Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo saaka ka anbabaxay Magaalada Hargeysa

 

Berbera May 13 2010 (TNN)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo saaka ka anbabaxay Magaalada Hargeysa ayaa khudbado kala duwan ka jeediyay inta badan Deegaanada hoos yimaada Gobolka Saaxil oo iskugu soo baxay soo dhaw aynta Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE.


Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye oo Magaalada Berbera sii maray, ayaa soo boo qday Xabaasha Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ku aasan Magaalada Berbera halkaasi oo uga sii duceeyay isla markaana faataxada uga maray Illaahayna uga Baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo.

Waa markii ugu horaysay ee inta lagu jiro Ololaha Doorashada Madaxtooyada uu Masuul ka  tirs an Xisbiyada Dalka uu soo booqdo xabaasha Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee  Somalil and Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Marka Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee  Kul miye oo Xabaashaasi marxuumka soo booqday.

Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ahaa Aasaasihii Xisbiga Talada haya ee UDUB ayaa intii uu xisbigaasi talada dalka hayay aanuu kala kulmin wax maamuus ah iyo munaasibado loogu baroordiiqayo, marka laga reebo Masuuliyiinta Xisbiga UDUB iyo Qaar ka tirsan Xukuumada oo  ha d iyo jeer kula hadalo aflagaado ah oo aan qabanin Marxuumka Xabaasha ku jira, taasi oo inta badan ay niyad jab wayn ka qaadeen Bulshada Somaliland iyo Qoyska iyo Caruurta Marxuum  Cig aal.
 

Maaha mar iyo laba inta Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum  Maxa med Xaaji Ibraahin Cigaal ahna Aasaasihii Xisbiga UDUB ay Masuuliyiinta Xisbigaasi qaar ka mid ah ay kaga daba tagaan Xabaasha gaar ahaan Xoghaya Guud ee Xisbigaasi oo hore marxuumka ugu eedeeyay inuu ka danbeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Gayiga Somaliland iyadoo tii ugu  d anbaysayna ay ahayd Geerida Marxuum Cigaal waxay faa’iido u ahayd Somaliland maadaama ay keentay Madaxweynaha hada talada dalka haya ee Daahir Rayaale Kaahin ahna Musharaxa  Mad axweynaha ee Xisbiga UDUB oo inta badan dadku dhaliilaan siyaasadiisa kana dayriyaan hogaanka talada dalka uu ku wado.

 


Source:Berbera News