Muj. Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Isku Day Dil Oo Uu Ka Badb aaday Iyo
Dadkii Lagu Tuhunsanaa Oo Mid Ka Mid Ah Xalay La Qabtay
Hargeysa (TNN):-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada
dalka haya ee Kulmiye Mj. Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka badbaaday
isku day dil, oo la sheegay in saddex nin ay kula beegsadeen
hudheelka Lake Assal oo ku yaalla xaafada shacabka ee magaaladda
Hargeysa.
Saddex nin oo mid ka mid ah ku hubaysnaa qoriga AK-47 ayaa la
sheegay in gudoomiye Maxamed Kaahin ay ku weerareen goobta uu ka
fadhiyey hudheelkaas. Warar laga soo xigtay dad goob-joog ah ayaa
sheegaya in ninka qoriga sitay uu isku dayey in uu xabbad ku dhufto
guddoomiye ku xigeenka Kulmiye laakiin ay xabbaddii ku katibtay
qoriga, isla markaana aanu fursad labaad u helin in uu mid labaad la
beegsado, kadib markii dad kale baastoolad difaac ah rideen.
Si kastaba ha ahaato ee Muj. Maxmaed Kaahin oo wargeyska Geeska
Afrika u la hadlay ayaa isagu hoos u dhigay miisaanka uu weerarkaasi
lahaa iyo khatartiisa, cidda la sheegay in ay soo weerartayna waxa
uu ku sheegay dhalinyaro uu hadal dhex maray, balse aan wax dhibaato
ah soo gaadhsiinin. “Wax badan oo dhacay ma jiraan, wax dhib ahina
ma jiraan ee niman dhalinyaro ah ayaa illa hadlay dad badanina way
joogeen, waxna ima gaadhin”
Mujaahid Maxamed Kaahin oo uu wargeysku weydiiyey in uu xaqiijiyo in
rasaas lagu riday ayaa mar kale ku jawaabay, “wax rasaas ahina iguma
ay dhicin, wax dhib ahina hada ma jiraan”
Warar dhacdadan la xidhiidha oo soo baxaayay xalay saacadihii dambe
ayaa iyagu sheegaya in ciidamadda boolisku ay gacanta ku dhigeen mid
ka mid ah sadexda nin ee soo weeraray gudoomiye Maxmaed Kaahin,
laakiin illaa markaas wax war ah oo arrintan la xidhiidhaa si
rasmiya ugama uu soo bixin booliiska.
Source: Geeska
|