" Siilaanyo
waxa uu u dhigmaa, George Washington (
usa ), churchill ( uk ),
Helmut Kohl
(germany ),De Gualle ( france)
iyo Uyl-ka( Holland),
Laakiin dadkiisu..........
? " Hans ,
oo ah nin Holland u dhashay
'' Dood xallad
iyo xiiso-ba leh ''
- Hans, oo ah nin u dhashay dalka Holland lana shaqayn jiray sida uu
igu yidhi, hay' adaha qaxootiga ee UNHCR, iyo kuwa dalkan Holland
gudihiisaba ah mudo aad u badan, oonu ku kulanay shaqo '' masshruuc
'' uu leeyahay xafiis caawiya dadka qaxootiga ah ee ku cusub dalkan
Holland, ayaa si lama-filaan ah xili aanu ka nasanaynay
hawl-maalmeedkii aanu haynay sheeko noo bilaabantay, is bariidin iyo
kaftan yar ka dibna waxa uu ila soo tiigsaday Su ' aal ahayd, ma
Somaliland baad ka timid mise Somaliya, ana si kaftan ah ayaan ku
idhi maya ee waxan ka imid Surinaam (dal hollandiisku gumaysan jiray
oo ku yaal Latin amerika), qosol dabdeed waxa uu ii raaciyay,
dhogortii iyo dhigaalkii ( midabkii iyo qaab-dhismeedkii )
Surinaam-ta ma lihid, oo iska daa wax kale ee Ethipaan ma tihid ee
Somaliland iyo Soomaaliya ayaad mid ka timid saw maaha? waxan ku
idhi hadii aan jawaabta kuu fududeeyo, Somaliland ayaan ka imid,
sidedse ku garanaysaa kala duwanaanshaha ilaa heerkaasa adigu ma si
gaar ah ayaad u baratay kala sooca dadka, waxan u sii raaciyay
weliba anoo hoos u gujinaya, ma foormuladii '' Appartheid system ''
-ka ahayd ee Dutch-ku caanka ku ahaa ayaad adeegsgeeda xaraash (
xeel dheere) ku tahay?.
- Halkaasaa ay sheeko dheer oo is-barasho iyo dood kulul oo qadhaadh
oo socotay dhawr cisho oonu wada shaqaynaynay ka bilaabantay, waxa
aanu kolba dhan ka cosobsano geeska Afrika iyo waayaha siyaasadeed
een is-tarka muuqda lahaynba, waxa ay arintii ku soo aroortay halkii
aan ka imid iyo gayigii barakaysnaa ee Somaliland, oo shaw uu
ninkani ( Hans ) aad isna ula socdo taariikhda iyo is bedelada ka
jira labadaba aadna u xiiseeyo weliba, waxa uu ii sheegay inay dad
badanoo reer Somaliland ah kulmeen, oo qaarkood wada shaqeeyeen
Somaliland intay jirtay iyo intii ka horaysayba ( xiligii Soomaaliya
).
Mar aanu soo hadal qaadnay waxii
ka dhacay Soomaaliya dalkii la odhan jiray berigii hore iyo waxa
hadadan ka socda, oon dabadeedna anigu ku soo daray sheekada waxa ku
sanduleeyay dadka reer Somaliland inay dib ula soo noqdaan
qaranimadoodii, waxa isaga oo si ay qiiro ka muuqato aan ahayn ta
Ilmadi Yaxaaska, ee dhab ah, uu dareenkiisa oo bedelan igu yidhi
waan ka xumahay waxii la gaadhsiiyay dadkaa, Somaliland godob badan
ayaa laga galay oo Soomaalida iyo caalamkuba ka galeen, dadkeeda waa
la xasuuqay oo dad aad u badan ayaa taliskii Siyaad bare ka dilay,
iyadoo sharci ahaan xaq u leh ayaa hadana aan weli caalamku aqoonsan,
waana arin aan gar loogu lahayn Somaliland ayuu yidhi.
- Waxa uu yidhi kala danbayn iyo nabad ayaa ka jirta Somaliland,
hase yeeshee buu yidhi sidaasoo ay tahay saluug weyn ayaa jira oo
dhanka Siyaasada ah, waxana aan aaminsanahay ayuu yidhi, inaanay
waayin reer Somaliland dad aqoon, karti , dal jacayl, daacadnimo iyo
waayo-aragnimoba leh oo dalka wax wayn u qaban lahaa, dadkase dalkaa
lehi waxad moodaa inay is hagranayaan, oo dalkoodana ay la hadayaan.
- Halkaa markuu marayo ayaan ku idhi Hans-oow, reer Somaliland waxay
ku maahmaahaan '' nin-na biyo uu hayo korkiisa kama hagrado '' ee
malaha waa naga bas oo intaasaanu dhaafin kari laanahay, markaasuu
Hans igu yidhi ha odhan sidaa, reer Somaliland rag baa ku jira heer
Caalami ah, oo xataa ka culus heer qaaradeed, anoo dhegta yara
taagaya oo is-leh toloow maxuu soo wataa ayuun buu igu yidhi Hans,
hadadanba madax fiican waad leedihiin oo Daahir Riyaale-ba waa ok-eeye,
ee dalku waxu u baahan yahay rag uu ka mid yahay nin aad qaali u ah,
oo aqoon balaadhan oo dhan kastaba ah leh, oo magaciisa la yidhaa
mudane Axmed ee maanad aqoon? Axmed-yadu waa badan yihiin ee, Axmed
ayo ayaan waydiiyay ? markaasuu Hans igu yidhi hogaamiyaha Kulmiye,
aad iyo aad baan jawaabta ninkan Hollandiiska ahi i siiyay ula
yaabay !!! waxan ku celiyo waan garan waayay waayo? inuu sidaa dadka
u kala yaqaan maan filayn, ana.
markaasaan kula kaftamay, waar
malaha Kulmiyaad u ololaysaa ood taageertaa nin aan Somalilander
ahayna waabad u muuq eg tahay-e?.
Waxu isna isaga oo ka jawaabaya
Somalilader ma tihidii yidhi, adba dhalasho Nederland-ah waad
qaadatay/ qaadan kartaa, xisbigaad doontana halkan ( Holland ) waad
taageeri kaartaaye, maxaad aniga iigu diidi hadaan Kulmiye Taageero?,
waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi, Siilaanyo waxa uu ka mid
yahay tiirasha ugu waawayn ee dalkan salka u dhigay hayana, dalkuna
uu nin tayadiisa oo kale leh aad iyo aad hada ugu
baahan yahay.
- Waxan ku idhi ninkoow ( Hans ) mar hadaan soo hadal qaadnay
Xisbiyo la taageero, anigu kuwa halkan '' Holland '' waxan taageeraa
xisbiga shaqaalaha ( PVDA), oo ah ka u daneeya inta badan danyartam
oon ka dhex arkayo inuu saamayn ku yeelanayo nolol-maalmeedkayga,
hase-yeeshee Xisbiyada Somaliland waa iskugu kay mid horta, oo midna
aniga si toos ah hada ahaan iima khuseeyo, waxanse jeclahay in
dalkayga Somaliland helo, dad wax u qaabta, intaanan dhamayn buu
yidhi ninkii Hans, waad hagaagsan tahay ee hadaba KULMIYE taageer,
waa rajada kali ah ee dalkaase, waxa uu ku sii daray intaa, in yaroo
kaftan ah oo uu leeyahay mise sidaa hada dalku uu yahay ayaad rabtaa
inaad ku daawato, waar ka kac meesha magaca jirye ayuu yidhi.
- Isku soo duuboo,
gunaanadkii doodadayadii dheereed ee mudada socotay, waxa uu ninkaa
Hollan u dhashay ku soo gunaanaday reer
Somaliland ha gartaan, George washigtin-kooda,
Churchil-kooda,
Mandela-hooda, Gaandhi-gooda
.................... Isaga oo ujeeda mudane
Siilaanyo !!! , haday doonayaan inay hore-u-maraan, dal
kastaaba waxa uu kobcaa inta aqoonta dadkiisu
kobocsan tahay ayuu yidhi, waxan ana ku raacay eraygaa
khatinka ah, ee ah, wax-aqoon baa dal daajisa
!.
Somaliland ha jirto oo
ha Joogto.
Qoraagii Weynaa:Cali
Cumar Xasan
|
|