Maxaad Ka Taqaanaa Jaamacadda UTHM ee Dalka M alysia, War-bixin Kooban oo Laga Diyaariyey


Jaamacada UTHM oo loogu magac daray Ra'iisul wasaarihii sedexaad ee dalka  Ma laysia Hussein Onn ayaa waxaa la furay sanadkii 1993 iyadoo wixii intaa ka  horee yay ay ahayd college lagu barto cilmiga teknikaalka. 2006-dii ayay wasaarada waxbarashada siisay aqoonsi jaamacadeedka iyadoo laga badalay college-jaama cadeed.

Jaamacada waxay ku taala gobolka wayn ee Johore, kaas oo daris la ah dalka Singapore. Waxay bixisaa kuliyado ay ka mid yihiin handasada (injineerin)  elect ariga, handasada soo saarka, handasada bay'ada, handasada mekaanikada, hand asada dhismaha. iyo kuwa la mid ah. Waxay sidoo kale jaamacada bixisaa kuliyado ay ka mid yihiin teknoolajiyada, aqoonta teknikaalka, maamulka teknoolajiyada, macluumaadka iyo multimediyaha.

Jaamacada waxay leedahay guryaha ay ardayda dagaan iyo dhamaan agabka loogu tala-galay waxbarashada iyadoo takhasuska uu yahay handsada, teknool ajiyada iyo teknikaalka. In ku dhow 8, 000 ayaa arday ka ah jaamacadda. Qaadas hada jaamacada waa mid ku xiran wasaarada waxbarashada dalka Malaysia, taa si semesterka hore ee dhamaado bisha afaraad ee April halka qaadashada labaad ee semesterka labaad uu dhamaado bisha November. isla jaamacadda iyadoo  ruu xii doonayo jaamacadda uu waraaqihiisa gaysan karo xafiiska waxbarashada ee jaamacadda.


Jaamacadaan ayaa waxay jaamacadaha kale ee ka jira dalka Malaysia kaga  duw an tahay .Badanaa maadooyinka ay bixiso oo dhan ayaa waxay u badan yihiin dhanka Injineerinka.

Jaamacadda labaad ee soo raacdana waa Jaamacadda la-yiraahdo University Technology Malaysia (UTM.

Qiimaha jaamacada ayaa ah mid aad u jaban, Arday walbana waa qiimo uu ku  qa nci karo, sidoo kale Jaamacadda waxay lee-dahay ama ay awoodaa Arday walbo oo ay aqbasho iney guri ay leedahay dejiso.




Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde).
Email: Kedis114@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia