Muj.Ibrahim Dhegoweyne iyo wafti uu hogaaminaayo oo SI WEYN lOOGU  soo dhaweeyay magaalada Sheffield

 

 

 Sheffield, UK (TNN)-  Waxaa maanta magaalad Sheffield booqasho ku yimid labada Mujaahid ee ka la ah Muj: Ibraahim C/lahi Xuseen (Dhegaweyne ) iyo Muj: Maxamed Ciise Cilmi (Musbaar) labada Mujaahid oo beryahanba hawlo shaqo ku joogaya dalkan Ingriiska ayaa waxay booqashadoodu ay qayb ka ahayd dabaal degyadii 20 Guuradii gooni isu taaga Somaliland iyo 22guuradii 27may oo ku beegan soo gelitaankii Jabhadii SNM ay xukunka kaga tuureen daaquudkii Siyaad Bare munaasabad ahaas oo lagu qabtay dhamaan caro ede dunida dacaladeeda .Hadaba kulan kan oo ay soo qaban qaabiyeen Jahliyada Somaliland ee magaaladan Sheffeild taas oo ay ka dhexe muuqdeen qaarka mid ah mujaahidiintii SNM oo ku nool magaladan Sheffeild waa Muj: Maxamud Salaxan iyo Muj: Maxa med Xiis.

Ugu horen waxaa cod baahiayah uu ku soo dhaweeyay C/raxmaan cawil oo hadalka qayb inayay Sheekh Saleebaan Ayax oo Aayado quraan ah iyo wacdi waan iyo waayo sheegba uu halk aas ka soo jeediyay xubnaha kulankaas hadalada soo dhaweynta xog waranka soo yaalka magaa ladan iyo soo gelitaankii jahaliyada Somalilandba soo jeediyay hadaan soo koobo waxaa ka mid aha a, Axmed Ismaaciil Gaani, Odayga magaalada Jaamac Roodishiya,waxaa isna ka waramay Taariikh dii soo gelitanka xoogagii SNM Muj:Rashiid xaaji C/alhi(Rashiid Gadhweyne) dhibaatooyinkii horya alay ururka SNM markii ay heshiiska wada galeen Af weyne iyo dawaladi magiste Hayla Mary am ka dib waxaa codbaahiyihii la wareegay Muj: Cabdilahi Cabdi Muuse oo ka waramay dhaq dhaq aaqii SNM ee magaladan Sheffeild ka dibna waxaa uu ku wareejiyay Muj: Siciid Cabdi Yusuf oo ahaa xog hayntii SNM waxa badan ka shaqeeyay war baahintii SNM.

 Ugu dambayntii waxaa la wareega ama lagu soo dhaweeyay Muj: Maxamed Ciise Cilmi (Musbaar) oo tibaaxay is bedaladii dalka iyo waayihii laga soo gudbay isla markaasna ku dar daarmay waxa qabadka dalkii hooyo iyo waayaha yaala ha dal iyo gaba gabadii waxaa sacab lagu soo dhaweeyay Muj: Ibrahim Cabdilahi Xuseen(Dhegawey ne) oo mahad naq ka dib ka waramay dhacdooyinkii SNM guulihii ay gaadheen iyo xoriyada maanta lagu naaloonayo oo uu ku sheegay in ay ku timid wad jir iyo wada tashiga shacabka Somaliland Gacmo wad jir bay wax ku gooyaane weli halgankii muu dhamaane geediga wada dhismaha dalka iyo horumarkiisa ayaa inagu hadhay ee ayaan la moogaan


Dhamaan hadaladii halkaas lag soo jeediyay waxay reer Sheffield ku dhegaysteen dhego laab u daloola.
 



 


Mataan Maxamuud Cumar
Timacade News Desk
Sheffield , UK.