Fanaankii weynaa,Boqrkii codka macaanaa,Maxamed Saleebaan Tubeec,oo xaalad caafmaad daro la soo daristay,in la soo caawiyana u baahan
 


Germany (TNN):- Boqorkii codka macaanaa,fanaankii weynaa, Maxamed Saleebaan Tubeec, ayaa xaalad caafimaad daro la soo gudboonaatey,lana dhigay Cisbitaal ku yaala Magaalada Müchen ee Dalka Jarmalka.

Warka ay na soo gaadhsiyeen dad ehelkiisa ah , waxaa Maxamed Saleebaan Tubeec, laga yaabaa inuu qaliin u baahdo haddii caafimaadkiisu ka soo rayn waayo.Ehelada fanaanka wa xay codsadeen in fanaanka laga soo caawiyo dhaqaalaha ku baxaya cusbitaalka si loola taca alo xaaladiisa caafimaad.

Dhammaan umadda Somaliyeed,meel kasta oo ay joogaanba,waxaan ka codsanaynaa inay Ilaahay dartii ugu soo gurmadaan ,una soo caawiyaan walaalkeen,fannaankii qaaliga ahaa, Boqorkii codka ,Maxamed Saleebaan Tubaac,oo maanta xauun u jiifa.

Wixii caawimo ah waxaa loogu hagaajin karaa Xawaaladaha Somaliyeed ee ka furan magaala da Müchen ee Dalka Jarmalka,wixii faah faahin ahna , kala xidhiidha:



Isbitaalka Barmherzige Bruder
Rengensburg Wadada Prüfeninger 86
93049 Rengersburg Germany

Maxamed Saleebaan Tubeec
Telephone:004915219220602


Mustafe Maxamed Saleebaan Tubeec
Telephone:004915219220593.

 

 

Dhamaan Bahda Timacad News meel kast oo ay joogaanba,waxay fanaanka Maxamed Sale ebaan Tubeec iyo qof kast oo xaalad caafimad darro u jiifaba,Allaha awooda leh uga barya yaan inuu caafimaad buuxa siiyo,xanuunkana ka dul qaado,aamiin.

 


Timacade News Desk
Müchen, Germany