M.Diridhaba
Ma Yaqaanaa “Plagarism”wuxu yahay Mise Beent Ayay Ugu baxdaa?
1. Hordhac
Qoraalkan runtii maan jeclayn inaan qoro lakiin waxa igu kalifay
laba arrimood:
1. Diridhaba oo qadarrin waayay
waxgaradka iyo waayeelka umadeena isagoo geed dheer iyo ku gaaban ba
u fuulay sidii uu u ceebayn lahaa, waxgardkaa iyaga ah, waxaana ka
mid ah Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Chief-of –Cabinet
Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Ma daxweynaha Jabuuti Ismail Cumar
Geele.
2. Diridhaba oo ugu talagalay
qoraaladiisa inuu caamada ku jahwareeriyo isagoo adeegsana ya
run badhxan iyo been cad labadaba.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa kaadi badane waa loo gogol badiyaa,
siiba haduu yahay nin aad is xigtiin oo waliba run ahaantii aan iska
wada xigno mas’uuliyiinta kor ku xusan abti rsiin ahaan se
dameerahayagu is gayin garasho ahaan waa sida dadka qaar hadalka u
dig ee. Wax waliba dulqaadkeeda ayuu leeyahay dadkana mar iyo lababa
waa loo dulqaataa sii ba haduu dadka cafis ka dalbado. Isla
sababtaa awgeed ayaan u arkaa in Haatuf laftigeeda la aqbalo cafiska
ay ka dalbatay muwaadiniintii ka xumaaday qoraalkeeda oo ahaa
meel ka dhac aan kala hanwaynaa nin mujaahid ahaa oo si dulmiya
isaga dawladii hore u xidhay. Dawladana ma lihi yaan la dhaleecayn
ee lakiin wax waliba hab ku haboon ayuu leeyahay oo aan sharafta ku
seejinayn. Runina waa rag kama rays oo
ninkii gafaba waa in tubta saxda ah lagu ridaa, sidaa awgeed
qoraalkan waxaan ku lafa gurri doonaa meel ka dhacaa
Maxam ed Cabdi Xasan oo Diridhaba loo
yaqaan gaystay.
2. Xatooyo Qoraal (Plagiarism):
Akhristiyaal xatooyo qoraal waa inaad sheegatid qoraal uu qof kale
qoray adigoon cadayn meeshaad ka soo min-guurisay. Tusaale ahaan “Plagirism”
macnaheeda hadaan afka qalaad idiinku sheego anoo waliba soo min-guurinaya
isticmaalayana habka saxda ah wax weeyaan:
“the wrongful appropriation, close imitation, or purloining and
publication, of another auth or’s language, thoughts, ideas,
or expressions, and the representation of them as one’s own original
work” [1]
Marka lasoo gaabiyo waa sheegashada fikradaha iyo qoraalada qof kale
leeyahay adigoo ku andacoonaya amaba dadka tusaya inaad garshadaad
ka keentay.
Hadaba marka qof kale qoraalkiisa la sheeganayo sidaad tusaalaha aad
ku aragteen ayaa “quotes” lagaliyaa oo
meesheey ka timidna la xusaa, Lamabar [1] ayaa kuu sheegaya qoraal
kaa xagaan ka keenay oo ah mareegta loo yaqaa
Wikipedia.
Qoraal af ingriis ku qoran oo uu Diridhaba
15kii Ogast (August) soo galiyay
mareegta Hadw anaagnews ayaan akhriyey,
qoraalka ujeedadiisu iska dulmar bay ahayd “generic” waxaan an
dareemay markiiba ina aanu ahayn qoraal wakhti la galiyey oo meel
muuqata abbaaraya. Ardayda aan anigu wax u dhigo ayaan tanoo kale ka
gartaa “reports-ka” ay soo diyaariyaan waana wax si fudud loo fahmi
karo.
3. Caddayntii Xatooyada Qoraal
Qoraalka Diridhaba qoray cinwaankiisu
wuxu ahaa “The
Cure Of the corruption In Somaliland”.
Qoraalkan gabi ahaan
wuxu ka soo min-guuriyey mareegta Wikipedia
isagoo iska dhigaya inuu isagu qoray oo
uu garashadiisa ka keenay. Qoraalkaa isag ah xagan ayaad ka daalacan
kartaa :
http://www.hadhwanaag.com/detail.asp?id=17924
Xatooyadaa qoraal dhowr tusaale ayaynu ka soo qaadan doonnaa:
“Corruption undermines economic development by generating
considerable distortions and inefficiency. In the private sector,
corruption increases the cost of business through the price of
illicit payments themselves, the management cost of negotiating with
officials, and the risk of breached agreements or detection.
Although some claim corruption reduces costs by cutting red tape,
the availability of bribes can also induce officials to contrive new
rules and delays. Openly removing costly and lengthy regulations are
better than covertly allowing them to be bypassed by using bribes.
Where corruption inflates the cost of business, it also distorts the
playing field, shielding firms with connections from competition and
thereby sustaining inefficient firms.
Corruption also generates economic distortions in the public sector
by diverting public investment into capital projects where bribes
and kickbacks are more plentiful. Officials may increase the
technical complexity of public sector projects to conceal or pave
the way for such dealings, thus further distorting investment.
Corruption also lowers compliance with construction, environmental,
or other regulations, reduces the quality of government services and
infrastructure, and increases budgetary pressures on government. “
Qaybtaan aynu ka soo xiganay qoraalkiisa gabi
ahaan wuxuu kala soo wareegay safxadaha
wikipedia (http://en.wikipedia.org/wiki/Political_corruption)
qaybta cinwaakeedu yahay “Economic effects”.
Waxa ugu daran isagoo xitaa dhaafi waayay inuu ku darsado comment
gaaban oo uu nin da lka Sierra leone ee
afrika u dhashay uu mareegta BBC–da
ku qoray isagoo xitaa iskaga dars ady maahmaah
afrikaan ah oo uu ninkaas ku
halqabsanayey.
Qoraalkiisu gabi ahaan waa wax la soo xaday
in yar oo dhawr line ah oo uu isagu isku dayey inuu qorana waa wax
aan u qalmin in la akhriyo waayo micnihii ayaa lumaya qofku hadaanu
afka uu isleeyahay ku qor aanu
aqoon u laheyn.
Hadaba iska daa nin saxafi sheeganaya ee ardayga lagu qabto danbigan
oo kale coursework-ga amaba Project-ka loo diray waa waxba
kama jiraan, module-ka maadadaa uu dhiganayana eberbaa la siiyaa
gudi sare oo arintiisa ka arimisana waa loo saaraa.
4. Xilka “Cheif-of-Cabinet”
Diridhaba wuxu sheegay inuu si
cilmiyeysan u soo baadhay [2] arrintaa iyada ah, waxaanu ku
andacooday in dalka Japan oo qudhii
leeyahay Chief of Cabinet.Diridhaba waxa uu xilkan ku macneeyay inuu
yahay Horgalaha-Golaha Wasiirada iyo Raysal-Wasaare kuna tilmaamay
xil dastuurka ku lidi ah. Muu sheegin meesha uu warkaa kala imid,
waxa ku waajib ahaa inuu “reference”
bixiyo taana wuu seegay oo waxay muujinasa inuu yasayo garashado
akhristiya asha isla markaana isku markhaati furaya
garasho yari.
Ujeedadiisu runtii waa inuu umada shaki ku dhex tuuro isagoo
isku eekaysiinaya
qof dal jecel oo daacad ah.
Macnayaasha kale ee uu ka heli lahaa isla mareegta
wikipedia oo uu badiba ka soo xado
qor aalada waxa weeyaan “primary aid to an
important individual, such as a President” amaba ah
kalkaaliyaha ugu muhiimsan ee hoos yimaada qof ahmiyad wayn leh sida
Madaxweyne. Waxa kaluu ogaan uga dafiray inuu
Mareykanku leeyahay “Chief of Cabinet”
kaasoo ah Rah m Emanuel ahna ninkii ugu
horeeyay madaxdii uu soo doortay Madaxweynaha mareykanku
Barack Obama markuu uu xilka la
wareegay. Xilkani wa mid “fluid” ah waana mid is badbadala waxaanu
ku xidhanyahy kolba xukuumada joogta, shaqooykiisuna maareeyn iyo la
talin lab adaba way leedahay. Xagaa waxa ka cad in dawlada
Somaliland aanay ku khaldanayn Maga caabista
Xirsi loo magacaabay jagadaa iyada ah
enagoo adeegsana hab maamul “Presidential
System of Governance” oo ka Mareykanka la mid ah. Markaa
intaan lagu andacoon hab maamul oo cusub ayaa la yagleelayaa waa
inaad wax waliba sida ay yihiin u sheegtid
5. Gunaanad
Guntii iyo gabagabadii walaalkay Diridhaba
anigoon ku talax tageeyn dhaafayana wax yaaba kale oo uu
been ka sheego waxaan u soo jeedin
lahaa inuu munaafaqada iyo jahwareerka umad ka
daayo. Waxaan u sheegaya isaga iyo kuwa la midka ahba in
dawladan umada Som aliland guud ahaan iyo shacabka reer Hargeysi
gaar ahaan ay kaalin wayn ka qaateen door ashadeedii oo aanay
ogalaan doonin deel qaafka iyo beenta
aad la dhex wareegsiin, gaadh baa la idinka haynaya manta laga
bilaabo ee gaa-gaabsada.
Guul Iyo Gobonimo Somaliland.
Khadar Cali
Shabeel.
London |
Xigasho:
[1] http://en.wikipedia.org/wiki/Plagiarism
[2] http://oodweynenews.com/articles/7919-waa-maxay-chief-of-cabinet-cilmiyan-muxuu-masuul-ka-yahay-chief-of-cabinetdastuurku-muxuu-ka-qaba-ma-mansab-siyaasadeedba-mise-waa-mansab-maamul-yaa-isticmaala-chief-of-cabinet-qallinkii-mohamed-2.html
|