TVGA DAWLADDA EE SLN TV AYAA SABABAY BARNAMIJ DOODA OO UU SOO SAARAY IN DAWLADDA INGRIISKU KU DHAWAAQDO IN SI DEGDEG AH UGA SOO BAXAAN DHAMAAN DADKA U DHASHAY WADDANKA INGRIISKA EE KU DHAQAN DALKA S/L SABABO AMAAN DARRO AWGEED

 

 


Dhamaan waan salaamayaa ummadda Somaliland guddo iyo debedba bacda salaan

Waxay ahayd 25 bishan Jan waa habeenkii jimcihii hore in tviga qaranka ee Somaliland uu soo daay ay dood lagu lafa guraayay laguna faalaynayay bal sida ay u arkaan qacan saarka diblimaasiyadeed ee uu siiyay dawladda Somalia 20 sanno daabadeed , akhyaarta ka soo qayb gashay waxaa ka mida wasiirka badda iyo kaluumaysiga xildhibaan cali mareexaan - wasiir graad - madaxa mareegaha haa tuf ina gaboobe iyo mr shoodhe

Doodii oo aad u balaadhnayd ayaa xakamaha diblimaasiyadeed goosatay waxay gashay in uu ina ga boobe iyo cali mareexaan ay meel xasaasiya doodii ku arooriyeen iyagoo markaa ku handacoonaya maxaa Somaliland loogu qadarinwaayay nabadda ka jirta ee dawladda marykanka iyo wadanadda reer galbeedka ahi maxaanu dheef ku qabnaa anagu hadaanu nahay Somaliland badda cas oo babul mandab tahay amnigeeda waanu sugnay oo haba yaraatee budhcad badeedu way ka mageen doon yaha aanu ku ilaalino anagaa keensanay cidina waxba naguma siiso badayada halka 25 markab ay oo reer galbeeda ay dul joogaan kuna baxdo in kabadan 1.5 bilyan sanadkii waxay kale oo naqdiye en oo ay ugu maah maaheen hadaad caano dooni sac baa loo samaystaa iyagoo ku tiraabayay had dii nabad galyada Somaliland taala iyo amniga guud ee Somaliland yaala aan nalgu tix galinayn ma noqonayno dhamac la shito

Waxay ahayd wariyihii dooda socodsiinaya inuu hadalada qaar af xidho oo uu tobiga uu ka badalo khibrad yaraantiisa may dhicin inuu madasha sidii la doonayay u hogaamiyo

Haddii aan ku soo noqdo labadii wasiir ee goobta fadhiyay waa geeljire iyo graadka gaar ahaan ge eljire ayaa arkay in doodii haf side Diblimaasiyadeed gashay wuu dareemay ina gaboobe iyo cali mar eexaan inay caga juglayn amniga Somaliland yaala ku khuu khinayaan reer galbeedka iyo hayadaha inala yaala , markuu wasiir geeljire arkay arinku inuu dhiidhi diblimasiyadeed galay ayaa waxa uu yid hi ( horta arimahan aydun ka hadlaysaan laguma soo qaado warbaahinta ee dad ayaa u qaabilsan ee caga juglaynata joojiya ta amnigana waxaan idin idhi waar number 1 somaliland ayaa amniga u baahan ma waxaad moodaysaa in amniga la sugay loo qabtay cid kale ummadda Somaliland ayaa u baahan guud ahaantood maxaa doonaysaan ma in argagaxiso ka dul toosto wadanka oo nabad gal yadu qooni soo gaadho nabada inaga ayay inoo dantahay sideebaad ictiraaf ku heleysaa hadaan na badi jirin nin walba intiisa ayaa la siiyaaye wasiir geeljire ma hanbaysan

Doodou dhinacyo fara badan ayay taabatay shirkii jaraa?id ee Maro kilinton ay la gashay madaxw eynaha somaliya oo la qeexay dual truck boolasigii ay wariye falastiin su?aashii loo soo dhiibay way diisay madam kilnton iyo voada oo baryahanba u muuqatay radio muqdisho

Waxaa kaloo laga hadlay xanafta siyaasadeed ee doorashooyinkii ugu danbeeyay inoo gaysteen iyo sida ay u qoontay Somaliland markaa kuma soo koobi karo doodii oo dhan ee ulajeedada dulucda qoraalkaygan waxaan u jeedaa arinkan ugubka ah ee Somaliland iyadoo intaa ka sii jilicsan aan hore u dhicin in manta dawladda ingriisku ricaayadeedii ku amarto Somaliland inay nabad galyo la?aan uga baxaan dalka ha la is waydiiyo ogaada 10 sanno horteed in la idiin arkayay dad iyo dawlad soco d baranaysa laakiin manta majuur ayaa noqoteen markaa hadalada idinka soo baxaya waa loo fiirsa nayaa oo sida dawladaha ayaa la idiinla dhaqmayaa

Horta waxaan idiin sheegayaa in dawladu markay aragtay in hadalo xasaasiya lagaga hadlay dooda aan kor ku xusay kumuu soo celin mar labaad TVGA QARANKU barnaamijkii oo waa la joojiyay Anigu na waan dareemay in si khaldan barnaamijka loo soo agaasimay markaa waranka aynu ridada dheer ku tuuraynaa yaanuu Somaliland dib ugu soo noqonin

Gaar ahaan TVIGA QARANKA afka dawladda ku hadlayaa digtooni siyaada ah waa inuu sameeyaa



Wabilaahi Tawfiiq

 



Cabdillaahi Saluud
sulub201398@gmail.com