MINDIYO QARSOON

 

 


RAMADAAN KARIIM

Waxaad moodaa in qorsheyaal qarsoona innagu soo fool leeyihiin,kuwaas oo dadka intiisa badani moog yihiin amse ayna xogba ka hayn.

Si kasta arrintu ha ahaatee waxa cad ama aan caad ka saarayn inta arrimaha laanta  (SOMALINA ND) u dhuun dalooshaa ay fahmi karaan sida wax u jiraan ama halka xaal marayo.

Haddaan inyar ka iftiimiyo ama is dul taago arrimaha taagan ama wakhti (ammin) dhow la filan ka ro waxa ka mid ah Muranka Jaarka (Itoobiya) , booqashada Faroole ee Buuro Wadal,Qoraalka  Oil price, booqashada Wasiirka Arrimaha Debedda Itoobiya ee Jabuuti iyo Kulanka Qarsoodiga ah ee RIYAALE IYO CIRRO ku joogaan Markabka Guudkiisa.

Waxa iyana xusid mudan sida aynu mashquul ugu noqonay magacaabista xilalka Dawladda cusub o o beelo badani ka biyo diideen,iyagoo tirsaday in laga tegay ama aan cadkoodii la siin,arrinkaas oo keenay shirar hoosaad aan xilligan dani inoogu jirin.

Isku soo wada duuboo haddaan daymo loo yeelan wada jirna looga hor tegin waxa innagu iman ka ra khataro kuwan ka fog.

Haddaba akhriste arrinku miyaanu u muuqan MINDIYO QARSOON iyo innagoo weli murankeenu yah ay Xil doon,Xero adhi (Maxjar) iyo Xadhkaha Isgaadhsiinta ee Badda hoos mara,bal iyana cabbir haddaynu Batrool iyo Macdano qaali ah la soo baxno waxa iman kara.

Waxaa ku soo khatimayaa qoraalkaygan immisa qof oon u dhalan Dalka ayaa Somaliland ku sugan maanta,maxaase iman kara mustaqbalka haddaan si mug leh wax looga qaban.

Lifaaq:
Akhriste bal dhugo (eeg) qoraalda halkan ku lifaaqan

Allaa Mahad Leh,
 


Viva Somaliland
 


http://www.allpuntland.com/article/anmviewer.asp?a=8610&z=2



http://oilprice.com/Geo-Politics/Africa/Energy-and-Security-Issues-in-the-Red-Sea-Transforming-as-the-Age-of-Gas-Begins-in-Earnest.html

 

 

 

Eng.Ahmed Ali Ainabo
Ainabo Somaliland