Holland: Maxkamad ka garnaqday eedaymo dh exyaal wariye iyo hay'adaha sirdoonka iyo dabagalka ee dalkan Holland !

 

News: Gar qofkii leh ayaa la siiyaa !

Holland (Longlivesomaliland News)-Waxa beryahanba dalka Holland  warar ku ay si is daba jooga ah u soo tabinayeen eedaymo la isku soo oogay oo u  dh axa ya Jariirad maalinle ah, oo ka mid ah kuwa ugu af-dheer ee dalkan   Holl and ka soo baxa magaceedana la yidhaa De telegraaf, iyo hay' adaha  sirdo onka iyo dabagalka ee dalkan boqortooyada ah ee Holland oo  maga cooda la yidhaa ( A.I.V.D ), eedaymahaasi oo soo bilaabamay ka dib markii ay  jariir adan De- Telegraad soo qortay maqaalo (xogo) xanbaarsan arimo xasaasi ah oo ka soo muusay ( habay) dhanka sirdoonka iyo dabagalka  dal kan, xog ahaasi oo ay hayadaha sirdoonka ahi ku sheegeen inay yihiin qaar aanay ahayn in la soo bandhigo , waayo? waa qaae wax u dhimi kara  naba da iyo deganaanshaha dalkan ayaa ay yidhaahdeen.

Hayadaha Sirdoonka iyo dabagalka Holland ( A.I.V.D ) ayaa iyagana waxa lagu eedeeyay inay dhankooda ka qaadeen talaabo ay guud ahaan bahda war-is-gaadhsiintu aad uga kaceen oo uga dagaalameen, oo ah in ay  Telfo onada qaar ka mid ah wariyayaasha De-Telegaraaf iyo dad kale oo ay ka mid yihiin, ilaha loo aanaynayo inay warkan soo tabiyeen dhagaystaan,  taa soo ay hayadaha dabagalka iyo sirdoonku telefanada qofka leh oon ogayn duwadaan oo ay xogtiisa la wadaagaan!.isku dhacaasi waxay  keen tay in la isla tiigsado xeerka dadka kala haga iyo garsoorka oo bahda warbaahintu ay arintii maxkamad gayso, iyaga oo ku eedaynaya qolada sirdoonka iyo dabagalku ( A. I. V. D) inay xadkoodii ka talaabeen, oo ay faragaliyeen  wax na u dhimeen xoriyadii qofka iyo saxaafaduba ay lahaayeen, halka qolada sirdoonka iyo dabaglakuna ay iksu difaacayaan inay shaqadooda uun  qabs anayaan! iyaga oo arintana ka eegaya xaga aminga.

Hadaba maanta ayaa ay maxkamadii arinta gacanta ku haysay soo saartay go' aankeedii, oo ay gartii ku siisay guud ahaan bahdii war-is-gaadhsiinta, gaar ahaana, wariyayaashii u shaqaynayay jariirada De-Telegaraaf iyo  da dkii kale, ee hayadaha sirdoonku telefoonadooda qalabka wax lagu  dhagay sto ku xidheen, waxana maxkamadu ay u sheegtay qolada sirdoonka iyo dabagalku ( A.I.V.D ) inay ku gardaraayeen inay talaabadaasi qaadaan, imikana waxay fartay in xogahii ay hore u duubeen inaany wax/ si kale u adeegsan ee ay halkaa ku joojiyaan, waxa kale oo maxkamadu sii raacisay in xeerka saxaafadu uu wariyaha iyo dadka kale ( ilaha wararka uu  wariyu hu ka helay) ee lala eedeeynayoba difaacayo. Waxay qolyahii sirdoonka iyo dabagalku iyaguna dhankooda ka sheegeen inaanay ku qanacsanayn go' aanka ay maxkamadu riday, ee ay garnaqsi kale ka qabaan oo ay  maxka mad tan ka saraysa arinta gayn doontaan.

F.G: Waxan sheekadan u soo gudbiyay in aad akhristoow la socoto sida loo kala garbaxayo aduunka aan ku noolnahay, ee dadku iyagaoon is  xidhxidhi n, isna jidh dilin, laaluushna iska qaadan, wax kale oo dhib ahna isku  gaysa n, geedka hostiisa ( Maxkamada ) loogu kala gaarbaxayo...................... Bal dacwada tan la mid ah ee lagu haysto Wariyayaasha Horyaal iyo Cable TV ee Somaliland-na hadaba yara milicso oo is bar bar dhiga labada !!!.


Somaliland ha jirto oo ha joogto.

 

 


Cali Cumar Xasan
( Self styled Jrnlst).
afraad_4@hotmail.com