Maxaa daran, maxaa dan ah
Hamud duale







Burhaantii Caaqilada oo durba soo shiiqaysa


Baaqyada isburinaya ee Suldaanadu waa buruudkii habkii beelnimo oo ay shiiqisay burhaanta  qaadha an diidyada golaha fulinta ee u badan beel-ka-koodyo iskood kartidood isku taagi karaaya.

Dawlada cusubi ilaa hadda waxay qaaday talaabo isbedel oo waxay soo noolaysan aqoontii iyo  waxba rashadii. Sidaynu la wada socono Maamulkii Siyaad Barre wuxuu la coloobey aqoonta iyo garaadka. Wuxuu xoojiyey oo awood ballaadhan siiyey Odayaal dhaqameedka. Wuxuu ku guuleystey ninkasta oo aqoon lihi haddii uu mansab doonayo in uu caaqil ku daba faylo. Xoogaga nidaamkaa ku adeegtaana maalin maalinta ka danbaysa way sii tiro badanayeen, dhallinyaradii waxaa lagu anqariyey meel  dhac dhac leh ha la ii dhiibo.

Qaabkii noocaa ahaa dawladani way ka baydhay oo waxay xilalkii u dhiibtey aqoon yahan aanu  daadih ineyn Suldaan, oo caaqil daaya lahayn.

Qaylo dhaanta baaqyada odayaal dhaqameedka bari iyo galbeed ka soo yeedheysaa, waa xoogagii nidaamkaa dumey muddada dheer ku soo noolaa oo garabsanaya xildoon qurba joog ah..


Inkasta oo ilaa hadda talaabadaasi sugan tahay, dawladan cusub ee Somaliland lama gaadhin xilligaan loo kala tirin lahaa amma la difaaci lahaa oo anigu weli waan ka dhursugayaa dib waxay ka noqoto  lix da bilood ee innagu soo fool leh, laakiin koleyba dawlad ka kooban qabiilka qurba joogta oo  mucaarid keedu yahay qabiilka qurba joogta dulba juuqadeedu wax la dedo ka xeel xeel dheer.

Teeda kale anigu wasiirada waan fahmey iyo waajibaadkooda, laakiin jagooyinka kale waan ku jaha  w areeray oo markaan dhan walba ka rogey waxaan ka geyn waayey Jini Jinni saaran, lux lux saran  aak hiro leeleel. Dekedii Qaranka waxaa maamulkii hantida qaranka looga dhexsaaray waa canbaar  dhee ga iyo dhabanka kaga taala dawlada cusub oo la wada arkayo. Canbaartuna sidaad wada ogtihiin way fidaa oo haddaan dhakhso loo daaweyn baras ayay noqotaa, dubka wada dhamaysa.

Qurba joogtu muxaafid iyo mucaaridba waxay ahayd in ay tabaruc kula shaqeeyaan muwaadiniinta  h adday aqoon iyo waayo aragnimo dheer yihiin, oo daacad isbidayaan oo horumarka iyo aqoonsiga  d alka danaynayaan, haddayse ay magac iyo manfac ka hungureeyeyn, waa dalkoodiiye iyo dadkoodiiye oo ciddi kama xigto eh, wasiirka maaliyadu waa in uu mashaharkooda cashuur laba jibaaran ku soo  ro gaa amma iyaguba gartaan in carruurta agoomaha ee la mid ah kuwooda, kala badh ugu deeqaan  m ashaharkooda, maadaama iyaga carruurtoodii la kafaalo qaaday oo ay qurbaha nolol iyo nabad ku haystaan, islamarkaana ay qoysaskoodii dawlado aan muslin ahayni masruufaan.


Balanqaadyadii xusbiga kulmiye samayn jirey kula xisaabtami mayno oo isagiibaba dunburush yidhi oo waxaa la kala garan la’yahay in xusbi midaysan la doortay oo talada loo igmadey, iyo in qof iyo qoysas la kala dooratay..

Xusbiyadii mucaarudkuna iyagana waxba ka dhegeysan mayno oo xusbinimadii waxay ka doorbideen in ay defkii qabiilka qaataan oo waxyeelo mooyee aan waxtarka lahayn, way ka dareen oo dibi ayay dhaleen.

Kol hadday sidaa tahay,waxaan jufo inoo ah distoorkii ummaddu u codaysay siday Silaanyo iyo Riyaale ugu codeeyeen. Marka taa laga yimaado dawladan in ay Kulmiye tahay iyo in keli tahay iyo in ay nin iyo eefkii tahay iyo in ay beelo ku danbayn doonto aanan weli kala garan, waxaan saari doonaa miisaankii guddii aqoonyahanka ahaa ee ugu horeeyey ee loo saaray talobixintu waxyaabihii ay soo jeediyeen ma la hirgeliyey mise lama hirgelin, wixii hirgeli waayey maxaa is hortaagey?


Nin hooyadii ka duday, habar yartii kuma nagaado


Geedi lagu la labo iyo digo rogasho iyo xusbiyo cusub oo la furaa ma aaminsani in ay daawo u yihiin  da dka iyo dalkaba. Mar haddii kuwii mudada dheer jirey rag iyo reero kala sheegteen, ku kale oo la furaa xal ma ah, waxaa igala roon kuwan jira in marka hore lagu soo dabaalo qaabkii xusbinimo iyo dimoqraadiyada.

Sida ka muuqata ummadeena garaadkeedu weli wuxuu ku siman yahay heerkii qaabkii reer guuraaga oo weli qooba lama rogin. Siday caadadu ahayd haddii guri barwaaqo somalidu iyaga oo degan, ay ku dhalato shilin, gabaareey, gofane iyo wixii la mid ahi, weligeed iyo allaheed la isma weydiin jirin waar maxaynu ka yeelaa oo sidaynu iskaga dilaa. Waxaa keliya ee ay yaqaaneyn wuxuu ahaa,: “reerka ha la raro meel aan dulin lahayn ha loo guuro” markaas ayaa geedi loo lalabi jirey. Waaga berigiisa iyada oo aan dumarka iyo xoolaha midna la sii ogeysiin ayaa la tu’in jirey awrta.



Had iyo jeer waxaa hawsha guuritaanku ku dhici jirtey haweenka oo aqalka furfuri jirey marka la  deg ana iyaga ayaa dib u dhisi jirey. Iyaga ayaa awrta rari jirey kadibna rarka ka dejin jirey. Hawl  heese edka rarista awrta, ayaa haweenku ku soo gudbiyeen in ay saluugsan yihiin wax isweydiin la’aanta  iyo go’aamadan ragu laasimey ee aan isbedeleenba ee midka qudha ah. Waxay awrkii ku rareen  halh ayska ah: “Ha la raro ragbaa yidhi, annana waa ku raacnay”, markaas ayay caynkii iyo baydiiba u  jii deen, carruurtii xalay dhallatayna guro la saaro guudka awrka uga sameeyeen, Ummushiina iyada oo dhibiibyeesa oo aan maydheertii weli ka soo dhicin daba luuday, oo hadday ax tidhaa, sedexda  dala aqood iyadoon la kala reebin lagu daruuri jirey.

Allaa igu og in aan haweenka somaliyeed cadaabul qabri lahayn, maxaa yeelay ifka ayaa lagaga jaray. Immikana wax isdoorshey may dhicin, oo amma wadaad ayaa shan ka mid ah xuurto ku hasta, inta kalana diinta ku baqamaala, amma waranle ayaa waadaal ka dhigay.

Waxaan leeyahay xusbiyada jiraa ee gofanayaasha lagu arkay, durba rag ayaa ku talinaaya ha laga guuro oo tirade xusbiyada ha la kordhiyo. Wixii laga yeeli lahaa gofanayaasha, ha laga tashado oo  ya an kuwa kale looga diga rogan la isma weydiinayo. Geedi iyo galab caraw uun ku jiri meynee, xal kale ha la keeno. Haddii kuwan la sixi kari waayo, yaa huba in kuwa kale lagu nagaan doono. Hore ayaa loo yidhi nin hooyadii ka duday habar yartii siduu ugu nagaadaa way adag tahay, sidaa daraadeed ayaan daal la kororsan.


Hogaamiye xusbi tag lama yidhaa ee wuxuu ku tago ayaa la hor dhigaa


Nin weyn oo hogaaminayey xusbi qaran tag lama yidhaa ee waa loo abaalgudaa, Hay’adaha waa weyn samafalka ayaa loo magacaabaa, ilayn waa halyey geedii socodka dimoqraadiyada iyo nabada door  w eyn ka qaataye. Diinbiilana ma ah hogaamiyihii tartanka lagaga guuleystey. Xusbiga oo dhan ayaa  gu usha laga helay ee keligii lagama helin, waxaa ceeb ahaan lahayd isaga oo haneyn waaya, markii tirooyinka lagu dhawaaqay.

Hogaamiyayaasha xusbiyada qaranku waa halyeyo muddo dheer xil qaran daadihinaayey. Sedexda  xu sbi qarana mid uun baa ku guuleysan lahaa doorashada oo talada loo igman lahaa. Taasina  macnahe edu ma ah xusbiyadii kale xil looma igman. Ka talada haya mooyee labadii kale waa in ay hogaamiyaan dadkii u codeeyey ee barnaamijkooda aaminsanaa. Waa in ay dawlada iyo xusbigii talada loo dhiibtey ka ilaaliyaan in uu dulmi ku kaco oo ballaan qaadyadii daba marteeyo. Waa xil weyn oo hadday gudan waayaan qaranku u dumi karo.

Haddaba hogaamiyayaashii labada xusbi mucaarid in la yidhaa iska taga ma qabato oo tacab qasaar weeyaan iyo aqoonsi la’aan waxtarkii iyo dadaalkii ay xusbigooda geliyeen. “Hay hay weligaa hayna arrin ma ah”oo guusha xusbiga ee doorashooyinka soo socda iyo dimuqraadiyada ayay lid ku tahay oo suurtogal ma ah, in xusbigu ku burburana waa xabka. Sidaa dradeed, waa in xubnaha xusbigu gartaan in aan qof iyo xusbi la isbarbar dhigi Karin. Markasta waxaa mudnaanta koowaad leh badbaadinta  xu sbiga.

Haddaba, si xeegana xeego u noqoto ilkana aanay u daadan waa in loogu abaalgudaa in hay’adaha  m adax banaan ee caalamiga iyo kuwa deegaanka ahba loo magacaabo oo hawlihii ay qaranka u hayeen halkaa ka sii wadaan iyaga oo xusbigoodiina xubin ka ah, islamarkaana xaq u leh in ay markan marka xiga u tartami karaan hogaaminta xusbigooda iyo dalkooda oo idilba. Dawlada iyo shirkadaha  ganacs atadaba xilbaa ka saaran in ay meeleeyaan oo u magacaabaan jagooyin hogaamiyayaashii xusbiyada qaranka, gaar ahaan xusbiga UCID oo laba goor ku hangoobey hogaaminta qaranka. Waa la tartamay ee lama coloobin ee waa in aanay dawladda iyo dadkuba ogaadaan oo xaq dhawraan  mudanayaash ooda geedi socodka dimoqraadiyada qaybta libaax ka soo qaatay.



Baaqyada beelaha iyo difaaca Xubnaha ka soo jeeda qaarkood.

Alla ha u naxariistee mudane Xuseen Kaahin ayaa wuxuu ka ahaa maamule dugsiga sare Camuud Beri samaadkii. Wuxuu dugsigii ka eryey wiil rabshoola ah oo ay isku reer yihiin. Odayaashii Boorama  deg anaa oo ay Xuseen iyo wiilka isku reer ahaayeen ayaa u yimi Xuseen Kaahin iyaga oo Erga ah. Waxay ku yidhaahdeen wiilka mustaqabalkiisa ayaa baaba’ye dugsiga ku celi. Xuseen Kaahin wuxuu ugu  jaw aabe, intuu muusooday: “Habar yoonis way garatay in aan wiilku mustaqbalkiisu baabi’ne, maxay u g aran weydey in aanu Xuseen Kaahin galaafan oo shaqada daraadii looga eryin.”


Waxaan uga dan leeyahay beesha galbeedka Burco way garatay in aan maamulihii hore ee bangiga la xisaabine, ma garan weydey in aan wiilkooda kale ee hanti dhawrka ah shaqada laga eryin. Beesha awdalna waxaan leeyahay Daahir Riyaalaba maydaan difaacine, maxaad ina xoorxoor ugu daaleysaan.



Waa innoo mar kale iyo , qubanaha maxaa daran maxaa dan ah.

 

 

 

Hamud duale