Maxaan ku muteystey heyb-sooca,dood furan & qeybta ayka qaateen madaxda & masuuliyiinta JSL

 

Marka ugu horeysa waxaan salan xushmad & qadariin mudan aan ku salamaya dhamaan shaqaalaha websetka ,gaar ahan maamulka shabakada ,waxaan kaloon salantaas mid lamida ku salamaya dhaman akhristaha sharafta & qiimaha badan ,

waa barnaajimkii taxanaha ahaa & doodeydii (maxaan ku muteystey heyb-sooca) dood furan ,waxeynu qeybtan ku soo qadandoona ,madaxda & masuuliyiinta umada qeybta ay ka qateen anigoo ukala saaraya sadex qeybood ,qeybtana ku soo qadanaya madaxda & masuuliyiinta jsld ,qeybta ay ka qaateen quursiga & dulmiga takoorka heyb-sooca lagu hayo dulmanaha la quursadey ee beeshan gabooye ,
tan & intii ay ku dhawaaqdey gooni isku taaga jsld ,ee ka madaxa banan jsomaliya ,waxaa waxey hada gu tirsanaysaa ,gugii ,19, ee ay jirto jsld ,dhanka kale waxaa iyana ,19 gu jirsatey cabashooyinka & xaqdarooyinka ay tirsaneyso beesha gabooye kuwaasoo ah kuwa isasoo taraya maalinba maalinta ka danbeysa ,cabashooyinkaas oo ah kuwa iskugu jira xaga xaquuqdarida ay xaqa ugu lahayeen maamulka jsld & kuwo ku saabsan wax qabad la aanta aney mamulka dowladu aaneyba wax xila iska saariin horumariinta danyarta & agoonta beesha gabooye & xaga maalgaliinta farsamadooda xirfadaha wax soo saarka ,

hadii aan ku horeyno xaga xaqdarda ay ka tirsanayaan maamulka & masuuliyinta dowlada jsld ,run ahaantii waa mid jirta mudana in la sheego lana soo bandhigo taasoo ah ,
jlsd waxey lehdahey ,gole wasaradeed & wasiiraba ah , waxaanu ku leehnahey ,hal wasiir ku xigeen ,xaq naa ula lihiin ,xubintas wasiir ku xigeeenka ah sababtoo ah waxaanu golaha wasaarada xaq aanu ugu leehnahey ,wasiir buuxa & waliba wasiiro kuxigeenaba ,taasina waxey tahey in xaqa yagii & xaquuqdayadiiba lagu tuuntey hadii aanu naheymuwaadiniinta beesha gabooye ee reer sld,
waxa kaloo jira sadex gole oo kala ah ,

1:GOLAHA ODAYASHA GUURTIGA :waxaanu ku leehnahey ,hal xildhibaan oo kaliya ,anagoo ah beesha gabooye ee ka kooban afarta beelood ee kale ah ,MUSEDHARIYE,TUMAALADA,YIBRAHA,& MADHIBAANKA ,dagana dhamaan deegaanada jlsd miyi & magaalaba ,ahna muwadiniin xaq & xaquuq,kuleeh ,dalka & calanka &ciida jlsd , xaataa la nooma tix galiin in afartayada beelood naloosiiyo hal hal xildhibaan oo matasha beesha ,taasina waa mid lagu tuntey xaqa & xaquuqdaanu kulaheyn dalkayaga jsld,

2:GOLAHA BARLAMANKA & (3)GOLAHA DEEGAANKANA ,labadaas goleba midna kuma lihiin hal xubin oo u matala beesha dhan ee gabooye ,taasina miyaney aheyn mid xaqayagii & xaquuqdayadii la duusiyey ,laakiin labadaas goleba ,halka aanu anagoo ah beeshii gabooye aanu ka qatanahey xubnihi & xaqii aanu kulaheyn , iney haweenka reer somaliland ay iyagu naga mudnadeen in loo tix galiyo ka qeybgalka labdaas gole oo ay ku leehyihiin xubnahoodaii taasina waxey ina tuseysa inaanan wax sharaf & tixgalinba kulaheyn jsld ,haddii aanu nahey besha gabooye ee muwaadininnta jsld,
waxaa kaloo jirey sanadkii ,2008,iney dowladu sameysay mooshin loogu magacdarey ,kootooyiin cayiman in laga siiyo golayaasha & mamulka dowlada ,dumarka & beesha gabooye , taasina run ahaantii ay aheyd mid lagu nuusqaamayo hoosna loogu liidayey beesha gabooye ,balse haba nala liidee manoqotey mid sideedii loo fuliyey ,

jawabtu wa maya , oo waxaa la yiri ,markii ay soo ansaxiyeen labada gole ee kala ah ,(1)golaha baarlamanka & golaha deegaanku , una soo gudbiyeen ,gola odayaasha guurtida si ay iyaguna u sii ansaxiyaan una ogolaadaan ,balse nasiib daro ,bishii november,2008,ayey kootadii samada kulaalen golaha guurtida ,oo ay diideen ,halkaasna cidi kameysoo qaadiin , balse u jeedadu waxey aheyd uun in siddii beesha gabooye looga saari laha beesha uun naloo tusaayey <waxna ha u qaban qawdana ma qashii>

ficilada & dhaqanada aan sharci diin & mid bini aadanimo toona ku saleysneyn ayaa ah kuwa lagu fogeynayo beeshan dhan ee gabooye, taasoo ah mid laga takooro bulshada kale lagana quursado lagana heyb -soocdo umadakale ,sababtoo ah hadaan aniga gaar ley faquuqeynin maxaa xaqeyga & xaquuqdeyda loo duusiya maalin & habeen, ama leygu tix galiin laayahey sida loogu tix galinaayo umada ila midka ah ,

anagoo waxaasoo dhiba qabna xaqayaga & xaquuqdayadan la duusinayo ayaa waxaa nala xasuustaa ,maalinta nloo bahanyahey ee ay dantooda nalaga wato ,masuuliyiinta & madaxda & musharaxiintuba waxey na xasuustan oo ay naga dhaadhiciyaan inaanu nahey umad xaq & xaquuq ku leh dalka iyadoo ay umadaya ku mariin habaabiyan balan qado aan sal & raad toona laheyn si ay u hantaan codka beesha gabooye ,taasna micnaheedu waa , awrka halagu kacsado oo kaliya ,

waxaa kaloo nasiib daro ah : ,masuuliyiinta & madaxda dowlad jsld iney caadeysteen iney ka
dhadhiciyaan ,aduun weynaha & umadaha ay danaha ka leehyihiin ,iney dalka jsld ku mamulaan ,habka dimuqraadiyada cadaalada & sinaanta aadamiga ,been abuurna ka sameeya beesha gabooye iney siiyaan xaqa & xaquuqda ay dalka kuleehyihiin ,kana tirsanyihiiin dhamaan waaxyaha wasaaradaha maamulka ilaa golayaasha ay kuwada jiraan , taasna aanu warbixin fiican ka bixiney una cadeyney inaan wax xaq& xaquuqaba kulaheyn jsld , ayna u xilsarteen xubno gara oo u soo hubiya ,hadana qaarkoodba ay warbixino ka heleen cadeynaya ,inaanu ka maqanahey xaquuqdayaduna ay nagaba maqantahey ,

dibu dhaca ku habsadey bulshadan beesha gabooye ee ah ,xag dhaqaali dari & xaq aqoon dari 7 xag horumar alaaneed ee ay ka soo kaban weydey ayaa ah midey ma suuliyadeeda dusha ay ka sarantahey ,madaxweyne daahir riyale & maamulkiisa & masuuliyiintiisa ,& gudoomiyaha galaha guurtigaba , sababtoo ah umadan xaqooda & xaquuqdooda & wax qabadkoodaba waxaa ka masuula lagalana xisaabtamidoonaa ,waa iyaga ,waxaana imaandoonta maalin aan manta aheyn oo aan loo eegeynin ,adigaa mudnaanta mudan oo gob ajiya ah & adigaa laan dhere ah ,balse lagu kal sareyn doono ,maalintas allah ,sw, hortiisa la joogo ,sida xaqa allah loogu camal falo & taqwada allah oo kaliya ,

hadaba walalayaal akhristoow miyaaney halkas inooga muuqan in ay qabweyn ka qaateen madaxda & masuuliyiinta ilahey umada ugu dhiibey xilkaas , takoorka & quursiga dulmiga lagu hayo beeshan ee gaarka umada kuwa uga saarey ee ka heyb-soocay sow maahan kuwaas madaxda & masuulka inaga ah ,halkaasna sow inaagama muuqato dulmi & takoor hey-sooc oo aan loola kala hadhiin umadan walaladiina ee dulmanaha la quursadey ee beesha gabooye ,

guntii & gabagabeyntii waxaan baaqan u diraya , inta damiir islaanimo leeh ,inta damiir bini aadanimo leeh & inta damiir dadnimo leeh iney ka hadlaan xaqdaradan loogeysanayo beeshan dhan lagana duusiyaayo , xaqa & xaquuqdey lahaayeen ,iney ilahey dartii uga hadlaan ,

waxaan kaloon ku baraarajinayaa beesha gabooye iney ku tusaale qaataan ,dowladii boqolalka sanadood xaqireysey umada madow ee mareykanka inuu manta ka taliyo ninkii adoonka lagu yasaayey ,mudanyaheyna ineynu ku dayano oo aynu fadhiga ka kacno kuna doonano si alaale & siddii aynu ku helilaheyn xaquuqdeena & tixgalliinta sharafteena & karaamadeena ,kuna dadaalno siddii aynu umadeena aayaheeda ugu taliin laheyn ,(maalintan madowna ) uga bixi laheyn ,ubadkana kula dadaalno xaga waxbarashada & horumariinta aqoonta ,waxaanan idiin rajeynaya guul & gobanimo taama ,

la soco qeybaha danbe ee taxanaha ah barnaamijikii( Maxan ku muteystey heyb-sooca) dood furan .
 


Wabilaahi towfiiq.

 

 

 

Barkhad Xaaji Cabdi , Mr Gaboye
abokoriye1@hotmail.com
mrgaboye@hotmail.com