Mustafe Future Wuxuu mudanyahay in Shahaado Sharaf lagu Siiyo Warbixinta uu ka Diyaariyay Xeebta Batalaale
 

Mustafe Future


Warbaahinta Dalku waxa ay inta Badan ku Mashquulsanyihiin oo ay Dhex mushaaxayaan  Gadgad oonka Geedi socodka Siyaasadda Dalku halka ay marayso iyo marxaladaha kala duwan ee ay hadba marayso, kuwaasi oo Faalooyin iyo Warbixino kala duwan ka diyaariya, kuna soo qaata Warbixin maalmoodkooda.

Aragtida Bani’aadmku way kala Fogtahay, Ruux waliba waxa uu ka hadlaa inta ay gaadhsiisantahay Aragtidiisa Fikir iyo Indhihiisu inta ay Qabtaan had iyo goor, Way yartahay Suxufiyiinta Inta Wax ka qorta Arimaha Bulshadda oo aad moodo in ay tahay Mawduuca ugu Balaadhan ee u Baahan in mar walba wax laga Qoro.

Waa ayaan Darro in hadii Bulshada Loo soo bandhigo Warbixin qiimo leh oo ka digaysa khatar  Caafi maadka ee ay leedahay Wasakhda Qashinka Maraakiibtu ku Qubaan Baddaha, taasi oo Saliid  mada w oo u eeg lagu soo arkay Xeebta, Sawirro-na lagu soo muujiyay Gunta hoose ee Ciidda.

Arin noocan oo kale ahi waxay hore uga Dhacday Badwaynta Dalka maraykanka oo xataa markii  D anbe uuTagay Goobtii qashinka lagu qubay Madaxwayne Obama, balse xukuumadeenii Hadii ay  Qas hinka Macdan ka dhigato waa nasiib Darro, cidda ka hadashana ku qabsato iyada oo adeegsanaysa Awood Dawladeed.

Aragtidayda Shaqsi Ahaaneed Waan Taageersanahay in laga hadlo arimaha noocan oo kale ah, oo runtii u baahan in dib loo eego, dhawr jeer oo hore ayay dad qurbaha ka yimi soo arkeen Arintan balse aan Loo soo bandhigin Bulshadda iyo xukuumaddaba, markaa Anigu waxaan Mustafe ku dhiiri galin lahaa in uu sii wado Maqaaladda noocan oo kale ah ee Dalka ka difaacaya Wixii waxyeelaya, loona soo bandhigo Xukuumad iyo Shacaba arintan oo kale, si wax looga Qabto hadii ay jirtona  sha rciga loola tiigsado Maraakiibta lagu qabto iyaga oo Qashin ku Qubaya Badda Somaliland.

Aqoon fiican ayaan u leeyahay Mustafe Future Waana Muwaadin Daacad u ah Dadkiisa Dalkiisa, ka na soo horjeeda Wax kasta oo Duminaya Qaranimadda Somaliland sidaa Awgeed Xukuumadda  Wa xa uu ka mudanyahay inay ku sharafta Waxa ka Qarsoonaa ee uu Daaha uga Rogay, Balse aanay Qudhunka Macdan ka dhigan.

 

 

 

 

Ifrah Abdi Adan
Ambiya17@hotmail.com
USA