“Maxkamadda waa la iiga yeedhay, tegina maayo oo….” Waraysi Xoghayaha UDUB

 

 

 

Hargeysa (TNN)-Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa faahfaahin ka bixiyay dacwad loo haysto oo kaga furan Maxkamadda gobolka Hargeysa.

Xoghayaha oo uu xalay waraysi gaar ah la yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in yeedhmo u taalo Maxkamadda, balse aanu tegaynin, maadaama sida uu sheegay dacwadu la xidhiidho dayn aanu shaqsi u gelin oo lagu leeyahay xisbiga dhowaan talada wareejiyay ee UDUB. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay in dacwada loo haysto sida uu sheegay arrimo siyaasadeed ku lug leeyihiin, waxa uu u dhacay sidan;

S: Xoghaye warbaahinta qaarkeed waxay qoreen in warqad yeedhmo ah laguu keenay, arrintaa maxaa ka jira?

J: Arrintaasi way isoo gaadhay, si khalad ahna way u baxday. Waxaad mooda Garsoorki iyo siyaasadiina inay isku milmeen, ninkana qalab guri iyo koofiyado uu xisbigu ka iibsaday amaahiyay ayuu ahaa, nidaamkii lagu bixinayey lacagtiisana waa lagu jiray, markaa waxaad moodaa meel laga soo daarayba inay farsamooyin dahsooni meesha ku jiraan.


S: Xoghaye warqadani markay ku soo gaadhay maxay ku faraysaa?

J: Wax warqad ah oo isoo gaadhay ma jiraan jaraa’idka ayuun baan saaka (shalay) ku arkay….Laakiin haddii uu Garsooruhu arrimahaa sumcad dilka ah uu noqdo ka ugu horeeya ee durbaanka u garaacaya isagoo xaakinkii ah, wax labadii dhinac iskaga horyimaadeen oo ay ku garameena aanay jirin taa qudheeda ayaa khalad ah.


S: Adigu maalinna ma tagtay Maxkamada?

J: Maya, maan tagin ilaa hadda, laba goor oo hore ayaa warqad la keenay, markaa ninkii haws ha watay ayaa yidhi waan kala soo noqday labada jeerba imikana meel laga daba maroojiyey iyo wax ku kiciyey war iyo wacaal kama hayo. Laakiin kolayba imika way timi garoonkii, waxana wax shaqsi ahaan la igu leeyahay maaha ee waxa weeyaan wax uu xisbiga ku leeyahay qaantaa iyada ah, taana qareen baa laga leeyahay oo qareenka xisbiga ayuun baa loo dhiibi doonaa hadduu dacwada ka jeclaaday nidaamkii dayntiisa lagu bixinayey.


S: Idinku ma Qareen baad u qabateen dacwadan?

J: Qareen buu xisbigu leeyahay oo qareenkaasaa arrinta la wareegaya wixii barri ka dambeeya.


S: Markaa Arbacada Maxkamada ayaad tagaysaa miyaa?

J: Maxkamada waa la iiga yeedhay, qareenka ayaana hawshaa qaabilsan.

 

S: Laakiin, adigu tagi maysid?

J: Aniga barri (maanta) sagaalka (9:00 AM) ayaa la yidhi waa lagaa rabaa halkaa, laakiin tegi maayo.

S: Markaad leedahay warqadi imay soo gaadhin, haddana subaxnimada ayaa la ii yeedhay ma telefoon baa laguu soo diray?

J: Saaka (shalay) aroortii ayaan telefoon ka helay Taliyaha saldhiga dhexe ee Booliska…


S: Xoghaye maxaa ku jaban haddii aad subaxnimada tagto oo ka sheegto waxaad ku andacoonayso?

J: Ninkani xisbiga alaab ayuu dayn ahaan uga iibiyay, cid dafirsanina ma jirto, nidaamkii lagu bixinayey ayuu imika xisbigu ku guda jiray, markaa danta kale ee uu leeyahay ee keliftay inuu halkaa tago oo uu ku fasaxo jaraa’idka isaga ayaa og.

S: Daynta maxaad ku gasheen ee aad ka qaadateen ninka dacwada kuu haysta?

J: Waxa laga qaaday koofiyadihii caddaa ee calaamada xisbiga lahaa.


S: Waa imisa dayntu?
J: Waa shan iyo soddon kun iyo dhawr boqol isugaynta daynta uu leeyahay waa qalabaynta saddex guri iyo koofiyadahaa, waxayna isla noqonaysaa $35,727 doolar, markaa wax dafiraad ahina kama joogto, waana la bixinayey, markaa isaga ayaa ka doorbiday dariiqadaa inuu maro, arrintuna waa mid madani ah.


S: Sida aad sheegayso mar haddii ay arrin madani ah tahay adigu inaad tagto oo aad tidhaa daynta xisbigu sidan ayuu ku galay maxaa ku jaban?
J: Qoraal baan u gudbinayey aan leeyahay waxani wax aan shaqsi ahaan u qaatay inaanay ahayn ee ay tahay dayn xisbiga lagu leeyahay.


S: Adigaaba lagu dacwaynayaaye inay hogaanka xisbigu, sida guddoomiyaha ama guddoomiye kuxigeenku inay qoraal u qoraan maxkamada miyaanay ku qurux badnayn?
J: Waxaan aad iyo aad ula yaabanahay haddii ninkan wax soo dacweeyey waraaqihii lagaga iibsaday ee lagala wareegay ayuu haystaa, haddii uu maxkamada qoraaladii gaadhsiiyey haddaanay u jeedo kale ka lahayn ninka garsooraha ahi dee wuxuu arki lahaa in heshiis wax lagu kala iibsaday oo ganacsadaha iyo xisbiga dhexmareen saxeexii, shaambadii iyo nidaamkii xisbiga oo dhamina way ku dhan yihiin, markaa sida uu aniga iigu yeedhay ee uu ugu yeedhi waayey xisbigii ee uu arrintii mid shaqsiya uu ka dhigay taa qudheeda ayey fari ku godan tahay u jeedada gaarka ah ee laga qabo.


S: Markaa arrinta waa la siyaasadaynayaa ayaad leedahay ee yaa siyaasadaynaya?
J: Waxaan anigu isleeyahay arrintaa uu ninkaa ku kacay garsooraha ahi ee Cali Suudi Xirsi waa wax gaar u ah oo sumcad dilid ah baa ku jiray oo ka baxsan xayndaabka sharciga, madaxdiisaananu iska arki doonaa.


S: Ma waxaad leedahay xukuumaddaa adeegsanaysa oo ah xisbigii aad hore isu hayseen?
J: Horta Soomaalidu dhaqan hoosaad ayey leedahay yaab ah, hayb hayb iyo wax bay sheeg sheegtaa, nin aan isleeyahay wuxuu u badan yahay maamulkan cusub ayey u janjeedhaa arrintu oo aan anigu qabaa inuu yahay kan wax qalqloociyey. Markaa meel uu ka daaran yahay anigu garan maayo isagu ku kacyaa gaar ahaan iyo meel kale laga so basbaaseeyaaba, waa waxaynu arki doono insha Allaah, balse waxay ila tahay haddii uu xadgudub sameeyay ninkaa xaakimka ahi madaxdiisana waa loo sheegi doonaa, waana la iska celin doonaa.


S: Kuwa aad uga shaki qab ee aad leedahay way isku xidhan yihiin ee xisbiga talada haya ah iyaga ma kala hadlaysaa oo ma odhanaysaa arrintaa ma ku lug leedihiin?
J: Maya, ninkani madax buu leeyahay, madaxduna kala dambayn bay leedahay, xuduudo ayay kala leedahay, nin walba awoodiisu ku xadidan tahay, inuu ku xadgudbay awoodiisii wixii talaabo ah ee ku haboona markaasaa la qaadi doonaa.

Source: Wargayska Ogaal