“Mudanuhu waxa uu Golaha ku fadhiyaa codkii xisbigu keenay oo meelna ulama guuri karo”Muuse Biixi
 




Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay soo dh awaynayaan kaabista iyo wax ka bedelka lagu sameeyay xeerka doorashada Goleyaasha Deegaa nka ee Xeer No: 20/2001 kaas oo saamaxaya in doorashada dawladaha hoose ay isu soo taagi k araan dhalinyarada 25 jirka ahi.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu ku baaqay in la cadeeyo qodobo ku jiray wax ka bedel lagu sameeay xeerka nidaamka ururada siyaasada oo dhawaan aqalka wakiiladu ansixiyeen.

Md. Muuse Biixi wuxuu sidaasi ku sheegay war saxaafadeed uu maanta soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Xisbiga KULMIYE wuxuu soo dhoweynayaa labada go’aan ee golaha wakiiladu qaatay eek ala ah aa da’da murashaxiinta dawladaha hoose ee hoos loo dhigay iyo murashaxiinta dawladaha hoose oo toos u tartamaya.

Xisbiga KULMIYE, xukuumadiisa iyo xildhibaanadiisa wakiiladu dedaal badan ka dib waxa hirgelay ballan-qaadkiisii ahaa in dhallinyarada fursad loo siiyo in ay ka qayb qaataan hogaaminta dalka.

Sida aynu ognahay barnaamijka ololaha xisbiga kULMIYE waa uu ballan qaaday in da’da 35 sanno ah laga dhigo 25 sanno, dedaal badan ayaanay xisbiga KULMIYE , xukuumadiisa iyo xildhibaanadiisuba u galeen sidii arrintaasi meel mar u noqon lahayd, maantana ad banu u soo dhoweyneynaa go’aanka golaha ka soo baxay.

Dhallinyarada waxaanu u aragnaa in ay yihiin hogaamiyeyaasha berri iyo xooga maanta. Sidaa daraadeed ay waajib tahay in lagu barbaariyo hogaanka dalka.

Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisa waxa kale oo ay hore u fuliyeen balan-qaadkii furista ururada siyaasada, taasina waxay in xukuumada iyo xisbiga kULMIYE in ay hirgelinayso barnaamijka xisbiga lagu doortay, waxa kale oo ay muujinaysaa dimuquraadiyada iyo tallo wadaaga dalka lagu hogaaminayo.

Xisbiga KULMIYE waxa uu dedaal ugu jiraaa sidii haweenka iyo dadka la hayb sooco loo xoojin lahaa qayb-galkooda goleyaasha Qaranka.

Dhinaca kale, kaabista golaha wakiilada ku sameeyey xeer 14/2011, qodobka 25aad faqradiisa 3aad ee dhigaya.. mar kasta oo la furaayo tartanka siyaasadeed ee G/deegaanka mudanaha ka tirsan golaha wakiilada ama goleyaasha deegaanka waxa u bannaan inuu furan karo urur siyaasadeed cusub ama uu ka bixi karo Urur/xisbi siyaasadeed ee uu doono.

Weedhan kaabida ahi waxay saamaynaysaa nuxurka dimuquraadiyada, habka doorashada iyo nabad geliyada guud ee dalka.

Habka aynu wax u dooranaa waa “proportional representation system” macnuhuna waxay tahay dadku waxay u codaynayaan xisbinimada, marka xisbiyadu codka shacabka kala helaan ayey murashaxiintu xisbiga gudihiisa ku kala baxaan sida ay u kala cod badan yihiin xisbiga dhexdiisa. Halkaa waxa ka cad in ay murashaxiintu ku soo baxayaan cod xisbigu leeyahay, laakiin ma jiro mudanuhu cod uu gaar u leeyahay oo uu ku soo baxay.

Sidaa daraadeed, mudanuhu waxa uu golaha ku fadhiyaa codkii xisbiga keenay oo aanu meel kale ula guuri Karin. Isagu xisbiga waa uu ka bixi karaa qof ahaan, laakiin xildhibaanadu mar walba waxay ku hadhaysaa xisbiga.

Kaabida golaha ka soo baxday waa in ay arrintaa cadaysaa, si looga hor tago muran siyaasadee d iyo khilaaf dhibaato keena. Hadda sida ay ku soo baxday ma cadda in xilshibaanimadii ku hadha yso xisbiga. Waa in aanu xildhibaanna codkii dadku ay xisbiga siiyeen ula guuraan meel kale, taasi xaqdaro ayey ku noqonaysaa codbixiyeyaashii. Xisbiga KULMIYE wuxuu ku talinayaa in arrintaa wada tashi laga yeesho dhinacyada ay khusaysaa inta aanay majaraha sharci dhamaysan.”
 

 

Source:Somaliland.Org