Muuse Biixi Waa Geesi Hantay Taageerada Shacabka So maliland oo markhaati waxa ka ah guusha Kulmiye

 

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi

Muuse Biixi waa nin aad u geesi ah oo dadkiisa iyo dalkiisa u huray naftiisa isaga iyo rag kale oo fara badan, waa nin waaya aragnimo wanaagsan u leh sida shaqada maamulka l oo qabto, isaga oo Wasiir hore uga soo noqday dawladihii hore ee Somaliland, imikana  m udo hayay xilka gudoomiye ku xigeen oo uu ka ahaa xisbiga doorashada ku guulaystay ee Kulmiye. Isku soo wada duuboo Muuse Bixi wuxu hantay taageerada shicibka Somaliland, waxaanuu ka mid yahay sababta shicibka Somaliland u siiyeen taageeradooda xisbiga Kul miye, shicibkaas oo inta badan kala degan dhamaan Somaliland gaar ahaan deegaanka  g obolada Hargeysa, Saaxil, iyo Awdal. Madaxwaynaha la doortay ee Ahmed Silanyo iyo  M uuse Bixi waxa ka dhexeeya saaxiibtimo gaara oo qoto dheer, Madaxwayne Ahmed  Silan yo wuxu mar walbaa ogaa taageerada Muuse Biixi ku dhex leeyahay dadkiisa iyo  dhama an shicibka Somaliland, waana sababta uu mar walba ugu faro adaygay inuu helo  taage erada Muuse Biixi, waana sababta loogu igmaday xilka gudoomiye ku xigeenka.

Xilkaasuna waa mid uu u gutay si aad iyo aad u qurux badan markii xisbigiisu ku  guulayst ay doorashada madaxwaynaha, guushaa Kulmiye maanta helay waxa ka shaqeeyay oo m aamulkeeda maalinwa lahaa Muuse Bixi iyo inta xilka xisbiga Kulmiye la haysay, taageera yaasha Kulmiye, iyo gaar ahaan shicibka Somaliland ee siisay codkoodii iyo  kalsoonidoodi iba.

Markii aan bilaabay inaan akhriyo maqaalka uu qoray Maxamed Diridhaba ee uu sida  qaa wan ugu weeraray Muuse Biixi, waxan si xiiso badan u akhriyay maqaalkii si aan u gaadho waxa uu Maxamed og yahay ee uu ku eedaynayo Muuse Biixi ee keenay inuu maqaalkan ku weeraro. Wuxu yidhi Maxamed af lagaado aad u fara badan oo muujinaysa nacaybka uu shakhsiyan u qabo Muuse Biixi. Marka laga tago caydii iyo aflagaadadii uu u gaystay M uuse Biixi (oo aanan mar labaa anigu jeclansanin inaan halkan ku soo qoro) Maxamed  sa babta ugu wayn ee uu sheegay inuu ku maagay Muuse Biixi wuxu yidhi Muuse wuxu  aha an jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha xiiligii Madaxwaynihii hore ee Cigaal oo laba goor ayaa xilka Wasiirnimo laga eryay - ka dibna cay iyo aflagaado aad iyo aad u fool xun ayuu  da ba dhigay. Arrintanu aniga waxay igu noqotay fajac iyo amakaag, waayo waxan is idhi, waar ninkan wayn ee sawirkiisa meesha ku dhejiyay, maxaa waxan oo cay ah ka keenay mar hadii aanu waliba qoraalkiisa ku soo sheegin wax uu Muuse Biixi ku mutaystay  aflag aadadan.

Markii aan soo baadhay Maxamed Diridhaba iyo waxa ku kelifay caydan iyo aflagaadan. Waxa dadkii la deganaa magaalada uu joogo ii soo sheegeen in Maxamed Diridhaba ay  d hashay gabadh la dhalatay ninka la yidhaahdo Cismaan Hindi, oo ay siyaasada isku  haya an Muuse Bixi, Cismaan Hindina waa ninkii ka masuulka ahaa in Maxamed Diridhiba  yimaa do waddanka Ingiriiska. Markaa waxa meesha ka muuqata in cayda iyo aflagaadada  Max amed Diridhaba ay tahay mid uu ugu hiilanyo Abtigii Cismaan Hindi oo ceeb aad iyo aad u wayni ka raacday doorashadii, oo maantaa xataa xisbigii UDUB ee uu u dagaalamayay ay isaga ku sheegeen sababta looga badiyay.

Markii aan intaa ogaaday waxan jeclaystay inaan maqaalkan soo qoro oo aan ka codsado intiinii soo daabacday ama akhirday inaan la wadaago maqaalkan oo aan idiin sheego in Maxamed Diridhaba nacayb gaara oo uu u qabo Muuse Biixi ku jiray oo kaliftay caydiisa, o o uu hiilkii Abtigii Cismaan Hindi waday markii uu soo caytamay, ee aanu wanaag uu u  ha yo Kulmiye iyo Ahmed Silanyo toona aanu meesha ku haynin, laakiin wali uu jiro  xifaaltan kii doorashada.

Maqaalka waxan ku soo gunaanadayaa Muuse Biixi waa madaxda Somaliland, waa geesi hantay taageerada shicibka Somaliland, waa hogaamiye keenay inuu xisbigiisu ku  guulay sto doorashada, waa mujaahid naftiisa u soo horay dalkiisa iyo dadkiisaba. Waa ninkaa shicibka Somaliland siiyeen taaageeradoodii maanta, waa nin haddii illaahay nafta u  daa yo, xilal badan ka qaban doona Somaliland inta uu nool yahay, ama ha ahaado Wasiir la shaqeeya Ahmed Silanyo ama ha noqdo Madaxwaynaha soo socda ee mustaqbalkaba ee hogaamin doona shicibka Somaliland labadaba. Ahmed Silanyo maanta nasiib wanaag  ug ama baahna talo Cismaan Hindi iyo inanka uu Abtiga u yahay, ee wuxu talo uga baahan yahay oo uu marwalba ka raadiyaa Muuse Biixi oo imika ah gudida Ahmed Silanyo u  door tay inay kala soo taliyaan sidii dawlada cusub loo soo habayn lahaa.

Akhristoow si aad u ogaato xidhiidhka naga dhexeeya aniga iyo Muuse Biixi, waayo anigu idinka qarin maayo sidii Maxamed Diridhaba-hii caytamayay ee halkan uga hiilinayay  Abti gii. Ee aniga iyo Muuse Biixi waxa aanu nahay saaxiib, waxa aanu nahay tol, waxa aanu nahay xidid, waa nin ka mida madaxda iyo mujaahidiinta Somaliland oo aan u hayo  ixtira am, sharaf, iyo maamuus fara badan.

 

 

 

 

Rashid Garuf
Washington DC
rgaruf@msn.com