Rabbi naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiyee ,waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday  Gudoomiyihii Baanka Dhexe ee Jamhuuriyada Jabuuti ,marxuum Jaamac Maxamuud Xayd
 

 


Dhamaan hawl wadeenada iyo wariyeyaasha Shabakada Timacade News, waxay tacsi tiira anyo leh u dirayaan...........

 

Nairobi (TNN)-Inaa lilahi Wa Ina Ilayhi Rajacuun, Rabbi naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraa biyee ,waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee Dalka Keny ,marxuum Jaamac Maxamuud Xayd,oo ahaa Gudoomiyihii Baanka Dhexe ee Jamhuuriyada Jabuuti .Marxuumka ayaa waxa uu u tagay Dalka Kenya,ka dib markay la soo daristya xaalada caafimaad darro

Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd , wuxuu  ka mid ahaa tiirarkii ka danbayay dib u habayntii qorshaha Dalka Jibouti, isbedel weyn oo dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka ahna gaadhsiiyey. Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Baanka muddo 15 annadood ah , isagoo intuu xilk aasi hayey hors e ed ka noqday in isbedel baaxad leh oo dhinaca dhaqaalaha iyo shaqoo abuurista dalku gaad ho.  Wuxuu hormood ka ahaa boqolaal malyuun oo Dollar oo maal gelin shisheeye ah oo toban kii sanno ugu danbeeyey Jibouti la geliyey , oo ay gashadeen tujaarta Carbeed.

Guddoomiyaha Baanka Jibouti ,wuxuu suurta galiyey in lacagta Faranka ee dalka Jibouti laga isticmaalo , ay ku biirto Sayladaha Sarifka lacagaha Dunida,  isla markaana Jibouti miisaaniya de edu ay sannadkii kor u dhaafo 1 Bilyan oo Dollarka Maraykanka ah.

Waxa uu ka mid ahaa Rukumadda isku xidha Somaliland iyo Dalka jabuuti. Dhamaan Hawl wade enada iyo wariyeyaasha Shabakada Timacade News, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoy skii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, gaar ahaan shacabka reer jabuuti ee uu ka geeriy ooday,

Waxaanu illaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhamaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo, aamiin....

 

 


Timacade News Desk
Nairobi,Kenya