Maxaan ku muteystey heyb-sooca

 

marka ugu horeysa waxaan salaan xushmad & qadariin leh ku salamaya shaqalaha websetka ,gaar ahaan maamulka ,marka labadna waxan salan xushmad & qadariin mudan ku salamaya dhaman akhristayasha sharafta & qiimaha leh ,

intaas ka diib waxaan aad igu faraxsanahey doodeydii aheyd (maxaan ku muteystey heyb-sooca )dood furan ,in aan arko rayiga & jawaabaha iiga imaanaya akhristayasha qaarkood ,
waxaanan salan xushmad leh u dirayaa akhrista yaasha ii soo jawaabey ,sida ,cali .c.cisman, naasir .i.a. wasiirka & amaal muse oo aan sigaara u salamaya maadama ay tahey gabar ,

intas ka diib ,akhristayaasha ajigoow ,kkkkkk,

:hal waa iga dood celiin ,
:halna waa iga dardaaraan,
:halna waa iga duuni hadalkey,

:hal waa iga dood celine :haddii an ku horeyo oo aan maqaaladi doodeyda jawaabteeda mid ka mida ka soo qaato ,maqaalkaas oo ciwaankiisu aha ,(master gabooyow ama sidaan yeel ama iska aamus )by cali cawaale cismaan , ee uu walalkey ii soo jeediyey afar qodab inan yeelo ,oo kala ah ,

marka hore maahmaah baa tiraahda

:geel jiruhu isagoo garanaya halka uu geedka gudinta kaga goyo, ayuu dadka weydiiyaa oo uu yirahdaa halkeen ka gooya geedka ,kkkkkkkk

saaxiib cawale ,qodobadaada oo ah afar qodob laba waan kaa ogolaadey labase waan kaa diidey,


qodabka koowad: beel ka mida beelaha soomaaliyeed dagaal ku qaada oo ,100,dhagta dhiiga u dara gabeyna u raacsha , saaxiib ma garan lihi gabooyena dagaal loma tilmamo balse walaal waxaanu nahey umad islaama diintayaduna waanaga xaaraatimeysey dhiig islaam ,& xoolahooduba , balse hada waxaa bad na moodaa inuu hada samirki & dulqaadkii naga soo yaraanaya ,bal sxb waxad ii sheegta danba waanu u dagalamiye halka ay reerkiinu daganyihiin ,aan iyaga ku bileebee,

qodobka labaad:cuna qabateyn sameeya , waa qodob wanagsan ,balse wax ka sii wanaagsan ayaan sameyn doona insha lah xusuusna gali doona ,

:qodob saddexaad :gabooyoow magaca badala oomagac kale la baxa ,waan kaa diidey waxaanan ku leehyahey saaxiib ,

waa loo dhashaa gaboye ee leyskama dhigo
waxaanan ka gayaa xaqiiqdii kalmaa aad itiri magaca gaboye bedela ,dhimashada intaan badali laha , tankale , saaxiib ,aji waxwaxba ka filaa layiriye ,ma magaca macaankiisaad ii ogolaan weydey ileen hada ajiga intooda badan gabooyey isku dhiibeene ,ma si reer magaalnimo ayaban iiga wareejineysa waxaagani waxka badane ,kkkkkkkkk

qodobka afrad : qodobkan guurka aniga ama beesha gabooye diwaanka nooguma jirto sababtoo ah saaxiib gabooye guur aji ciil uma qabo ,waxaanan anigu aaminsanahey maanta haddii boqolaal gabdhood leys dhaafsado inaaney wax macnale soo kordhineynin ,sababtoo ah sxb qiimeyntii jiritaankii mar hadaney jirin ,leygana qiimeynayo ,jamicaanka & gaalada ,sow horta ineynu helna kama haboona , qiimeynu,
anigoo ah nin islaama oo soomaliya ,wuxuu iiga qiimo & xushmo badnadey loona tixgalinayo jamicanka & ajanabiga gabdhaha soomaliyed guursada ,anigana leyleehyahey waa midgaan oo ma gayo gabdhayaga waaneyba naga dhimatey ,sow ineynu helno maaahan sababtas ,ka diib marka taas jid loo helo ee laba mid uun ay noqoto , nina guur loo tilmaami maayo ,

:midna waa iga dardaaran : ,waxan la dardaarmaya beesheydan gabooye inaaney dhibsanin u fiirsan qoraalada oo aaney jawaabkasta qoraalka ka filin wanaag ee ay jiraan qoraalo ay caadifad & rayi gaabanba kala kulmeyno ,inkastoo ay badanyihiin qoraalada jawaabta quruxda badani ay jiran ee ay soo qoraan akhristayashu oo runtii mudan mahad naq & xushmadba ,waxaan marka ka codsanaya marlabad ineynaan dhibsan ee aynu ka raacno inta fikirka wanaagsan ee ka xoroobey jaahilnimada & caadifadaba , oo aynu muujino samir & dulqaad ,

waxaan sidaas u leehyahey waxaa isoo garey dhowr maqaal oo iiga yimid qaar ka mida beesha gabooye oo dhibsadey qoraalada qarkood ,,markaa walalayal waa ineynu danta & ujeedada ka raacna intaas wa iga dardaaran ,

:midna waa aniga iyo duuni u hadalkey , aniga & duuni u hadalkey waxaa laga yaaba iney jirto dad u arka doodeyda iney tahey waxyar oo fudud ama aan meelba jirin ,balse wey ka fogtahey aragtideydu ,waxaanan leehyahey haddaan ajiyoow doraato midha daraya duuduub ku liqi jirey maanta waan digtoonahey diiradna waan u heysaa hoosna waan u dayaya ,

tixdanyar ee gabeygaa waxaan u bixiyey {hayaan} insha lah se waan dhameystiri doona ,waxaana tiriyey anigoo ah <mr gaboye>

waana aniga & duuni u hadalkey,

habeenkoo damyiri
dadko wada hurda
haatufbaa xaley
hoyga iigu yimid
hilaacbaa ii baxey
hogashii nasriga iyo
gabooyo horu mare
ruxii hadraayoow
taariikhda iga hoo
iyo hadal tusaala
waxaan ahey hayaan
habqaamaya sidii
geel haraad qabee
nafta waxan u huray
holacaa kaliileed
hallis iyo dhib waxan
umara hawlyari mahe
halkaan tiigsanayiyo
hamigeygu wuxu rabo
halkaad iga dayeyseen
waan ka hanweynahey
hawraartan meershey
hogoltusale weeyee
is hubsadey waxan ahey
hor ilaahey maantee
dhaxan ahaa habeen
hoos u fooraranjirey
damac wuxuu i hayaa
daruuraha hawada sare
hoy inaanku yeeshoo
kaa hago hadhoowtee
hubaalse weeye inaan
helaa waxan u huloobe
wakhtigoo hagaagoo
hashaa maandeeq
hogaanka inan uqabtan
hadafkeygu yahey mante

hadal waxaan ku goyey
ruuxii hadraayiyo
heyska hadlo ina higir
hanyariyo dhigoodii





Qore:Barkhad Xaaji Cabdi
(Mr Gaboye)
ontario canada
email:abokoriye1@hotmail.com,
email:mrgaboye@hotmail.com