Munaasibad Shahaadooyin lagu Gudoonsiiyay Ururadda GAAROODI iyo SYWO

 

 


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Ururka Ardayda reer Somaliland ee Qurbaha wax ku barata ee GURYO-SAMO ayaa shahaado-sharafyo gudoonsiiyay Hay'adda Samo-falka wad aniga ah ee GAAROODI iyo ururka Dhalinyarada ee SYWO.

Munaasibada loo sameeyaya gudoonsiinta shahaadooyinkan oo Xalay lagu Qabtay Hotelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb galay Gudoomiye ku xigeenka ururka Gaaroodi Mr. Cabdikariim Axmed Mooge, Gudoomiyaha Dhalinyarada Deegaanka Sallaxley Cabdiraxmaan Axmed Kabadhe (Awr-liqe), Sheekh Maxamed Axmed Kaahin iyo martisharaf kala duwan.

Eng. Badal Maxamed Cali oo kamida Aasaasayaashii ururka Guryo-samo oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Sanad kasta ay qiimayn ku sameeyaan Cida ugu Waxqabadka wanaagsan ee bulshada Somaliland, sida darteed ay sanadkan shahaadada u garteen labadan urur oo uu ku sifeeyay kuwo Muddadii ay jireen waxqabad la taaban karo bulshada u sameeyay. Eng. Badal waxa kale oo uu faahfaahiyay taariikhda ururka iyo goortii ay aasaaseen, isagoo tibaaxay in markii ay arkeen Baahida loo qabo urur sidan oo kale ah, iskuna xidha Ardayda reer Somaliland ee dalka dibadiisa wax ka barata ay sameeyeen ururkan "Sanadkii 2006, bishii August ayay ahayd markii aanu aasaasnay ururka Guryo samo si uu iskugu xidho Ardayda tirade badan ee dalka dibadiisa waxbarashada kaga jira, Afar sano ayuu hadda jiraa, waxyaabaha la taaban karo ee intaasi uu jiray qabtay waxa aan ka soo qaadan karaa mida ugu roon oo ah inuu isku xidho ardaydeena"ayuu yidhi Eng. Badal. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Munaasibada ay hadda shahaadada ku gudoonsiinayaan Gaaroodi iyo Sywo ay ka turjumayso waxqabadkooda.

Sheekh Maxamed Axmed Kaahin oo isna Halkaasi ka hadlay ayaa ardayda ku guubaabiyay inay waxbarashada iyo tacliinta ku dadaalaan, isagoo si gaara ula hadlayay ardayda dibada wax ka barata waxa uu yidhi "Inta ka fikiraysa ardaydeena inay dalka dib ugu soo noqdaan marka ay waxbarashada soo dhamaystaan runtii aad bay u yar yihiin, waxa laga yaabaa mid waliba inuu yidhaahdowaxba dalka ma yaalaan ee maxaan kaga noqdaan. Jaamacad kasta haddii aydun ka qalanjebisaan oo aydaan wadaniyad lahayn qiimo yeelan mayso Aqoontiinu, sidaa darteed waxaan idinku dardaarayaa inaad yoolkiina ku jihaysaan inaad dalka wax u qabataan".ayuu yidhi Sheekh Maxamed Axmed Kaahin.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Gaaroodi Md. Cabdikariim Axmed Mooge oo Gebogabadii Munaasibada isna halkaasi ka hadlay ayaa ururka ardayda dibada wax ka barata uga mahad naqay shahaadada ay gudoonsiiyeen. Cabdikariim ayaa Mar Shabakadda Sallaxleynews wax ka weydiisay dareenkiisa ku aadan shahaadada la gudoonsiiyay waxa uu ballan qaday inuu gaadhsiin doono Golaha uu ka tirsan yahay ee Gaaroodi "Runtii Shahaadada aad na gudoonsiiseen waxa ay nooga dhigan tahay in la arkay waxqabadkayagii, waxaanan idinka ballan qaadayaa inaan gaadhsiin doono golaha Gaaroodi"ayuu yidhi Cabdikariim A Mooge. Ugu dambayn waxa uu Mr. Mooge ku dardaaray ardayda inay ka midho dhalinyaan halkanka waxbarasho ee ay ku jiraan si buu yidhi ay u gaadhaan yoolka ay leeyihiin, dalka iyo dadkana wax u qabtaan.
 

 


Mustafe Future
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa/Somaliland