Maxkamada
Gobolka Gabiley oo Mar kale Dib u Dhigtay Dhagaysiga Dacwada
Gudoomiyihii hore ee Degmada Wajaale oo Muddo Afar Bilood ah ku
Xidhan Xabsiga Gabiley.
Qawrax Muuse oo Hanti dhawrku ku ee deeyay Lunsi Hanti qaran oo ku
xidhan Xabsiga Dhexe ee Gabiley
Gabiley (TNN)-Maxkamada Gobolka Gabiley oo mar kale maanta dib u
dhigtay dhagaysiga Dacwada Gudoomiy ihii hore
ee Degmda Wajaale oo muddo
Afar Bilood ah ku Xidhan Xabsiga Dhexe
ee Gabiley.
Qawrax Muuse , oo Hanti dhawrku ku eedeeyay lunsi Hanti qaran oo ku
xidhan Xabsiga Dhexe ee Gabiley , ayaa la hor keenay laba jeer
Maxkamada Gabiley balse aan wali lagu cadayn Danbiga loo haytso oo
lagu eed aynayo in wakhtigii Dawladii Madaxwayne Rayaale ka talin
jirtay Dalka uu lunsaday Hanti Qaran.
Maxbuuskan ayaa u xidhnaa eedayntan muddo ku siman
Afar Billood ,
isla-markaana tan iyo bilowgii qabash adiisa aan la hor keenin
Maxkamada , horteeda si loogu caddeeyo eeda uu u xidhan yahay, loona
Maxkamad eeyo, marka laga reebo hal mar oo loo akhriyey eeddooda.
Taasi oo sida ay sheegayaan Sharci yaqaanadu
ay Xaaraan tahay in Muwaadinku u
xidhnaado eed wax ka badan
Shan iyo Afartan Casho , oo ah inta la soo ururinayo
caddaymaheeda .
Ilaa imika lama garanayo Sababta rasmiga ah ee keentay dib u dhaca
intaa leeg ee Muddadaa loo kala cadd ayn laaya’ay in eedaysanahani
qabo danbigan lagu eedeeyey iyo in kale. Hase yeeshee, Xoggo muhiim
ah oo u dhuun dalloola arrintan ayaa sheegay in Masuuliyiinta
Hanti-Dhawrku aanay haynin Caddaymihii rasmi
ga ahaa ee Musuq maasuqii ay ku eedeeyeen Masuulkan Xidhan in
uu galay wakhtigii Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale iyo intii ka
danbeysay ee Xukuumadan Siilaanyo. Taasi ayay ku tilmaameen in ay
tahay saba bta ay uga Cago-jiidayaan.
Dhinaca Kale, Qaar ka tirsan Dadwaynaha Reer Gabiley ayaa intooda
badani darreeno Sas leh ka muujinaya an Muwaadinkan
Boqol iyo Labaatanka Casho
ku xidhan Xukun La’aanta, iyaga oo qaba Afkaaro isku mid ah
oo qaarkood kuba tiraabayaan in Hay’adda dhan ee Hanti-dhawrka
Qaranku ay ka hawl-gasho kaliya Caasi mada Hargaysa iyo Gobolka
Gabiley, kuwaas oo ku muusannaabaya in aanay wali maqal intii
Qaranka Som aliland jirtay Gobollo kale oo Somaliland ah oo ay ka
hawl-galayaan Marka laga reebo Gobolka Saaxil oo dhif iyo Naadir ah.
Maxkamada Gabiley ayaa Dhawaan Xukun ku Riday Masuul ka tirsanaa
waaxda Cashuuraha Barriga ee Wa saarada Maaliyada oo lagu helay Juno
been abuur ah sida ay sheegtay Maxkamadu., taasi oo noqonaysa
Masuulkii ugu horeeyay ee Hanti dhawrku eedeeyay ee la xukumo tan
iyo inta Xukuumada Axmed Siilaanyo la Wareegtay Xilka Qaranka.
Timacade News Desk
Gabiley Somaliland
|