Mudane Jamaal Cali Xuseenow iminka maaha ee
inyar maad sugtid.

 

 

Salaan Timacade News ...Marka hore aad baan ku salamayaa mudane aqoon yahan Jamaal Cali Xus een , waxaan xaqiiqdii ka mid ahay taageerayashaada dhalinyarada ah ee aaminsan in aad maru un noqon dooonto hogasamiyaha somaliland ee mustaqbalka. Intaa ka dib waxaan inyar talo fikirk eyga ah ka dhiiban lahaa orodka aad u carareyso in aad noqoto musharax xisbiga udub ah.



Waxaad la socotaa jamaalow in wadankeynan yar ee somaliland oo wax waliba bilow yihiin oo gabi giisuba ku shaqeeyo wax aan ugu yeedhay xeer jab jab , naasnuujin, habrasho , qabyaalad, maam ul xumo intaasoo dhan marka la isku geeyo hogaamiyaha wanaagsani wuxuu ka qaadaa maskax fa luuq iyo dhiig kar . Systemka Somaliland ay ku shaqeyso maanta waxaa ka bixi kara uun nin 30 kii sano ee u danbeeyey ku noolaa wadanka gudihiisa oo afyaqaana sida odayada iyo beelaha loola h adlo , markaa Jamaalow waxaad tahay aqoon yahan dhalinyar ah , fresh ah, daacad ah sidaa dar aadeed maanta kuma haboonid madaxweyne somaliland ,( farkaliya fool ma dhaqdo) Jamaalow w axaad ku hafaneysaa Beenta, Qabyaalada, Beelaha, Musuqmaasuqa madaxdeena iyo shaqaalahee na sida ay wax u wadaan intaasoo dhan marka la isku geeyo ayaad ka qaadi doontaa dawakhaad iyo fajac.



Jamaalow adigu waxaad ku fiican tahay inaad mawadaxweyne ka noqoto ama raiisal wasaare wa dan sida sweden ama Norway oo kale ah oo wax waliba nidaam iyo waqti ku shaqeeyaana musuq maasuqna zero ka ah kolay taasi suurta gal maaha ee tusaale un baan uga jeedaa , Markaa muda ne Jamaal waxaan ku odhan lahaa madaama dhalinyaro aad tahay in aad iska sugto ilaa 5 ama 10 sano oo danbe waan hubaa xaqiiqdii in somaliland is badal kan dhaama gaadhi doonto xiligaa adi guna aad la jaan qaadi doonto. Laakiin IMINKA MAAHA WAQTIGII JAMAAL IYO MID LA MID AH.
 

 

 

 

H. A. Elmi
axyaa_wadani@live.se