Mujaahid Ibrahim Cabdilaahi (Dhagaweyne) Iyo Mujaahid Maxamed Ciise (Musbaar) oo London Soo Gaadhay‏

 

London,UK,  May 9,2011 (TNN)- Waxa caawa 7.30 fiidnimo ka soo degay Garoonka Caalamiga ah ee He athrow International ee cariga Ingiriiska gaar ahaan magaalada LondonMujaahid Cabdilahi Xuse en (D hagaweyne) iyo Mujaahid Ganacsade,Maxamed Ciise (Musbaar) ,waxa garoonka soo buux dh aafi y ey dadweyne ka- kala yimid London iyo aga’gaarkeeda,dadweynahii soo dhaweeyey oo isugu jirey Mujaahidiin,dhalinyaro,Haween iyo Odayaal.


Waftigan markii ay soo gaadheen madasha loogu talo galay inay dadku kusugaan waxa soo buux dhaafiyey dadweyne si qurux badan u soo labistay,galayna safaf dhaadheer oo dadkii kale ee aan ahayn Somaliland ay isweydiinayeen waxa ay yihiin dadkan sida quruxda badan lo soo dhaweynaa yo.

Waxa ay kula hadleen saxaafada iyo HCTV in ay aad ugu faraxsan yihiin sida quruxda badan ee loo soo dhaweeyey,waxa kale oo ay sheegeen madaxdu inay u yimaadeen arimo ku saabsan inay shac abka reer Somaliland ee dalkan degan kala qayb galaan munasabada 20 guuradii ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland iyo weliba banaanbax hawshisii la wado.Waxa kale oo ay la kulmi dona an shacabka reer Somaliland iyo madaxda dalkan Ingiriiskaba.

Intaas ka dib waxa loo qaaday Hotelkii ay degi lahaayeen oo aan wax badan ka fogeyn gagida diy aaraddaha ee Heathrow Airport, halkaas oo ay diraar ugu ahaayeen dadweyne kale oo fara badan

Waxa xaqiiqadii ah in lama huraan tahay in madaxda SNM oo ah ragii dalkan maanta Somaliland u so o halgamay had iyo jeer la xasuusnaado lana ogaado in ragaasi ay u adeegayeen una dhimaa naye en qaranimada Somaliland iyo dhibtii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Bare,waxaana muhiim ah in had iyo jeer madaxda SNM la soo dhaweeyo.



Hamse Axmed Salaan
London
hamse100@yahoo.com