“Mawqifka Somaliland, wuu cad yahay waxa weeye Annagu shir Soomaaliya loo qabanayo tagi mayno” Wasiirka Madaxtooyada

 



Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta Waraysi siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, waxaanu ....


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xiris Cali X. Xasan ayaa ka hadlay in ay Somaliland ka qayb-galay Shirka Bisha May ka dhacay Magaaladda London ee dalka Ingiriiska.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta Waraysi siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, waxaanu yidhi “Mawqifka Somaliland, wuu cad yahay waxa weeye Annagu shir Soomaaliya loo qabanayo tagi mayno annagu tagi mayno waayo annaga Somaliland ayaa nala yidhaahdaa. Haddii Somaliland Iyo Soomaaliya la wada hadal siinayo oo si siman loo wada hadal siinayo.

Waanu ka wada hadalaynaa oo darafkayaga ayaan u hadlaynaa Somaliland, madax-banaanidayada iyo dadkayaga iyo dalkayaga.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu tilmaamay in aanu shirkaasi Somaliland wax shaqo ah ku lahayn, kana qeyb geli doonin, waxaanu yidhi “Haddii ay tahay shir Soomaaliya loo qabanayo, sabab aanu u tagnaa ma jirto, dee Soomaaliya iyagaa Soomaaliya la yidhaahdaa oo marti qaadka loo sameeyay ee ha tagaan. Hadii sida la sheegayo uu Madaxweynaha Soomaaliya guddoominayana dee sabab aanu u tagnaaba ma jirto.”

Wasiirka oo la weydiiyay waxa shirkani kaga duwan yahay kuwii hore ee ay ka qeyb galeen waxa uu yidhi “Haa, wuu ka duwanaa shirkii Dubai Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku wada hadlayay. Kii London umuurta dadka Soomaalida ah baa lagu xalilayay oo may ahayn wax gaar ah oo midnimada Soomaaliya loogu yeedhay oo dhaqaale loogu ururinayo oo hawshooda gaarka ah lagaga hadlayee, waxay ahayd.”

“Maadaama oo aanu ahayn Dawlad madax banaan oo u diyaar ah inay mawqifkeeda beesha caalamka u cadayso waanu tagnay waxaana naloo casuumay annaga iyo dawladda Soomaaliya si siman xiligaasi,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu intaasi ku ladhay “Haddii iyaga (Soomaaliya) loo qabtay shirkan ma xaasidayno, ma caayayno, mana maagayno. Laakiin Annaga (Somaliland) wax na khuseeya ma aha.”
 

 


Guuleed Yare
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland