Maxaa ka soo baxay shirkii albaabadu u xidhnaa ee dhexmaray Suldaanka Guud Ee Subeer-Awal Sul. Xasan Iyo Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim?
 


Dir-dhaba(TNN):- Wefti ka koobna odayada Isaaq ee degamada Is-maamulka Soomaaalida Itoo biya oo uu hogaaminayey Suldaanka Guud ee beelaha Habar-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cab dilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa kulamo waa-wayn iyo shirar dhaqan-ba la yeeshay qaar ka mida beelaha Soomaalida sida Beesha Ciise iyo Beesha Gur-gure.

Sidaa waxa Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyey Suldaanka guud ee Habar-aw al Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo aan maanta Khadka telefoonka kula xidhiidhnay isaga oo jooga Magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia.


Suldaan Xasan waxa uu sheegay inay shir al-baabadu u xidhan yihiin oo aan saxaafada loo ogo layn uu na dhex-maray Ugaaska Beesha Ciise, Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim iyo Suldaanka Guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan.kaas oo qaatey muddo 4-sacadood ah, waxaanay shirkaasi aad looga danaynayay deegaamada ay ku dhaqan yihiin labada beelood ee ( Isaaq iyo Ciise) aadna loogu dhagtaagayay

Suldaanka guud ee Habar-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews wax ka weydiisay waxa ka soo baxay kulanka laba ge esoodka ah ee uu la yeeshay Ugaaska Ciise Mustafe Maxamed Ibraahim waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi ,Dhinacyo baddan ayaan ka wada hadalnay sida la wada ogsoon-yahay Isaaqa iyo Ciisuh u waa walaalo wada dhashay.

Dhinacayaga Isaaq-ahaan waxaan gaadhsiinay in aan la qabno arrin iyo dareen-ba go'aamada B eesha Ciise ee ku saabsan sadexda degmo ee ka tirsan deegamada Beesha Ciise ee hawshu kag a furnayd dhinaca Canfarta. kuwaas oo kala ah Garba-Ciise, Cadaytu, iyo Cundhufo kuna dhow ?Hawaas?.

Waxaanu u cadaynay inaanu laqabno tallada Isaaq ee ku waajahan degmooyinkaas Ciise inaanu la dareeno mabdaaba nahay Beesha Ciise sidoo kale way ka dharagsan yihiin dhibaatooyinka ka jira deeganada Beesha Isaaq sida Gaashamo, Dacawalay, iyo Xarshin.Wixii kale ee aanu ka wada hadalnay Ugaaska Ciise waxaanu ku soo bandhigi doona Saxaafada.Beesha Ciise Ugaaska ayaa u warami, Beesha Reer Sheekh Isaxaaqna Aniga oo ah Sul daan Xasan ayaa u warami?

Source:Hadhwanaagnews