maxay u dhinteen SNM,maxay ku dhinteen dadkii ku dhintay 1994 wadan ka ma soconayso somaliyadii aad shalay diidanaydeen inaad maanta tiraahdaan waan ku biiraynaa waxa go,aan nooga yaal waxii idiinka yaalay 1994

 



Waxa magaalada Burco ka soconaya kulan ay yeesheen siyaasiyiin, aqoonyahan iyo madax-dhaqameedka galbe eka Burco oo xalay ka bilaabmay magaalada Burco, shirkan waxa saldhig u ah oo lagaga wada hadlayaa oo si aad ah loogu gorfaynayaa arrinta Somaliland ku soo korodhay oo ah in xukuumada Siilaanyo ogolaatay in Somaliland si fudud oo shuruud laŽaan ah si toos ah uga qayb gasho shirarka dib u heshiisiinta Somaliya kaas oo kii u  dambeey ey uu dhowaan London kaga qayb galay wasiirka arimaha debeda ee Somaliland kaas oo xukuumadu ka soo  saar tay war-saxaafadeed ay ku taageersan tahay in wasiirku sax ku yahay inuu shirkaas tago oo la fadhiisto  maamul ka TFGda iyo maamul goboleedyada ka jira Somaliya.

Waxa kale oo shirka la isku weydiiyey waxa keenay halkii xukuumada iyo wasiirka arrintaas si qarannimo ah loo gala xisaabtami lahaa waxa keenay inay soo baxaan baaqyo iyo taageero qabyaaladeed oo wasiirkii la isla garab taagay halkii la odhan lahaa maxaa keenay in maanta Somaliya shirarkeeda in tago iyadoo Somaliland qadiyadee da hore looga heshiiyey in ay tahay goŽaan umadeed iyo talo qaran oo aan qof, koox, beel, urur, xisbi iyo  xukuu mad aan midkoodna ka hor iman karin laakiinse wixii la yeelayo laga tashado si wada jir ah.

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ka aasaasantay oo ay ku timi dagaalkii SNM oo dhiig badani ku daatay iyo  goŽa ankii shacabweynaha reer Somaliland ee shirkii Burco 18kii May 1991. Maalintaas ayaa goŽaan laga gaadhay in Somaliweyn aan dib loogu noqon. Waxa ku xigay Xeerkii labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ay 12-kii  Octob er 2003-dii ay ku xaaraantimeeyeen ka qayb galka shirarka loo qabto kooxaha Somalia.

Waxa kale oo jirtay in dalka dagaallo sokeeye ka dhaceen ka dib markii qaar ka mid ah siyaasiinta reer Somaliland ay si lama filaan ah Muqdisho iyo Somaliya u tageen taas oo dagaal sokeeye dalka ka qarxay oo siyaasiintii  Soma liya tegey beelihii ay ka soo jeedeen weerar lagu soo qaaday iyadoo lagu eedeynaayo inay khiyaamo qaran  gale en oo axdigii u yiil Somaliland jebiyeen. Ilaahay mahadii arrintaasi waa dhammaatay waxayna noqotay in la isla qaato in loo aqoonsado dembiile ninka ama qofka Soomaliya taga oo aanu dalka dib ugu soo noqon karin.

Haddaba iyada oo ay sidaas u caddahay qadiyada Somaliland maxaa keenay maanta in qodobadaas aan kor ku  s oo sheegnay ay meesha ka baxaan oo wasiirkii loogu abaalgudo soo dhoweyn iyo taageero qabyaaladeed iyadoo dadkii arrintaas ka cadhooday ama ka xumaaday ama ka hadlay ay xukuumada Siilaanyo dadweynaha u tustay inay wasiirka iyo xukuumada ku xumaynayaan oo intay odayaal iyo dad waxma garato ah Tvga iyo Radiowga soo fadhiisiso kuwaas oo leh shirkaasi sax buu ahaa oo Somaliland baa dani ugu jirtay.

Aan isweydiine waa maxay danta Somaliland ugu jirtaa shirarka Somalida iyadoo la ogyahay in arrinta Somaliya ay faraha ka baxday oo ilaahay mooyee aan cidina waxba ka qaban karayn. Immisa shir baa la qabtay ilaa maal intii Siyaad Barre dhacay? Arrinta Somaliya maanta waxay gacanta ugu jirtaa waa la yaqaan, waa Al-shabaab. Sidaa darteed maxaa dadka beenta loogu sheegayaa iyadoo Somaliland maanta ilaahay mahadii tahay oo ay meel fiican marayso. Aqoonsiga la rabaana wuxu ka iman karaa oo keliya marka reer Somaliland iyagu waxqabsadaan oo is qiimeeyaan ee kuma xidhna nin Xamar jooga iyo nin dan gaar ah leh.

Shirka ka bilaabmay magaalada Burco ayaa arrimahaas aan kor ku soo sheegnay ay saldhig u yihiin waxana la  fila yaa in marka shirkaasi dhammaado in ay ka soo saari doonaan baaq iyo talooyin ku saabsan wixi reer Somaliland ka yeeli lahaayeen arrimahan dalka iyo dadkaba ku cusub ee xukuumada Siilaanyo ku bilawday in qaddiyadii Som aliland meesha ka baxdo.

Arrintan xukuumada Siilaanyo ku ogolaatay in dib loogu noqdo Somaliweyn ayaa waxa ka dhashay in suŽaalo ba dan la iska weydiiyo, kuwaas oo looga baahan yahay in xukuumada Siilaanyo jawaab ka bixiso dadkana ka qanci so. SuŽaalahaas waxa ka mid ah tusaale ahaan kuwan:

1. Maxaa SNM loogu dhimanaayey mar haddii si sahlan Somaliweyn loogu noqonayo?

Maxayse ku dhinteen ragani? Tusaale ahaan, Muj Lixle, Aadan shine, Koosaar, Axmed dhagax, Cabdi Cabdilaahi, Maxmed Cali, Aadan Saleebaan, Gacma-dheere, in macallin Haaruun Harag-waafi, Kood-buur, muj Xaamud, mad ax-diin, Maxmed mooge, Xasan Saleebaan wayne, Xandule gacan, bidhiidh, Xuseen qarash yare, xasan yoonis, jaamac cali cilmi,cabdi falastiin, c-laahi biixi, jaamac dheere, maloosh,muj biixi, Cabdi feyr, dhamaantood ilaahay ha u naxariisto. Waxa kale oo dagaalka SNM ku dhintay kumanaan rag iyo haween ah, waxa ka sii badan boqolaal kun oo shicib aan waxba galabsan ayaa dhegta dhiigga loo daray waxaa ku burburay mood iyo maal bilyanno ka ba dan.

Yaa loo raacayaa, yaase la weydiinayaa?

Maxaa laga yeelayaa dadkii kale ee aan SNM taageersanayn xilligii halganka wixii khasaare iyo burbur soo gaad hay? yaa loo raacayaa oo xaqoodi siinaya? maxaase maanta loogu khasbayaa Somaliland?

2. Dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Somaliland 90aadkii dadkii ku dhintay yay u dhinteen?

Magaalada Burco oo keliya waxa ku dhintay afar kun (4000) oo qof waxa ku dhawaacmay ilaa soddon kun oo qof (30,000) waxaa ku burburay maal iyo mood lagu qiyaasay ugu yaraan afar iyo afartan milyan.

Su,aasha meesha taal waxa weeye maxaa lagu laayey dadkaas aan waxba galabsan oo aan ahayn dad  beesho oda ah ayaa Soomaaliya tegey? waa maxay faraqa u dhexeeyaa raggii 90aadkii iyagoo aan cidna la tashan Xamar tegey iyo wasiirka 2011ka shir Somalilweyn ah ka qayb galay isagoo aan cidna la tashan hadday tahay Qaranka (golayaasha, xisbiyada IWM) iyo ummadda?

Waxan ka ognahay arrintaas oo keliya ragna dagaal baa ka dhashay iyo masaafuris tegistoodii Xamar ragna  wax aa lagu soo dhoweeyey caleemo qoyan ka qaybgalkoodi shirkii Somaliweyn ee London.

Arrimahan ayaa ah kuwo looga fadhiyo xukuumada Siilaanyo in ay faah-faahin iyo jawaab ka bixiso waxana  mees ha ka soo baxay in loo baahan yahay xisaabtan oo dagaalkii SNM, dagaalkii sokeeye iyo Somaliland dib la isu  weyd iiyo mar haddii sharciyadii qaranku noqdeen waxaan shaqayn oo aan qarankan u adeegayn. Ummadi waxay meel ku gaadhaa waa caddaalad iyo Sinnaan laakiin qabyaalad iyo dulmi waxay keenan burbur iyo sidaa Somaliya ka dhacday.

Dhanka kalena xukuumada ayaa dagaal weyn kula jirta sidii shirkaas loo burburin lahaa iyadoo adeegsanaya  mas uuliyiin ka tirsan xukuumada iyo dhaqaale la siinayo madax dhaqameedyada si aan shirku u socon. Hase ahaatee iyadoo maanta caalamku u soo jeestay in la helo cadaalad iyo dawlad wanaag dadka ka dhexeeysa ayay u eg tahay inaanay xukuumadu qarin karayn fadeexada iyo arrimaha ay fara kula jirto. Sideedaba dadku waa beelo haddii dawladu dhex noqon weydo waxay keenaysaa in beel waliba danteeda ka raacdo taaas oo keenaysa in suŽaal la iska weydiiyo Somaliland lafteeda iyo jiri taankeeda.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xukuumadu shirka dacaayado ku furtay oo ku sheegtay in shirka lagaga arrinsanaayo arrinta Kalshaale taas oo markii dambe la ogaaday in aanu shirkani Kalshaale shaqo ku lahayn oo arrinta Kalshaale tahay arrin Qaranka u taal oo aan beelaha u ool sideedaba. Xukuumaduse rabto inay dadka shaki ku kula abuurto oo beeluhu kala shakiyaan si loo illaabo khaladaadka xukuumada Siilaanyo.

Dadka ka faallooda arrimaha Somaliland ayaa sheegay in arrinta shirka London la mid tahay caadifadii lixdankii, ficilkii iyo isgaashaanbuuraysigii ka dhexeeyey beelaha dhexe ee reer Somaliland kaas oo sababay in si sahlan Xamar loo tago. Sidaa darteed shirkani wuxu fashiliyey isgaashaanbuuraysi uu Siilaanyo abuuray si siyaasado badan oo uu rabo ugu fulaan isagoo beelaha dhexdooda shaki kula abuuraya waana ta keentay in wasiirka shirka tegey caleemaha qoyan lagu soo dhoweeyo. Siilaanyo ayaa isticmaalaya siyaasad qonyar socod ah isagoo ka aa musay arrimahan ku saabsan Somaliweynta waana ta keentay maanta in lagu murmo qadiyada Somaliland iyadoo aan la eegayn dan qaran lase eegayo dan shakhsi iyo koox.

Markii lixdankii Xamar la tegey wixii lagala kulmay qoys iyo beelwalba waa saamaysey, dulmigii Siyad Barre qof wal ba waa taabtay waana ta keentay in SNM iyo dagaal la galo. Sidaa darteed wax qof, koox, beel, siyaasi xil raba IWM iyo ummadda masiirkeedu waa kala mudan yihiin. Ninkii cid gaara raba waa ku keligii laakiin ninkii Somaliland rabaa waa inuu Somaliland daacad u ahaado waana in talo qaran iyo ummadeed laga wada yeesho.

Isku soo wada duuboo xukuumada Siilaanyo ayaa shacabku ka sugaan goŽaanka ay ka qaadato Wasiirka shirka  L ondon tegey iyo halka ay iska taagto. Goleyaalka qaranka ayaa iyagana laga dhur sugayaa sida ay arrinta  wasi irka arrimaha debeda ka yeelaan inkastoo wararku sheegayaan in xukuumada Siilaanyo Hargeisa soo gelisay  lac ag fara badan oo ay ugu talagashay inay ku kula qaybiso mudanayaalka golaha wakiilada si aanay arrintan u gelin oo ay faraha ugala baxaan. Waxa kale oo suŽaalo ka taagan yihiin halka laga keenay dhaqaalaha faraha badan ee xukuumada Siilaanyo u adeegsanayso inay ku baabiŽso arrinta shirka London. Qaran iyo Shilin kii shaqeeya la arki doonee!!.

Arrintan shirka London ka dhacay dhowaan ayaa fajac ku noqotay dadweynaha reer Somaliland oo mar qudha ogaaday in xukuumadii Siilaanyo beesha caalamka u sheegtay inay Somaliland ka goŽan tahay inay ka soo qayb gelayso dhammaan shirarka Somalida wixii imminka ka dambeeye. Wasiirka arrimaha debeda ee Somaliland ayaa dhowaan sheegay in xukuumadu ka guurtay siyaasadihii dawladihii Somaliland soo maray 20kii sanadood ee u dambeeyey ka dib markii shirkan London soo baxay ayaa dadka badankiisu u arkaan in wasiirku sheegayey arrint an shirka London oo ah in Somaliweyn wax lala qabsado.

Wixii shirka ka soo baxa iyo sida xukuunmada Siilaanyo ka yeesho shirkii Soomaliweyn ee London dib ayaanu idiin ku soo gudbin doonaa.




A.M.Samatar
amsamatar1@hotmail.com