayaa
dambi dhaaf iyo inuu ku mannaysto jannatul fardows, dhammaanna innagana inaga siiyo samir iyo iimaan geeridan kediska ah ee naxdinta badan.

 


Ahmed Arwo

President
Somaliland Transparency
U.K

samotalis@gmail.com

samotalis.blogspot.com

 

 



Aamiin                             Aamiin                         Aamiin