Maxaad ka taqana faa,idada MALABKU leeyahay ?

 

Marka waxan salamaya dhaman shaqalaha Timacade News  iyo umada reer Somaliland/ S omalia iyo inta afka somaliga ku hadasha ilaa umada muslimku meelkasta oo ay joogaan. Ssalamu alaikum wr wb

Intaa ka bacdi, waxaan halkan kusoo gudbinaya warbixin kooban ama cilmi baadhis aad loo ogaaday kuna saabsan faa,idada uu malabku leeyahay. waxay diintena islaamka ee s uubani sheegtay kun iyo afar boqol oo sano ka hor 1400 in malabku uu yahay dawada  la gu dawayn karo xanuun kasta oo bani aadamka ku dhaca marka laga reebo (dhimashada). waxa uu abu hurayra ka soo wariyey nabi muhammad scw in uu yidhi {ma jiro xanuun uu ILAAHAY scw soo saaray ilaa iyo uu dawadiiisana soo raaciyey mooye}. waxa kale oo uu yidhi ibnu cabaas radiyalahu canhu waxan maqlay nabiga csw oo leh hadii ay jirto dawo waa inay tahay sadex miduun{ toobinka(cupping) malabka(A gulp of honey) dabka( bran ding with fire} lakin dabka waa la mamnuucay.

Sikastaba ha ahaatee qormadan gaaban, maanta waxaan ku soo qaadan doonaa sadex q aybood oo kala ah: MALABKA FIITAMIINADA KU JIRA, XANUUNADA UU AADKA U DAWEEYO MALABKU, IYO MALABKA FIICAN EE LA ISTICMAALI KARO.

Aan ku horayno malabka fiitamiinada ku jira, waxa ka mid ah oo la xaqiijiyey, potassium, sodium, phosphate, copper, iron, calcium, manganese ), enzymes, trace elements, vitam ins (A, B1, B2, B3, C, D, K), as well as beta-carotene. oo dhamaantood ah fiitamino muhiim ah oo jidhkeenu u baahanyahay. waxa kaloo malabka ku jira glucose, fructose and  sacch arine (70%. Malabka ayaa la isku raacay inuu yahay dawada ugu fiican qarnigan aynu ku jirno iyo wixii ka horeeyeyba iyadoo dadka reer gableedku ayna hore u fahansanayn  bal se imika ay fahmeen.

Xanuunadu uu malabku daweeyo laguma soo koobi karo maqaal iyo laba balse waxaan ka soo qaadanaya inta aan ka akhriyey ama inta cilmi baadhistu ay sheegtay iyo waliba  diin tena suuban.

1- UPSET STOMACH( xanuun kasta oo caloosha ku dhaca)

2- GAS( waa xanuunka ay somalidu u taqaan gaastari) warbixin ay so saren india iyo japan waxay ogaden in malabku dawo u yahay gaastarida

3- IMMUNE SYSTEM( malabku waxa uu xoojiya difaaca jidhka) cunista malabka maalin kasta waxa ku kordha energya jidhka.

4- INDIGESTION(xanuunada dheefshidka oo dhan malabku wa ka dawo)

5-Pimples( finanka wajiga iyo jidhka ka soo baxa oo dhan malabka ayaa lagu dawayn kara

6- SKIN INFECTIONS( malabka ayaad marinaysa meelkasta oo jidhka ku xanunaysa sida nabarada etc)

7-CANCER( kanserka caloosha, lafaha iwm)

8-HEARING LOSS( dhaga beelka)

9-BAD BREATH:( cirid xanuunka, ama ilka xanuunka)

10-Short and long memory( xusuusta gaban iyo ta dheer labada malabka ayaa kordhiya)


Qaybtan aan maanta kaga hadlayno maxaad ka taqana faa,idada malabka iyo xanuunada uu daweeyo waxaan ku soo gaba gabaynaya in malabka fiican aad ka heli karto  wadama da, australia, yemen, somaliland, somalia, ethiopia iyo wadamo kale oo asia ama uerope ah balse aad iska ilaaliso malabka lagu iibiyo supermarket yada kaasoo ah mid lagu daray walxo kale sida sugar(sonkor) ama perseveres.

Qormadan qormada xigta waxaan ku eegayna xanuunkasta oo malabku daweeyo iyo  hab ka aad u isticmaalayso ama aad ugu dawoobayso hadii uu ILAAHAY NAFTA INOO DAAYO tan iyo maqaalkan ka xiga waxaan idin leeyahay sidaa iyo nabad galyo wabilaahi tawfiiq

 

 

 

Ahmed sheikh adam
A_sheikh84@hotmail.com