Marxuuma Nuura Maxamed Cali

 

Nuura Maxamed Cali(Nuura Happy) oo Caawa shil Baabuur ku geeriyootay

Nuura Maxamed Cali ayaa ahayd gabadh uu Ilaahay Hibo u siiyay samaynta Suugaanta gaar ahaan gabbayada iyo Habka wax qorida. waxaanay ka mid ahayd Naadiga Akhristayaasha Burco ee Halkaraan..

Hargeysa
(Longlivesomaliland News) Alle Ha u naxariistee waxa caawa fiidkii ku geeriyootay shil baabuur Nuura Maxamed Cali (Nuura Happy) oo ka  tirsa nayd Naadiga Akhriska Burco ee Hal Karaan. Shilkaasi Baabuur oo ka dhacay irirdka bari ee laga soo galo magaalada Sheekh. Waxaanay Marxuumadu  ah ayd qofka kaliya ee ku geeriyooday shilkaasi. Waxana waqtiga shilkani  dhac ay gaadhi ay saarnayd ku weheliyay Dirawalkii Gaadhigaasi oo isagu ka bad baaday Shilkaasi.

Sida wararka halkaasi naga soo gaadhayaa ay sheegayaan waxa  Marxuum adu ay hawl shaqo ugu socotay Magaalada Sheekh, halkaasi oo sida la  shee gay ay Buugaag u siday Naadiga Akhriska ee Sheekh oo ay xaruntiisu tahay magaalada Sheekh.


Waxa wararka ay intaasi ku darayaan in waqtigii uu shilku dhacay ay  mara yeen duleedka Magaalada Sheekh gaar ahaan halka laga soo galo  Magaala da sheikh iyaga oo uu gaadhigoodu ku socdo Xawaare aad u sarreeya.

Gaadhiga ay saarnaayeen ayaa wararku sheegayaan in uu ku dhacay  Gaad hi dhayne ah oo ku xummaaday waqtigaana aanu gaadhigaasi laydhadhku u shidnayn,

Alle Ha u naxariistee Marxuumadu markii uu shilku ku dhacay waxa loola car aray
Cisbitaalka Magaalada Burco halkaasi oo ay ku geeriyootay.

Nuura Maxamed Cali ayaa ahayd gabadh uu Ilaahay Hibo u siiyay samaynta Suugaanta gaar ahaan gabbayada iyo Habka wax qorida.

Dhammaan Maamulka, Shaqaalaha, Wariyayaasha iyo Hawl-wadeenada Sh abakada Wararka ee Longlivesomaliland News , waxa ay tacsi u dirayaan Q oyskii iyo Qaraabadii gaar ahaan Naadiga Akhristayaasha ee Hal Karaan ee Magaalada Burco , geerida ku timid Marxuumadaasi Nuura Maxamed Cali.

Ilaahay ha u naxariisto oo ha u Nuuro Xabaasha iilka Neecaw udgooniyo ha ku siiyo Naruuro.

 



Aamiin… Aamiin… Aamiin
 

 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News
Hargeysa Somaliland