Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee KULMIYE Muuse Biixi Oo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Ugu Baaqay

 

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay difaaca ka baxdo, sidoo kalena dadweynaha ka saarto, difaacaas oo dadka iyo dawladuba galeen ka dib markii weeraradii ismiidaaminta ahaa lagu qarxiyay goobo muhiim ah oo ku yaalay Magaaladda Hargeysa. Isla markaana Muuse Biixi waxa kale oo uu ugu baaqay Xukuumadda, in ay sheegto cidda ka dambaysay weeraradaas ee reer Somaliland godobtooda u raacayaan.

Muuse Biixe waxa uu sheegay in aanay dawladda lagu dhalilili Karin maxay weeraradani u dhaceen, balse looga fadhiyo inay farta ku fiiqdo ciddii soo maleegtay, si umadu godobteeda halka ay u raacayso iyo cidda laysay-ba ay u ogaato.

Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE, oo ka hadlayay Xaflad lacag lagu godoonsiinayay ehelada dadkii qaraxyadaa ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay oo lagu qabtay Hutel Imperial ee magaaladda Hargeysa, waxa uu Xukuumadda ku dhaliilay in ay la raagtay dhawaaqa natiijada baadhitaankii ay ku raadinaysay ciddii weeraradaas ka dambaysay.

“Haddii wax dheceen dhamaanteen waynu wada dhiidhinay, waanaynu wada cadhaysanahay, dhexduna way inoo wada xidhan tahay, waxaynu doonaynaa bal cidda ina dishay waa ayo? Maanta Xukuumadda lagu dhaliili maayo maxay waxani u dhaceen, waayo aduunka oo dhan waa la is gaadaa, cadawgu meel wuu kaaga soo dusi karaa. Laakiin xukuumadda oo aynu dhamaanteen sugayno waxaanu leenahay waxaad la raagteen natiijada baadhitaanka. Wasiiro dhawr jeer hadlay waxay yidhaahdeen waa la baadhayaa oo baadhistii meel wanaagsan ayay maraysaa.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi waxa uu ku dooday in aanay ahayn in baadhista meesha ay waxani ka yimaadeen iyo iftiiminta ciddii gaysatay aan la isku xidhin ee la kala horaysiiyo, mar uu arrintaa ka hadlaayayna waxa uu yidhi, “Baadhistu waa wax farsamo ah, dadkii shaqada lahaa waa caadi in ay baadhaan, xaguu ka yimi, sidoo u soo galay, baasaaboorka uu sitay, gaadhiguu watay, lacagtuu isticmaalay, waxaas oo dhami waa arrin farsamo. Laakiin, waxa laga doonayaa inay yidhaahdaan marka hore ciddaas ayaa ina dishay. Bil ku dhawaad baynu maraynaa, ma dawlad baa, ma qabiil baa, ma kooxbaa, ma ashkhaas baa? Markaynu ogaano cadawga ina dilay ka uu yahay ayaa talaabada ku xigta laga wada hadli karayaa. Markaa waxaanu leenahay ha lagu dhakhsado cadaynta cidii ina dishay.”

Mr. Biixi waxa uu sheegay in dhacdadii Somaliland ka dhacday ay moolo kooban oo dunida ah ka dhacday, isla markaana waxa uu layaab ku tilmaamay in ciddii soo abaabushay ka baqatay inay sheegato. Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Ciddii dhimatay way dhimatay ee waxa inagaga daran inay ciddiba sheegan waydo, waayo weerarada aragagixisada markay dhacaan saacad ka dib ayaa la sheegtaa,Ciddii ina soo weerartay waxay ka baqatay inay tidhaahdo inaga ayaa idin weeraray, guushaana Somaliland shicibkeeda ayaa leh, oo waa laga baqay markii la arkay dareenkii dadka. Mar haddii cadawgii baqay oo sheegan kari waayayna waxay ahayd inaynu inagu sheegno”

Sidoo kale, Muuse waxa uu ku dooday in dagaal ka ugu liita ee lagu jabaa yahay difaaca, sidaa daraadeedna, waxa uu Xukuumadda Somaliland u soo jeediyay inay difaaca ka saarto dadweynaha iyo qaybaha dawladaba. “Dagaal ka ugu liita ee lagu jabaa waa difaaca, markii waxani dhaceen difaac baynu galay markaasaynu weliba difaacii dib u sii guranay. Waad aragteenoo qofkasta oo reer Somaliland ah ayaa difaac galay oo baqday, Askarigii ayaa gaadhiga ku soo socda ka baqanaya, kii Masuulka ahaa ayaa baqanaaya, kii Baayacmushtarka ahaa ayaa baqanaaya.” Ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi,

Isla markaana isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Horta ummadi waxay ku jabtaa markay iyadu difaac gasho, mar haday arrintu dhacday talaabada loo baahan yahay waxa weeye in cadawgii la isu qaybiyo, Somaliland-na waxa la gudboon inaynu ciddaa weerar ku qaadno, oo aanu seexan ninkii godobtaa galay, oo la yidhaahdo, sow ninkii waxa sameeyay ma tihid? Ku gafi maayo, aduunka meel lagu dhuuman karaa ma jirto, nin godobteena la seexan karaana ma jiro. Markaa waxaan leeyahay saykoolajiga difaaca ah ee aynu galay waa inaynu ka baxnaa, maamulka waxaan leeyahay dadka difaaca waa inay ka saartaa, waayo cadawgu wuxuu kugu dilaa waa saykoolaji. Ninkii ina dilay ee isu keen qariyay maalin walba tarteena wuu arkayaa, Wasiirada leh diifaaca hala galo, Baayac-mushtarka is bedalay, waxa socda iyo khal-khal baa la galay marka la yidhaahdo, intuu u socdayna intaas ayay ahayn inuu khal-khal ina geliyo.”

 

 

 

 


Hadhwanaagnews