Mustaqbalka Muuqda ee Magaalada Tog-wajaale iyo Baahsanaanta Mujtamaceeda
  
"Marka Illaahay
(SW) bulsho la damco horumar iyo liibaan waxa uu
sameeyaa sababo u fududee ya bulshadaasi sidii ay u gaadhi lahayd
horumarkaasi,"
Qalinkii: Ahmnasir Suldaan Abdulrahman
Waxaan
muran ku jirin in Illaahay -kore eye- maamulo isgad gadiga
adduunyada oo uu isaga k olba sida uu doono u rogo, markasta oo uu
wax ka badalayo sidii uu ahaana waxa uu sameeyaa asbaab u s ahasha
in binuu-aadamku la qabsado isbedelkaasi.
Marka Illaahay (SW), bulsho la damco horumar iyo liibaan waxa
uu sameeyaa sa babo u fudud eeya bulshadaasi sidii ay u gaadhi lahayd
horumarkaasi,sida:
1-Awood
aqooneed oo ku filan
2-Illo dhaqaale
oo dabiici ah
3-Istaraatiijiyad
dagaan oo macquul ah
Marka la raad raaco xadaaradihii hore ee dunida iyo dalalka
horumaray ee reer galbeedku hee rarka ay soo mareen, waxaad arkaysaa
in ay muddo ku qaadatay sidii ay u heli lahaayeen aqo on u sahasha in
ay wax soo saaraan si ay u horuma raan, waxaanay ugu danbayntii
kastadeen awooda aqooneed ee u suurta galisa y in ay ciida bir ka
samaystaan, waana ta gaadhsiisay ho rumarka ay maanta ca alamka
ugu amar ku taaglaynayaan.
Dhinaca kale marka aad jaleecdo dalalka Carbeed ee
Saliida soo saara oo maan ta
iyaguna ka mid ah dalalka ugu horeeya dunida dhinaca dhaqaalahu,
waxay iy ana halkaasi ku gaadheen k hayraadka dabiiciga ah ee
Illaahay ku galaday ubac da dhulkooda, oo dalalkii reer
galbeedka ahaa ee aqoonta kasbaday markii ay ar keen khayraadka ay u
baahanyihiin ee ku duugan uba cda dhulka carbeed , ku ta shaday in ay
u soo saaraan ayaga oo aan u danaynaynin ee ka dan aysanaya.
Waxa iyana aan meesha ka maqnayn
oo tixgalin wayn mudan marka laga hadlayo dhinaca horu marka
dhaqan-dhaqaale ee bulsho, Istaraatiijiyada dagaan ee Illaahay –koreeye-
bulshadaasi ku beeray, marka aad eegto cumaaradaha yar yar ee
la baxay Imaaraadka carabta (United Ar ab
Emirates) , waxaa hubanti ah in aanay waxba samaynin oo aanay
lahayn warshadaha wax soo saara balse ay fahmeen kuna liibaaneen
istaraatiijiyada dagaan ee Rabbi (SW) ku khalqay, sida muuqatana
waxay dagan yihiin buqcada ugu macquulsan ee u dhaxaysa dunida
horumart ay ee warshadaha leh waxna soo saarta iyo dunida sadexaad ee
wax ka iibsata, waxaanay ku horumareen fahamka sayladaasi wax lagu
kala iibsado ee Illaahay (S.W) sabadoodii ka dhigay.
Marka aan hadaba u soo noqono
nuxurka mowduucani oo ku qotama magaalada Tog-Wajaale oo Illaahay –koreeye-
ku manaystay nasiib aad u qaali ah oo aan la huri Karin una baahan
in laga wada hawl-galo sidii humaaga looga saari lahaa lo
ogana midho dhalin lahaa. Waxana si cad ugu muuqata qofkasta oo leh
garaad k u filan in ay dawlada dimuqraadiga fadaraalka
itoo biya ay si cad u bandhigtay u na faafisay hindiseyaasheeda
mustaqbal ee ku wajahan magal ada Tog-Wajaale,
iyo sida laxaadka leh ee ay u danaynayso ka faa’iidaysiga
istaraatiijiyada ga nacsi ee magaaladaasi.
Si hadaba looga gaashaanto
ganacsiga billaa sharciga ah ee kootarabaanka ku s oo gala dalka, oo
laf-dhabarta ka jabiyey dhaqaalaha dalka ayaa waxay samays ay
dawlada dimuquraadiga faderalka itoobiya , qorsheyaal kala duwan oo
ay ku dhiiri-galinayso in laga abuuro hanaan gan acsi oo sharci ah
mid dagaan iyo ku fadaraalba, waxaanay
gaadhsiisay in ay u aqoonsato Deka da Qalalan ee
Dalka Itoobiya.
Waxay ka dhistay custom lagu cashuuro
alaabada dalka soo galaysa. Waxa kale oo ay samays ay hindisaha
qorshaha ganacsiga xuduudaha oo ah mid ka sahlan ganacsigii
LC ga oo loogu tala galay in ay ka
faa’iidaystaan bushada dagaanku.
Waxa iyana
dhamaad ku dhaw dhismaha wadada ugu muhiimsan ee isku xidha
la bada dal ee da riska ah. Iyada oo uu bixiyey
midawga urub kharashka ku baxaya dhismaha wadadaasi.
Waxaan iyana meesha ka maqnayn
baahida dakadeed ee ragaadisay guud ahaanba dhaqaala ha dalka
Itoobiya oo ay ku nool yihiin in ka badan 80
milyan oo ru ux, una baahan in ay wax ka la soo dagaan
waxna ka dhoofsadaan marsada dhul eed ee magaalada
Tog-wajaale.
Si hadaba looga faa’iidaysto
fursada dahabiga ah ee Ilaahay inagu
manaystay, loona haqab tiro cid kasta oo ku
soo hirata darka. Waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo
khaasatanna dadka reer Tog-Wajaale,
gartaan qiimaha iyo meeqaan ka ay leedahay
sabada Illahay –koreeye- dhig ay, ogaadaanna cidda danta
koob aad lihi in ay tahay dadka reer Tog-Wajaale. Dhib kasta oo
dhacdana ay yihiin d adka ay saamaynta koobaad ku yeelanayso,
si ay suurtagal u noqoto in gacma ha la isqabsado lagana baxo
dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale ee ragaadiyey bu lsho waynta
reer Tog-Wajaale.

Ahmednassir
Suldaan Abdirahman
Tog-Wajaale
Somaliland |
|