Munaasibad loogu ducaynayo Abwaan Gaariye
Sida laga war qabo Abwaan Gaariye wuxu xanuun u jiifa magaaladda
oslo ee dalka Norway mu ddo billo ah. Ka dib markii uu dalka Norway u
taggay innuu ka dhiggo Jamaacad ku taala magaa lada Oslo luqada
Af-Soomaaliga, waxa si kadis ah u haleelay xanuun.
Hadaba waxay ururada kala ah Somaliland Societies in Europe (SSE),
Kayd iyo Red Sea Online qaban qaabinayaan munaasibad Abwaanka loogu
ducaynayo maalinta Axadda ee September 1-deeda. Munaasibadu waxay ka
dhici doonta xarunta Oxford House ee ku taala Derbyshire street, E2
6HG, London.
Abwaanku wuxu hore inoogu gabyay:
Ha laguu ilmeeyee Horta dhimo af maahee!
Eeggoo la noolyiyo Ifkaan kaaga baahnahay
wax yar oo aqoonsi ah Oon aad u buurnayn
Oo weliba eegay Igu sii amaahoo
Ictiraafka buuxee Aakhiro markaan tago
Iilka igu sugayiyo Ayaantaan xabaal galo
Oohintaan mutaystiyo Akawnkeyga laga jaro
Abwaanku wuxu af iyo addin-ba kagasoo qayb qaatay xorayntii dalka
Somaliland iyo geedigii dheera ee dhidibada loogu taagay
xasilooninada iyo qaranimada Somaliland.
Sidaa daraadeed waxaanu ummadda reer Somaliland iyo guud ahaan inta
jacel hal-abuurkiisa ugu baaqaynaa in munaasibadan ducadaa si baaxad
leh loogasoo qayb gallo isla markaana ifka ku gar-gaarno Abwaanka.
Munaasibada waxa la keeni doonaa buugaag ka kooban hal-abuurkiisii
oo luqqado kalena (English) lagu turjumay.
Wixi faahfaahin ah fadlan kalasoo xidhiidh 07903712949 amma
07870515334.
|